dhiirrigelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirrigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) si calool adayg iyo isku kalsooni ah wax u abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirriggelin
m.f.dh eeg dhiirriggeli. la-mid: dhiirriggelis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirriggelin
m.f.dh eeg dhiirigeli.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirigelin
-ta: (n) encouragement (inkooraj-ment); motivation (mow-ti-veey-shin); incentive (in-sen-tiv); moral support; inspiration (in-ispareey-shin); animation (ana-meey-shin) ~ dhiirrin, boorin, bogaadin, niyad gelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax wanaagsan oo uu ka maagayo ku tirtirsiin oo inuu qaban karayo ku calool adkaysiin. Dh: dhiirrin, calood'adkaysiin, tirtirsiin, dhiirrigelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirrigeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirrigeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirrigeli
v., [compound] encourage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirrigeli
(fal) si calool adayg iyo isku kalsooni ah wax u abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirrigeli
de: encourage
lx: dhiirrigeli
pd: (dhiirrigeliyey)
ps: v2a=cmp
key: dhiirrigeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirriggelis
m.l la-mid: dhiirrggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirriggelis
-ta: (magac, ddhedig, keli) eeg dhiirrigelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirigeli
(fal) wax ku tirtirsii oo inuu qaban karo ku calool adkaysii. Dh: dhiirri, dhiirigeli.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inspiration
/inspareyshan/ (n) 1. niyad-gelin ama dhiirrigelin (wax kugu dhaliya inaad wax hindistid ama samaysid). (n) 2. ra'yi fiican helid (fikrad fiican oo degdeg kuugu soo dhacda). e.g. Some artists get their inspiration from nature.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
incoraggiare
v.tr.- dhiirrigelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin mudnaan gaar ah leh gudashadeeda ruux ku adkayn oo ku dhiirrigelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalee
(fal) awr, mid kale qallaxato ku qabo. Dh: qallacatee.
dhabaalee: (fal) cid guubabi oo dhiirrigelin ku kici. Dh: guubaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) qaab awrt. isku disho oo ah qallaxato qoorta qoorta la isk gesho oo la isku xuurteeyo.
dhabaalo -da: (magac, dhedig, keli) guubaabo iyo dhiirrigelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubaabo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama qof wax ugu sheegid sidii uu hawl ugu dhiirran lahaa. Dh: boorrin, dhiirrigelin, tirtirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyo
-da: (magac, dhedig, keli) ereyo dhiirrigelin ah oo lagu yidhaa qof wax loo bogay sameeyey ama helay. Hambalyada isdaba yací iyo waa hebele siida. Dh: bogaadin, tahniyad, kadabaa. Li: cambaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookhlul
-ka: (magac, lab, keli) madax u ruxid; u hininig ama ayidid talo ama arrin; u bogid oo soo dhaweyn iyo dhiirrigelin. Sow jookhlulkii ina sengiyo seyte lama aalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof inuu wax dilo ku dhiirrigelin. Rabintu waa dhagar aan toos ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beeridda dhirta dhulka lagu beero.
tallaalid -da: (magac, dhedig, keli) isku mudida labo geed dheecaankooda la isku mudo.
tallaalid -da: (magac, dhedig, keli) qof, tariib ku mudid oo ku durid. Olole lagu dhiirrigelinayo tallaalida caruurta ayaa socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirtirsiis
-ka: (magac, lab, keli) hadal dhiirrigelin iyo guubaabo ah. Tirtirsiisku ardayda wuu u fiican yahay. Dh: guubaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilwile
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqameed ragga u gaar ah oo ay Soomaalidu ciyaarto, gaar ahaan na laga ciyaaro Soomaalilaan, Jabuuti iyo gobollada Soomaaliyeed ee Itoobiya. Waxa bilawgeeda lahaa Cali Kalageeye, waxayna leedahay jiib iyo jabaq aad u qorxoon. Waa ciyaar dagaal astaan u ah. Qalabka lagu ciyaaro waxaa ka mid ah waran, gaashaan iyo billaawe oo 'saddexan' loo yaqaan. Inta uu raggu ciyaarayo, waxa safsaf u daba joogsada haweenka oo ku celceliya ereyo ammaan iyo dhiirrigelin ah. Dh: wilwilo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
courage
courage, n.m. - Dhiirrigelin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
débaucher
débaucher, V. - Dembi ku kalkaalin; ku dhiirrigelin xumaato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
encourager
encourager, v. - dhiirrigelin; dallacsiin; horu-dallicin.
encourager au vice - dembi ku kalkaalin; ku dhiirrigelin xumaato,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirigali
-yey I say: (v) encourage (en-koreeyj); motivate (mowti-feeyt); impel (im-peel); inspire (in-ispaayr); give courage to ~ dhiirri, boori, ku boori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabgelin
m.f.dh eeg dhabgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) is daba gelin oo aad ugu kululayn. Dh: dabgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiin
dhiidhiin¹: m.dh Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiin²: m.dh Maqal ari aad u bar yar oo dhalatay iyadoon bila-dhammaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsiin
m.dh 1. la-mid: dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigsiin
vl. n., [compound] blood donation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigsiin
-ta: (n) blood donation ~ dhiig bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jidha ah, dhiig ka yaacin. Dh: dhiijin.
dhiigsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid dhiig u shubid oo siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigsiin
a: dhiigsiis (ka) [vn2a-m]
de: blood donation
lx: dhiigsiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
key: dhiigsiin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiirrane
name-m brave, fearless
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirri_1
cf: dhiirranaan, dhiirrasho
de: courage, bravery, fearlessness
hm: 1
lx: dhiirri
pd: (-da)
ps: n0-f
key: dhiirri_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirri_2
de: encourage, motivate, inspire
hm: 2
lx: dhiirri
pd: (dhiirriyey)
ps: v2a=
key: dhiirri_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilgelin
m.f.dh eeg liilgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) xal u helidda arrin markaa taagan. Dh: xallin. Li: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan dabka saarsaarid oo qabawga ka bi'in. waxqabad diirdiirran: (tilmaame) mid firfircoon oo leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantigelin
Investimento
Investment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hab lagu raadiyo faa'iido marka lacag ama wax kale oo qiimo leh meel la geliyo. Dh: maalgelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
martigelin
-ta: (n) hospitality (hospitaaliti) ~ soo-dhawayn-ta, diyaafadin. Ex: waxaan ugu mahadnaqay martigalintoodii; I thanked them for their hospitality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad marti ah sooryeyn oo sed iyo seexadba siin. Dh: sooryeyn, bariin.
martigelin-ta: (magac, dhedig, keli) eeg martiqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirriijin
(Riirriijin-ta)
Liilliijin; dhaqdhaqaajin; ruxruxid; ligligid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ku jirta xaalad wahsi ah ama dib'udhac ku yimid, awood iyo firfircooni ku kordhin. Li: ragaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelin
m.f.dh eeg dhaqangeli. la-mid: dhaqangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hirgalin wax intii hore talo ama xeer dhigan ahaa. Dh: hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibin
m.f.dh eeg dhiidhiibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhidhibah u fadhiisin; si xushmad leh u fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirranaan
(Dhiirranaan-ta)
(qof) dhiirran ahaan; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranaan
m.f.dh eeg dhiirran. la-mid: dhiirranaansho (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirranaan
f. n., [abstract] bravery, courage, fearlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baqdin la'aan iyo waabasho la'aan. Dh: calooladayg, geesinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirranaan
de: bravery, courage, fearlessness
lx: dhiirranaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: geesinnimo
key: dhiirranaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khatargelin
-ta: (n) endangerment (endheejarment)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigdhigsiin
m.f.dh eeg dhigdhigsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigdhigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cidhiidhyid oo aad u kiilid. Dh: cidhiidhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaangelin
m.f.dh eeg diiwaangeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaangelin
vl. n. registration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqada la qabanayo oo diiwaanka la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaangelin
de: registration
lx: diiwaangelin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: diiwaangelin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diiwaangelin
تدوين
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiwaan gelin
-ta: (n) registration (rejis-tareey-shin); the act of registering. ~ qoritaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIIWAAN GELIN
Registrazione
Registration
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diiwaan gelin
Registrazione
Recording