dhiiqle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIIQLE
(Digle) C Jatropha arguta Chiov. Euphorbiaceae.
C Jatropha pelargoniifolia Courb. Euphorbiaceae.
C Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiqle
(Dhiqla-ha)
Cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiigga dadka nuuga: wuxuu galaa sariiraha iyo gogosha kaloo lagu seexdo ama lagu fariisto; kataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiqle
m.l.u Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iyo wixi lamida gala; kutaan. la-mid: dhilqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiqle
m. n. bedbug
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiqle
name-m temperamental; lit: a high tempered one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiqle
-dhiqlaha: (n) bedbug (bedh-bag); chinch (Jinji) ~ uhilqe, kutaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiqle
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiilaha gala. Dh: kutaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiqle
bw: dhilqe {C & S}
de: bedbug
lx: dhiqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kutaan
key: dhiqle
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLE
Jatropha dichtar 20
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigle
m. n. person defending his own (having intense loyalty)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigle
de: person defending his own (having intense loyalty)
lx: dhiigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiigle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiil
(Dhii-sha)
Weel la tolo ama geedaha laga qoro oo caanaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiil
dhiil¹: m.l (-lal, m.l) Haruubka dhiisha lagu daboolo.
dhiil²: m.dh (-lo, m.l) Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiil
m.dh (-lo, m.l) Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiil
f. n. milk-vessel of woven plant-fiber ~ wood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiil
-dhiisha: (n) milk container used by the nomadic people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiil
-ka: (magac, lab, keli) hadhuub roon oo lagu maalo xoolaha. Dhiilka ku soo lis geela. Dh: bidhe, furqordi, marke.
dhiil-ka: (magac, lab, keli) furka dhiisha lagu daboolo. Nin dhiil dhami jiray dhiilkeedu ma deeqo. Dh: buqul.
dhiil -sha: (magac, dhedig, keli) weel dabool leh oo caano ama biyo lagu shubto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiil
de: milk-vessel of woven plant-fiber ~ wood
lx: dhiil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: dhiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiq
(Dhiiq-da)
Xoolaha la lisa hayo, inta kol naaska ka soo baxda kolka sacabku xamatuuriyo; toog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiq
dhiiq¹: m.dh 1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.
dhiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) Naas ibtiis caano ka imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiq
dhiiq¹: m.dh 1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.
dhiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) Naas ibtiis caano ka imaansho. m.f.dh, dhiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiq
f. n., [collective] amount of milk given at one milking
dhiiq: v. trickle (of milk); give some milk (of udder)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiq
-da: (magac, dhedig, keli) caano yar oo hal mar ah naaska laga dhiijiyo.
dhiiq: (ereycodeed) lagu tusmeeyo dhawaaq dhuuban oo meel cidhiidhi ah ka soo baxa, sida ka dhuusada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhible
-ha: (magac, lab, keli) magaha la kala qaato mid ka mid ah.
dhible-ha: (magac, lab, keli) qof waxyeello cid u geystey.
dhible -ha: (magac, lab, keli) xeerka loo cuskado qof dhagar aan marag loo hayn lagu eedeeyo dhaarna ka maaga, waxa laga qaadaa magtii caadiga ahayd in ka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqo
(Dhiiqa-da)
Meel dhoobo qoyan oo luguhu gela hayaan ama ku wasakhooba hayaan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqo
dhiiqo¹: m.dh 1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Xabaqbarsho.
dhiiqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Dhooqo aad u qoyan dhex mari kari waayid (baabuur, nafley iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiqo
dhiiqo¹: m.dh 1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Xabaqbarsho.
dhiiqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Dhooqo aad u qoyan dhex mari kari waayid (baabuur, nafley iyo wixi lamida). m.f.dh, dhiiqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqo
f. n., (mass n.): mud, muddy soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiiqo
-dhiiqada: (n) mud (madh); wet, sticky, soft earth ~ dhooqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo ama dhiriq qoyan oo aan la dhexmari karin. Dhulkii waa wada dhiiqo oo lama marayo. Dh: dhoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqo
de: mud, muddy soil
lx: dhiiqo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: dhooqo
key: dhiiqo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhiiqo
طينة، طين
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqe
m.l la-mid: dhiqle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilqe
m. n. bedbug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhilqe
-dhilqaha: (n) bedbug (bedh-bag); chinch (jinji) ~ kutaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhilqe
a: dhiqle {S}
de: bedbug
lx: dhilqe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhilqe
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diinle
name-m religious. Syn: Diini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) 1. Diiqo bixin. 2. Wax daldalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiile
magac loo baxsho wiil, eeg Shiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adhiile
m. n. goat merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adhiile
-adhiilaha: (n) goats and sheep exporter ~ ariile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhiile
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolaha ka dhaqda adhiga uun; qof adhi leh. Dh: ariile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adhiile
a: ariile
de: goat merchant
lx: adhiile
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: adhiile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigee
v. bleed, make blood come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigee
(fal) dhiig yaaci; dhiig ha kaa yimaad.
dhiigee: (fal) dhiig yeelo ama wax dhiigle noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigee
de: bleed, make blood come out
lx: dhiigee
pd: (dhigeeyey)
ps: v2b=
key: dhiigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiillo
(Dhiilla-da)
War laga dido oo dadka cabsi geliya; dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiillo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiillo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiillo
f. n. animosity, hostility; bad news, news of disaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiillo
-dhiillada: (n) fear (fi-yar) ~ cabsi; walwal, walaac. -Syn: fright, dread, terror, horror, panic, alarm
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiillo
Apprensione
Apprehension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillo
-da: (magac, dhedig, keli) walbahaar iyo walaac uu qof war xun maqlaa la ledi waayo; war xun oo laga naxo. Dh: saymo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiillo
de: animosity, hostility; bad news, news of disaster (anything creating a negative emotional state in people)
lx: dhiillo
pd: (-da)
ps: n6-f
key: dhiillo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiq_1
de: amount of milk given at one milking
hm: 1
lx: dhiiq
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: dhiiq_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiq_2
de: trickle (of milk); give some milk (of udder)
hm: 2
lx: dhiiq
pd: (dhiiqay)
ps: v1=intr
key: dhiiq_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqad
m.l la-mid: dhiiqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqid
(Dhiiqid-da)
Kolka la dhiijiyo wax ka yimaadaan; irmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqid
m.f.dh eeg dhiiq². la-mid: dhiiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiiq caano ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqis
m.dh la-mid: dhiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhiiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho. m.f.dh, dhiiqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqow
inch. v. become muddy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqow
(fal) dhiiqo yeelo. Dh: dhoobow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqow
de: become muddy
lx: dhiiqow
pd: (dhiiqoobay)
ps: v1=inch
key: dhiiqow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsi
-ga: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqso
v. milk an animal for one's own benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqso
(fal) dhiiq yar oo aan badnayn oo naas ku jirta ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqso
de: milk an animal for one's own benefit
lx: dhiiqso
pd: (dhiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhiiqso
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLEY
Jatropha dichtar 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiiqley
m.dh la-mid: xiiqley.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiidle
nickname; name-m grinding stone, millstone, mill; stone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiig leh
(adj) 1. bloody (balaadhi) Ex: Shaati dhiig leh; a bloody shirt. 2. brave (bareeyv) ~ geesi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiltole
m.l (-layaal, m.l/dh) Dhiil farsamayaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiltole
m. n. one who makes milk vessels
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiltole
de: one who makes milk vessels
lx: dhiiltole
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: dhiil
key: dhiiltole
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chimique
chimique, adj. - kimiko.
échange chimique - Isbeddel kimikeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqee
(fal) dariiqo la iskaga daydo samee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhib leh
adj., [expression] difficult
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhib_leh
de: difficult
lx: dhib leh
ps: adj-expr
xe: It is difficult work.
xv: Waa shaqa dhib leh.
key: dhib_leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiglow
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiijeey
-ga: (n) DJ (dii jeey); disc jockey (diskjaaki), also disk jockey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhilloo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiilloo
(fal) walaac iyo walbahaar ha ku helaan. Dh: murigoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiillow
inch. v. be disturbed, get ~ become anxious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiillow
de: be disturbed, get ~ become anxious
lx: dhiillow
pd: (dhiillooday)
ps: v3a=inch
key: dhiillow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsad
m.l la-mid: dhiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqsin
(Dhiiqsin-ta)
In la dhiijiyo; wax yar oo la liso; caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsin
m.dh In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqsin
vl. n. short milking, small amount of milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku jira naas ka dhiijisasho. Saca dhiiqsin waa hore ayaa ugu dambaysay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqsin
de: short milking, small amount of milk
lx: dhiiqsin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhiiqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliqsi
m.l la-mid: dhillisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliqso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhilliso.