dhiigurur
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigurur
m.l (daaw.) Dhiig ku ururay soohyada dhexdooda oo xinjirooba markaas sameysmato meel soo buuran oo adagi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiig-urur
m.l (daawo) Dhiig ku ururay soohyada dhexdooda oo xinjirooba markaas sameysmato meel soo buuran oo adagi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiguris
m.l Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuurur
m.l Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.

dhiigkar
m.l (daawo) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigkar
m.l (daaw.) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigkar
m. n., [compound] blood pressure; hypertension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigkar
-ka: (magac, lab, keli) xanuun, marka xawliga wadanuhu dhiigga u tuurayo uu siyaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigkar
a: dhiigkac
de: blood pressure; hypertension
lx: dhiigkar
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: dhiigkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho. m.f.dh, dhiigyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): anemic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyar
(adj) anemic (a-nii-mik) ~ dhiigdarro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyar
de: anemic
lx: dhiigyar
pd: (dhiigyaraa)
ps: adj-cmp
key: dhiigyar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiig-kar
-ka: (n) blood pressure (balaadh paree-shar). Ex: dhiig-karku waa cuddur halis ah; blood pressure is a serious disease
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmiir
(Dhiigmiir-ka)
Qofkii ama neefkii oo nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiir
m.l Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmiir
m. n., [compound] blood-sucker; blood extractor; exploiter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiir
-ka: (magac, lab, keli) cadaadis dhaqaale oo dadka inta sida ugu badan loogu xoogsado xaqoodana laga duudsiyo.
dhiigmiir-ka: (magac, lab, keli) dareeraha dhiigga oo noolaha laga shubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmiir
de: blood-sucker; blood extractor; [fig.] exploiter
lx: dhiigmiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigmiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigroor
(Dhiigroor-ka)
Dhiigga meesha oogada nafleyda, nabar aan haragga dillaacini kaga dhaco, isugu soo urura; wuxuu ka yimaadaa oo ka soo baxaa xididdada yaryar oo nabarku dillaacshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigroor
dhiigroor¹: m.l 1. Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. la-mid: dhiigroorid.
dhiigroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel nabar ku dhacay dhiig ku guntamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigroor
dhiigroor¹: m.l Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay.
dhiigroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel nabar ku dhacay dhiig ku guntamid. m.f.dh, dhiigroorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigroor
m. n., [compound] bruise
dhiigroor: v., [compound] bleed, lose blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigroor
-ka: (magac, lab, keli) dhiig ka yimaad xididdada yaryar marka uu nabar gaadho oo ku urura dubka hoostiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigtaar
(Dhiigtaar-ka)
Geed qodxo dheerdheer iyo dhacaan, sida dhiigga u guduudan, leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigtaar
m.l (-rro, m.dh) (botani) Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigtaar
m.l (-rro, m.dh) (botani) Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigtaar
m. n., [compound] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHIIGTAAR
[DHIKTAR, DEETAR, DEEGTAR, DIGHTAR] Dichrostachys kirkii 11, Jatropha dichtar 02, Turraea parvifolia? 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIIGTAAR
(Digtar) S, May, C, NFD Dicrostachys cinerea (L) Wight & Arn. Mimosaceae.
C Dicrostachys kirkii Benth. Mimosaceae.
C, NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigtaar
-ka: (magac, lab, keli) geed qodaxyo dhaadheer iyo dheecaan sida dhiigga u guduudan leh. Dh: waadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigtaar
de: tree sp.
lx: dhiigtaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigtaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigkushub
m. n., [compound] blood transfusion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigkushub
de: blood transfusion
lx: dhiigkushub
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigkushub
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIIG-SAAR
(Digsar) C, NFD Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigdarro
f. n. anemia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigdarro
-dhiigdarrada: (n) anemia (a-nii-miya) ~ dhiigyari
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigdarro
cf: dhiig caddaad
de: anemia mild case
lx: dhiigdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhiigdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Nafley dhiig ka shubasho. 2. Cid si xaqdarro ah ku jirto xooggiisa uga faa'iideysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmiiro
v., [compound] extract blood; exploit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiiro
(fal) dhiigmiirad samee; dadka ku xammaalo dheefna ha siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmiiro
de: extract blood; [fig.] exploit
lx: dhiigmiiro
pd: (dhiigmiirtay)
ps: v3b=cmp
key: dhiigmiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsumow
m.l (daawo) Sooh baabi'in aad u ballaaran oo ay keento baktiiriya cudurkeen ah oo dhiigga raaca ama sun ayaduna dhiigga la socota. Ereyga waxa loo isticmaalaa oo kala nooc dhiig sumow ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigsumow
m.l (daaw.) Sooh baabi'in aad u ballaaran oo ay keento baktiiriya cudurkeen ah oo dhiigga raaca ama sun ayaduna dhiigga la socota. Ereyga waxa loo isticmaalaa oo kala nooc dhiig sumow ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigri
-da: (magac, dhedig, keli) geed nagaadh oo ka baxa dhulka aan buuralayda ahayn jiilaalkiina xooluhu cunaan. Waxa kale oo loo adeegsadaa uumiga caruurta daaweyntooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigo
v. slip, slide
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigo
de: slip, slide
lx: dhiigo
pd: (dhiigtay)
ps: v3b=
key: dhiigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirir
m.l Mugga sacab fidsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukur
(fal) ka wada moolee timaha madaxa. Dh: moolee.
dhukur -ka: (magac, lab, keli) timo, madaxa ka wada moolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaguug
(fal) madax'adayg iyo canaadid. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso.
dhaguug -ga: (magac, lab, keli) si adag u madax'adaygid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARUUR
(Darur) S Commiphora ellenbechii Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigrii
-ga: (magac, lab, keli) halbeegga cabbiraadda xaglaha tirigonometiriga iyo heerkulka.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHIGTAR
Dichrostachys kirkii 10, Jatropha dichtar 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigee
v. bleed, make blood come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigee
(fal) dhiig yaaci; dhiig ha kaa yimaad.
dhiigee: (fal) dhiig yeelo ama wax dhiigle noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigee
de: bleed, make blood come out
lx: dhiigee
pd: (dhigeeyey)
ps: v2b=
key: dhiigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigid
m.dh 1. eeg dhiig². 2. la-mid: dhiigaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ilig iyo wixii la mid ah, dhiig keenid. Dhiigidda ilkuhu waa halise dhakhtarka teg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigle
m. n. person defending his own (having intense loyalty)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigle
de: person defending his own (having intense loyalty)
lx: dhiigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiigle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigow
f.mg1 (-gaabay, -gowday;-gaabi) Dhiig yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirri
(Dhiirri-da)
Cabsi la'aan; baqdin la'aan; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirri
dhiirri¹: m.dh Cabsi la'aan; geesinnimo.
dhiirri²: f.g2 (-iyay, -isay) Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirri
f. n. courage, bravery, fearlessness
dhiirri: v. encourage, motivate, inspire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirri
-yey / say: (v) encourage (en-koreeyj); motivate (mowti-feeyt) impel (im-peel); inspire (in-ispaayr give courage to ~ dhiirrigali, boori, ku boori
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiirri
Coraggio
Courage
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhiirri
جُرَّأَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirro
f.mg3 (-raday, ratay) Arrin si geesinnimo leh u qaabbilid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirro
f.mg3 (-raday, ratay) Arrin si geesinnimo dhiirrasho leh u qaabbilid (qof). m.f.dh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirro
v. have courage, be brave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirro
-dhiirraday I dhiirratay: (v) [with preposition ku] take a risk; nn a risk; make a bold move
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirro
(fal) calool'adayg iyo isku kalsooni wax u abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirro
a: dhiirranow
de: have courage, be brave
lx: dhiirro
pd: (dhiirraday)
ps: v3a=
key: dhiirro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhururi
m.dh la-mid: dhururuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhururi
-da: (magac, dhedig, keli) lacag qaddaadiic ah. Lacagta dhururida gaar u tiri. Dh: dhuruuri.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHURUUR
(Durur) May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.
May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuurar
m.l Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuurar
m.l Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
digérer
digérer, v. - dheefshiidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
distuur
m.l (-rro, m.dh) (siyaasad) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
distuur
m.l (-rro, m.dh) (siyaa.) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
distuur
m. n. constitution {politics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
distuur
-ka: (n) constitution (kon-isti-tuuu-shin) ~ see also [eeg] dastuur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
distuur
a: distoor
bw: Arabic
de: constitution {politics}
lx: distuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: distuur
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
figurer
figurer, v. - malayn; umalayn (maskax ka dhisid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgurux
m.l (-xyo, m.dh) Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgurux
m. n. eyeball
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgurux
de: eyeball
lx: ilgurux
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ilgurux
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minguur
v. run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minguur
-ka: (magac, lab, keli) wareejinta shey meel an meeshiisii ahayn loo raro ama sidiisii hore laga bedelo. Sheekada arraweelo waa minguur oo dadkii hore ayaa laga soo minguuriyay.
minguur-ka: (magac, lab, keli) raridda min faal loo raro min kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minguur
de: run dry (of ideas), be barren, lose one's creativity Lit: move house
lx: minguur
pd: (minguuray)
ps: v1=idiom
key: minguur
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rigueur
rigueur, n.f. - gallafsanaan (dabci); dabci adkaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vigueur
vigueur, n.f. - tamar; quwad; xoog; awood.
mettre en vigueur - xoog ku marin; ku khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanguur
m.dh Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanguur
-ta: (magac, lab, keli) shinbir yar oo leh midabyo, kooxkooxna u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexguur
m.l Dadka dega dhulka badda u dhow.