dhiirtixanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirtixanyo
-da: (magac, dhedig, keli) diirxiyar oo lugo badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiirtaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) caloolyaw iyo hibasho wax naftu ku taamaysay oo sidii noqon waaya. Dh: ciil, uurkutaallo.
hiirtaanyo -da: (magac, dhedig, keli) kadeed amaa dhib mudasho. Hiirtaanyada waxa iigu wacan dantayda aan gudan waayey. Dh: dhib, harreef, hiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirtaxaniinyo
m.dh.u la-mid: dheertaxaniinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuritaxanyo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah xamaaratada oo dhererkeedu gaaban yahay, hareerahana faro yaryar ku leh. Dh: dhirtaxanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hollanayo oo xiiso loo qabo in la gaadho. Dh: hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiirtaayo
(Hiirtaaya-da)
Dhib; harreef (ama hiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiirtaayo
m.dh Xusuusashada ama gocoshada dhib hore u dhacay. la-mid: hiitaanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiirtaayo
f. n. trouble, difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiirtaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib; harreef; hiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiirtaayo
a: hiir
de: trouble, difficulty
lx: hiirtaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhib, harreef
key: hiirtaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiitaanyo
m.dh la-mid: hiirtaayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ririxanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg riiraxanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiraxanyo
m.dh la-mid: riiraxyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiraxanyo
-da: (magac, dhedig, keli) qufac badan oo is dabajoog ah. Calaamadaha qaaxada waxa ka mid ah riiraxanyo. Dh: dhigdhiko, riirixanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheertaxaniinyo
(Dheertaxaniinya-da)
Farabbadan; geelcaacis (ama dhuurtaxaniinyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheertaxaniinyo
m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. la-mid: dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheertaxaniinyo
f. n., [collective] centipede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheertaxaniinyo
-da: (n) centipede (san-ti-piidh); caterpillar ~ farabadani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheertaxaniinyo
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo aad u lugabadan oo orodka dheeraysa. Dheertaxaniinyada ha ku joogsan. Dh: geelcaacis, geedtaxaliil, dhuurtaxaniinyo, farabadan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheertaxaniinyo
a: dhuurtaxaniinyo
de: centipede
lx: dheertaxaniinyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: farabbadan
key: dheertaxaniinyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuurtaxaniinyo
(Dhuurtaxaniinya-da)
Dheertaxaniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuurtaxaniinyo
m.dh.u la-mid: dheertaxaniinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuurtaxaniinyo
f. n., [collective] centipede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuurtaxaniinyo
-da: (n) centipede (san-ti-piidh) ~ dheertaxaniinyo, farabadani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuurtaxaniinyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dheertaxaniinyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuurtaxaniinyo
de: centipede
lx: dhuurtaxaniinyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
see: dheertaxaniinyo
key: dhuurtaxaniinyo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiirrane
name-m brave, fearless
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diigaanyo
(Diigaanya-da)
Aan la tirin karin; farabbadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diigaanyo
m.dh Wax aad u tiro badan (dad, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diigaanyo
f. n., [abstract] innumerability, uncountable quantity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diigaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) badi aan la koobi karin. Ayax diigaanyo ah ayaa beerihii ku degey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diigaanyo
de: innumerability, uncountable quantity
lx: diigaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: diigaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraanso
(fal) higso; tiigso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg siilaanyo. siiri-ga: (magac, lab, keli) sidhi; firinbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiiraanyo
(Tiiraanya-da)
Arrin lala murugoodo; caloolxumo; uurkutaallo; ciilqab; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiraanyo
m.dh Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiiraanyo
m.dh Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiiraanyo
f. n., [abstract] sadness, grief
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiiraanyo
-tiiraanyada: (n) sorrow (soo-row); grief (griif); sadness (saadh-nes); misfortune (mis-foor-jen); regret (rig-reet) ~ murugo, caloolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) arrin lala murugoodo dhibteeda darted; uur ku taallo. Dh: ciilqab, caloolxumo, ciilqab, uurkusiddo, murugo. Li: farxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiiraanyo
de: sadness, grief
initial: t
lx: tiiraanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: tiiraanyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tiiraanyo
حُزن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhiiyo
(Dhiidhiiya-da)
Cayayaan madaxa iyo qaarka hore wax adag oo kurtummo yaryar lihi kaga rogan yihiin oo aan baalal lahayn oo qaar danbe oo buuran oo jiidan leh; xaabley; uxu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiiyo
m.dh.u Cayayaan madaxa iyo qaarka hore qolof adag oo kurtummo lihi kaga roganyihiin oo aan baalal lahayn oo qaar dambe oo buuran leh; xabley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiidhiiyo
f. n., [collective] insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiiyo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan madaxa iyo qaarka hore qolof adag iyo kurtimo yaryar ku leh oo aan baalal lahayn. Dh: uxu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiidhiiyo
de: insect sp.
lx: dhiidhiiyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhiidhiiyo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirigali
-yey I say: (v) encourage (en-koreeyj); motivate (mowti-feeyt); impel (im-peel); inspire (in-ispaayr); give courage to ~ dhiirri, boori, ku boori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhiirran noqosho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirranow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhiirran noqosho (nafley). m.f.dh, dhiirranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirranow
v. have courage, feel encouraged; be bold ~ brave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranow
(fal) qof dhiirran ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirranow
a: dhiirro
de: have courage, feel encouraged; be bold ~ brave
lx: dhiirranow
pd: (dhiirranaaday)
ps: v3b=intr
key: dhiirranow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirrasho
(Dhiirrasha-da)
Dhiirri la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirrasho
m.f.dh eeg dhiirro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirrasho
vl. n. having courage, being brave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirrasho
-da: (n) risk taking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirrasho
-da: (magac, dhedig, keli) si calool adayg iyo isku kalsooni ah wax u abbaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirrasho
de: having courage, being brave
lx: dhiirrasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dhiirrasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilmaanyo
(Dhilmaanya-da)
Kaneeco; (ama dhalmaanyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmaanyo
m.dh 1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhilmaanyo
m.dh 1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilmaanyo
f. n., [collective] mosquito
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhilmaanyo
-dhilmaanyada: (n) mosquito (mos-kii-tow) ~ kaneeco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmaanyo
-da: (magac, dhedig,keli) cayayaan leh baadad uu ku duulo oo dadka cuna, dhaliyana xanuunka duumada oo ku dhaqan dhulka webiyada leh sida koonfurta Soomaaliya. Dh: kaneeco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhilmaanyo
de: mosquito
lx: dhilmaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: kaneeco {C & S}
key: dhilmaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtayn
m.f.dh eeg dhirirtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dhibiibtiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtiran
(tilmaame) qof dhaawac qaba oo daawo iyo xanaano qaba. Dh: dhibiibitiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibitiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtayso
f.g3 (-stay, -satay) Badar sacab ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiraxanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: riiraxyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiraxanyoo
(fal) aad u qufac oo riiraxanyo badan samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranaansho
m.l/dh eeg dhiirranow. la-mid: dhiirranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid dhiirran ahaan. Dh: dhiiranaan, dhiirrani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtaysasho
m.f.dh eeg dhirirtayso. la-mid: dhirirtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibidhisasho
(Dhibidhisasha-da)
Ratiga qooqan kolka uu dhibida isku dhaama hayo: kolkuu carto oo uu dagaal maaggan yahay, buu wuxuu isku daraa doobbin iyo miciyo lisasho iyo isagoo kaadi isku dhaama: intuu kaadida kaleetiyo buu hadba dabada u dhigtaa oo iyadoo ka da'aysa kor isugu sayriyaa, oo haddana qooyaa oo isku sayriyaa. kd.; Ratigu kolkuu dhibidhisana hayo, wuxuu yeeshaa muuqaal aad looga argaggaxo; dhibilisasho (ama dhebidhisasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibidhisasho
m.f.dh eeg dhibidhiso. la-mid: dhebidhisad, dhebidhisasho, dhebilisad, dhebilisas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmiirasho
(Dhiigmiirasha-da)
Wax nool dhiig ka shubasho; dhiignuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiirasho
m.f.dh eeg dhiigmiiro. la-mid: dhiigmiirad (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigmiirasho
-da: (n) exploitation (ekis-palooy-teey-shin); bloodsucking (balaadh-sa-king) ~ dhiigmiiradnimo, isku-dulnoolaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhiigmiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiiradnimo
m.dh Dhiigmiirad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmiiradnimo
f. n., [abstract] exploitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiiradnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhiigmiiradka ku shaqeeya ahaan. Gumaysiga waxa lagu nacay dhiigmiiradnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmiiradnimo
de: exploitation
lx: dhiigmiiradnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
see: iskukornoolaan
key: dhiigmiiradnimo