dhiigaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigaabid
(Dhiigaabid-da)
Dhiig soo deyn; dhiig ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigaabid
m.f.dh eeg dhiigow. la-mid: dhiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qayladhaan iyo canaan wada socda oo dad lagu guubaabiyo ama foojignaan fara badan oo qofku la fuloobo. Dh: qaylodhaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigaab
v. bleed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigaab
de: bleed
lx: dhiigaab
pd: (dhiigaabay)
ps: v1=
key: dhiigaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyacabad
m.dh Naag dadka laysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyacabad
f. n. bloodthirsty woman, killer, murderer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyacabad
de: bloodthirsty woman, killer, murderer
lx: dhiigyacabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhiigyacabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigtaabac
m.l Qof aano daba jooga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigtaabac
-a: (magac, lab, keli) cid kale, abtirsiin ku raacid. Dadka is dhala ama wada dhasha dhiigtaabac ayaa ka dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiibid
(Dhiibid-da)
Wax la hayo qof kale gacanta u gelin; farta ka saarid; siin; bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibid
m.f.dh eeg dhiib. la-mid: dhiibis².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhiibid
pass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiibid
vl. n. handing over, act of giving
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiibid
Invio
Despatch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibid
-da: (magac, dhedig, keli) alaab, lacag, farriin ama wax kale, cid faraha ka saarid oo kaga tegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiibid
a: dhiibis (ta) [vn1-f]
de: handing over, act of giving
lx: dhiibid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhiibid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhiibid
إعطاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigid
m.dh 1. eeg dhiig². 2. la-mid: dhiigaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ilig iyo wixii la mid ah, dhiig keenid. Dhiigidda ilkuhu waa halise dhakhtarka teg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kaydin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigaali
v. keep, conserve (meat ~ milk); deposit (money in a bank)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigaali
(fal) qor dhigaal ah ku turuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigaali
de: keep, conserve (meat ~ milk); [ext.] deposit (money in a bank)
lx: dhigaali
pd: (dhigaaliyey)
ps: v2a=tr
key: dhigaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigcab
m.l (-byo, m.dh) la-mid: dhiigyacab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigcab
m. n., [compound] blood-sucker; killer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigcab
-ka: (magac, lab, keli) laayaan gacanku dhiigle ah. Dh: dhiigyacab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigcab
de: blood-sucker; killer
lx: dhiigcab
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigcab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagid
m.f.dh eeg higaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirid; fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegadhegaynta wararka iyo waxii kolba jira. Dhegaabin ayuu warkayga ku ogaaday. Dh: dhegodhegayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaalin
m.f.dh eeg dhigaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) qori dhigaal ah, ku turgid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaalis
m.l Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigyari
(Dhiigyari-da)
Dhiigyaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyari
m.dh la-mid: dhiigyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyari
m.dh eeg dhiigyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyari
f. n., [compound] bloodlessness; anemia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyari
-da: (n) anemia (a-nii-miya) ~ dhiig xumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyari
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun uu jidhku waayo inta uu dhiiiga cas uga baahnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyari
a: dhiigyaro (/da) [n-f-cmp]
de: bloodlessness; anemia
lx: dhiigyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: dhiigyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalid
m.f.dh eeg dhisaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diihaalid
m.f.dh eeg diihaal². la-mid: daahiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid. Dh: halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaabid
m.dh la-mid: hullaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hillaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiqaabid
(Qiiqaabid-da)
Qiiq yeelasho; ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqaabid
m.dh la-mid: qaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qiiq yeelasho. Dabku weli ma hurin oo qiiqaabid ayuu ku jiraa. Dh: qiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) yeel iyo ujeeddo ama meel u qasdid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibsamid
m.f.dh eeg dhiibsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigbixid
(Dhiigbixid-da)
Dhiig badani oogada ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigbixid
m.f.dh eeg dhiigbax³. la-mid: dhiigbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibiibyid oo wax dhiig baxay ahaan. Dh: dhibiibyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigqabaw
-da: (magacwadareed) xayawaanka inta uu heerkulka jidhkoodu isla beddelo cimilada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqoobid
m.f.dh eeg dhiiqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxid
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho. Dh: dharbaaxid. dhirbaaxo -da: (magac, dhedig, keli) gacantaada oo kala fidsan ruux ku dhufashadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirqaadid
m.f.dh eeg dhirqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraarid
m.f.dh eeg shiiraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicisoobid
(Dhicisoobid-da)
(arrin) fashalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicisoobid
m.f.dh eeg dhicisow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibid
m.f.dh eeg dhiidhiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiig_qab_1
de: have a period, menstruate
hm: 1
lx: dhiig qab
pd: (qabay)
ps: v1=expr
syn: caado qab
key: dhiig_qab_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiig_qab_2
de: be a killer ~ murderer
hm: 2
lx: dhiig qab
pd: (qabay)
ps: v1=expr
key: dhiig_qab_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiig_qab_3
de: look healthy
hm: 3
lx: dhiig qab
pd: (qabay)
ps: v1=expr
key: dhiig_qab_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigroorid
(Dhiigroorid-da)
Dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigroorid
m.f.dh eeg dhiigroor². la-mid: dhiigroor¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigroorid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifoobid
m.f.dh eeg dhirifow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhi'itaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale oo meel sare higsanaysa, xagga danbe ka joogso oo hore u taageerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigkushubid
m.dh (daaw.) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabad
m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iyo wixi lamida dhextaal u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaagid
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąagid
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. la-mid: dhąadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawid
m.f.dh eeg dhaaw². la-mid: dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawid
-da: (magac, dhedig, keli) in xun u yu'asho: xumaan u rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaad
(Dhibaad-da)
1. Xoolaha xagga reerka gabadha laga guursadey ka yimaada oo kolkii laysu geeyo iyagaas iyo yaradka (xoolaha ninka wax guursadey xaggiisa ka imanaya), aqalka cusub oo la dhisa hayo dhaqaalihiisa gundhig u noqda.
2. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; xayl; caado; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaad
f. n. gift from the bride's family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la siiyo gabadhu kolka ay guursato oo walaaleheed ku sharfiyaan gaar ahaan kolka ugu horraysa ee ay booqasho u soo noqoto. Dh: diiqo.