dhiigmadoobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmadoobaad
(Dhiigmadoobaad-ka)
Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo ku madoobaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmadoobaad
dhiigmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.
dhiigmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmadoobaad
m. n., [compound] (flow of) dark blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiig ku dhex guntama nabar aan qarxin oo dhexdiisa ku madoobaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmadoobaad
de: (flow of) dark blood
lx: dhiigmadoobaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dhiigmadoobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaranqaaro
(Qaranqaara-da)
Meel nabar ku dhacay, malaxda iyo dhiigmadoobaadka ku guntama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) qof magtiisu boqol tahay oo lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigcaddaad
m.l Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigcaddaad
m.l Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaxmadoobaad
dayaxmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayaxmadoobaad
dayaxmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaxmadoobaad
m. n., [compound] eclipse of the moon, lunar eclipse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) kolka dhulku soo kala dhex galo dayaxa iyo cadceedda ee uu hadhka dhulku qabto qayb dayaxa ka mid ah ama uu wada qariyaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaxmadoobaad
de: eclipse of the moon, lunar eclipse
lx: dayaxmadoobaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dayaxmadoobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobaad
m.l Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iyo wixi lamida. la-mid: gibilmadoobaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayax madoobaad
-ka : (n) lunar eclipse (luuner ik-lipsi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayax-madoobaad
(Dayax-madoobaad-ka)
Kolka inta dhulku kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa, hooska dhulku dayaxa, habeenkii, wada qabto ama qaar ka qabto oo madoobeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigwadaag
-ta: (magacwadareed) dad magtu ay ka dhaxayso oo bixinteeda iyo qaadasheedaba ka midaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) midabka casuuska ah ee gabbaldhaca kadib jihada ka muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyacabad
m.dh Naag dadka laysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyacabad
f. n. bloodthirsty woman, killer, murderer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyacabad
de: bloodthirsty woman, killer, murderer
lx: dhiigyacabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhiigyacabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilmadoobe
(Shiilmadooba-ha)
Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; cirkasoodhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilmadoobe
m.l Dhagax madow oo marka laysku dhufto habeenkii dab ka baxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiilmadoobe
m. n., [compound] hard black volcanic stone; meteorite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilmadoobe
-ha: (magac, lab, keli) burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata. Dh: cirkasoodhac.
shiilmadoobe -ha: (magac, lab, keli) dhagax sida baruurta ah oo midabkiisu madawyahay oo kolka la isku garaaco dharo ka duulduusho, Dh: shiilmadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiilmadoobe
de: hard black volcanic stone; [ext.] meteorite
initial: s
lx: shiilmadoobe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: shiilmadoobe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiig caddaad
m. n., [abstract] anemia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiig_caddaad
cf: dhiigdarro
de: anemia serious case
lx: dhiig caddaad
pd: (-ka)
ps: np-m-abs
key: dhiig_caddaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) cadceeddu marka ay madoobaato oo ah kolka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Dh: cadceedmadoobaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) xaaladda ka dhalata kolka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo cadceedda oo badhkeed ama gebigeed madoobaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraanmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) giraanileys midabeysan oo widhwidha oo laga arko qorraxda goonyaheeda marka dayaxu ku aaddan yahay qorraxda ee amminta qorrax madoobaadka. Dh: taaj.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorax madoobaad
Eclipse, solar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) cadxeedda oo iftiinkeeda la waayo marka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Sannadkii siddeetankii qarnigii labaatanaad qorraxmadoobaad weyn ayaa Geeska Afrika ka dhacay. Dh: cadceedmadoobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegadhabad
m.l la-mid: dhegadhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoonaan
m.f.dh eeg dhiifoon. la-mid: dhiifoonaansho, dhiifooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax foojigan oo digtoon ahaan. Dh: digtoonaan, feejignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) cudur ka dhasha dhiigga guduudan ama cas oo yaraada. Dh: dhiigyaro, dhiigyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmiirad
(Dhiigmiirad-ka)
Dhiigmiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiirad
m.l 1. Si xaqdarra ah oo dadka xooggiisa looga faa'iideysto. 2. Dh. ah: qof dadka xooggiisa si xaqdarra ah uga faa'iideysta. 3. la-mid: dhiigmiirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigmiirad
m.l 1. Si xaqdarra ah oo dadka xooggiisa looga faa'iideysto. 2. Dh. ah: qof dadka xooggiisa si xaqdarra ah uga faa'iideysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmiirad
vl. n., [compound] blood-sucking, drawing blood; exploiting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigmiirad
-ka: (n) exploitation (ekis-palooy-teey-shin); the act of bloodsucking (balaadh-sa-king); exploiter
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiigmiirad
Sfruttamento
Exploitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiirad
-ka: (magac, lab, keli) cadaadis dhaqaale samayn. Gumaysigu Afrika dhiigmiirad ayay kula dhaqmi jireen. Dh: dhiigmiirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmiirad
a: dhiigmiirasho (/da) [vn6-f]
de: blood-sucking, drawing blood; [fig.] exploiting
lx: dhiigmiirad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: dhiigmiirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigroorid
(Dhiigroorid-da)
Dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigroorid
m.f.dh eeg dhiigroor². la-mid: dhiigroor¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigroorid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigtaabac
m.l Qof aano daba jooga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigtaabac
-a: (magac, lab, keli) cid kale, abtirsiin ku raacid. Dadka is dhala ama wada dhasha dhiigtaabac ayaa ka dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyaraan
m.f.dh eeg dhiigyar. la-mid: dhiigyaraansho, dhiigyari, dhiigyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dhiiggu ka yaryahay ahaan. Dh: dhiigli'i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirhoosaad
-da: (magacwadareed) dhirta yaryar ee gaagaaban ama geedaha waawayn ka hoos baxda. Berisamaadka waxa bata dhirhoosaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatoobid
m.f.dh eeg dhugatow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhugato qaba ahaan. Sida qaalin dhugatoobay oo geelii laga reebay, dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimmoonaan
(Diimmoonaan-ta)
Ogaan la'aan; qarsoonaan; diimmooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimmoonaan
m.f.dh eeg diimmoon. la-mid: diimmoonaansho, diimooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimmoonaan
f. n., [abstract] state of being newly discovered, 'new', previously unknown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimmoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) war la'aan aan waxba laga warhayn. Dh: ogaanla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimmoonaan
a: diimmooni (-da) [n0-f-abs]
de: state of being newly discovered, 'new', previously unknown
lx: diimmoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diimmoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiimammowsad
m.l la-mid: hiimammowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiimammowsad
-ka: (magac, lab, keli) hiimammow galid; himhimmowsad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax madoobaad
Solar eclipse
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax madoobaad
Eclipse solar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrax madoobaad
-ka: (n) solar eclipse (soo-ler ik-lipsi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax-madoobaad
(Qorrax-madoobaad-ka)
Waxaa qorraxdu madoobaataa marka dayaxu yimaado ama ku abbaarmo qorraxda iyo dhulka dhexdooda, oo inta qorraxda isku gudbo, wada qariyo ama qaarkeed qariyo. Kolka dayaxu dibbado (oo uusan soo bixin) weeye kolka uu sigo ama sabab u noqdo qorraxmadoobaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrax-madoobaad
m. n., [compound] eclipse of the sun, solar eclipse
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhiibasho xabad
chest pass
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyari-daran
m.dh (daawo) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka. Dh.da d. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyari-daran
m.dh (daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka. Dh.da d. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobaansho
m.l/dh eeg gibilmadoobow. la-mid: gibilmadoobaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibilmadoobaansho
-da: (magac, dhedig, keli) dadka midabkoodu madow yahay ahaansho.