dhidib-wareeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-wareeg
m.l (-byo ..., m.dh) (c. fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidibwareeg
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib wareeg
Axis of revolution

Revoiution, axis of
Dhidib wareeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-dhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIDIB-CADDE
(Didib-ad) C Tetrachaeta elionuroides Chiov. Gramineae.
C Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaliwareeg
-ga: (magac, lab, keli) shay sidii loogu talogalay aan u shaqaynayn ama khalkhalsan. Khaliwareeg baan ka dareemayaa gaariga. Dh: khalkhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqanwareeg
(Dhaqanwareeg-ga)
Dhaqanguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanwareeg
dhaqanwareeg¹: m.l Dhaqanguur. la-mid: dhaqanwareegid.
dhaqanwareeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqanwareeg
v., [compound] lose one's own culture
dhaqanwareeg m. n., [compound] cultural change, loss ~ revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanwareeg
-ga: (magac, lab, keli) dhaqangeddis ama dhaqanhabaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalwareeg
dhaxalwareeg¹: m.l 1. Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iyo wixi lamida oo ka dhuma. 2. la-mid: dhaxalwareegid.
dhaxalwareeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cid waxay dhaxal u lahayd dhumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaxalwareeg
dhaxalwareeg¹: m.l Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iyo wixi lamida oo ka dhuma.
dhaxalwareeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cid waxay dhaxal u lahayd dhumid. m.f.dh, dhaxalwareegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxalwareeg
v. lose one's inheritance, be disinherited
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxalwareeg
de: lose one's inheritance, be disinherited
lx: dhaxalwareeg
pd: (dhaxalwareegay)
ps: v1=intr
key: dhaxalwareeg
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEBI-HAREED
(Debi-hared) N Grewia bicolor Juss. Tiliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEBI-XAREED
(Debi-hared) N Grewia bicolor Juss. Tiliaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirabaareed
m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib wanqar
Axis of symmetry
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidibdhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib dhuleed
Axis, earth
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib birlabeed
Magnetic Axes
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib janjeedha
Oblique axis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: dharbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxee
(fal) eeg dharbaax.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
did badeed
Shingle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIXI-ABEER
(Dihi-damer) N Sporobolus ioclados (Trin) Nees. Gramineae.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul wareeg
Surface of revolution
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskuwareeg
(Iskuwareeg-ga)
Dhaqaaq wareegaya sida kan kiriiriga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuwareeg
vl. n. movement round and round ~ in a circle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuwareeg
-ga: (adj) square (iskuweer). Ex: baaxadda dhulka Somaalidu waa 246,200 mayl oo iskuwareeg ah (637,657 km iskuwareeg); the area of the land of Somali is 246,200 sq mi [637,657 sq km]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskuwareeg
-ga: (magac, lab, keli) wax halkiisii isku dulwareegay sida balboorinka. Dh: meeris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuwareeg
bw: kiriiri
de: movement round and round ~ in a circle
lx: iskuwareeg
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
see: wareeg
key: iskuwareeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaacwareer
-ka: (magac, lab, keli) hal la maalay ama nirigtu jaqday oo inyar ka dib mar labaad godol laga dayey habka ay nirigta u eegayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigwadaag
-ta: (magacwadareed) dad magtu ay ka dhaxayso oo bixinteeda iyo qaadasheedaba ka midaysan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIIN-GARAS
(Dingaras) C Coffea rhamnifolia (Chiov.) Bridson. Rubiaceae.
C Gardenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHISIN-QABE
(Disin-kabe) May, N Commiphora africana (A. Rich. Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddo-sheeg
m.l (-gyo, m.dh) (baayoloji) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalo-yareey
m.dh Dhalo laba dhuceey qaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanwareer
dhaqanwareer¹: m.l Dhaqanhabow.
dhaqanwareer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-wareer
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadne-wareen
m.l (daawo) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo wareeg
Brunkur cycle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARQO-MAREEY
(Dargo-marei) S Tephrosia villosa (L) Pers. Papilionaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhir abaareed
Xerophyte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhir-abaareed
m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dul wareeg
v. avoid, turn around obstacle ~ corner; ask leading ~ indirect questions; supervise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dul_wareeg
de: avoid, turn around obstacle ~ corner; [ext.] ask leading ~ indirect questions; [fig.] supervise
lx: ka dul wareeg
pd: (wareegay)
ps: v1=expr
key: ka_dul_wareeg
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacad-wareeg
Clockwise
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Toobin wareeg
Cone of revolution
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaab-saleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharab-barafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.