dhibboo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibboo
-ga: (magac, lab, keli) askari tababar ku jira oo weli aan rasmi noqon. Sannad dhibboo ah ayaan soo maray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibboo
(fal) xoolo, milaygii la xeroonayay dib uga dhac. Dh: dibbo, miro, bas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhib la kulmid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhib la kulmid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibtoo
(fal) mid dhibaato hayso noqo. Sidii aad u najixi lahayd u dhibtoo. Dh: dhibaatoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dable
-ha: (magac, lab, keli) askari aan wax derejo ah lahayn. Ducaysane wiilkayow, anoo da'yar baan ku dhalay, dablaan ku soo korshoo, dedaal baa igu badnaa. Dh: dhibboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dablee
(fal) askari noqo oo ka soo billow dhibboo. Dablee adigu aniga dan baa fadhi i tidhiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibtood
m.f.l eeg dhibtoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibtood
m.f.l eeg dhibtoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibtood
-ay I dhibaatootay: (v) suffer (sa-far); have difficulties; have a problem ~ rafaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibtood
-ka: (magac, lab, keli) mid dhibaato iyo rafaad la kulmay ama hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbo
f.mg3 (-baday, -batay) 1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. la-mid: dubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbo
v. stay out all night, not spend the night at home
dibbo v. be invisible, obscure, overcast (as the moon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbo
(fal) xilligii hoynta ka dibdhac; mayraca ku raag oo horay ha u soo hoyan. Dh: dibboo, miro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbo
m.l la-mid: dhabbe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbo
-dhabbada: (n) footpath (fuut-paath)-, oath (paath)-, road, street, way, ~ dhabbe, wadiiqo, jid, marin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbo
-ha: (magac, lab, keli) jidka ama dariiqa la maro. Dh: dariiq, hilin, wadiiqo, dhabbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibco
m.dh Hilib cadad yar yar laga dhigay oo muqmaddana ka waaweyn; suqaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibco
m.dh Hilib cadad yar yar laga dhigay oo muqmaddana ka waaweyn; suqaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibco
m. n., [collective] meat stew recipe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibco
-dhibcaha: (n) [ plural of dhibic-da] sport-. 1. scores (iskooris); points (pooyntis) ~ goolal, foorad. 2. drops (dharopis). Ex: dhibcaha roobka; the rain drops. 3. a dish of meat stew with potato, tomato
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibco
de: meat stew recipe (with onion, tomato, potato, etc.)
lx: dhibco
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: dhibco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho. m.f.dh, dhibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibso
v. be annoyed, feel irritated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibso
-dhibsaday I dhibsatay: (v) hate (heeyt); loathe (loowth); feel offended by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibso
(fal) wax dhacay ama la yidhi, dhibaato ka dareen ama ku dhibaatoo. Dh: karaahayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibso
de: be annoyed, feel irritated
lx: dhibso
pd: (dhibsaday)
ps: v3a=
key: dhibso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidbo
(fal) walax bir, loox ama wax kale ah, dhulka ku adkayso oo ku taago. Dh: dhaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibo
f.g3 (-btay, -batay) 1 . Wax la hayo cid kale u gudubsasho. 2. Wax qof leeyahay cid kale ku ammaanaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiibo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax la hayo cid kale u gudubsasho. 2. Wax qof leeyahay cid kale ku ammaanaysasho. m.f.dh, dhiibasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiibo
v. entrust, give in trust; present, hand over to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibo
(fal) (u ~) wax ad leedahay cid faraha ka saar oo kaga teg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiibo
de: entrust, give in trust; present, hand over to
lx: dhiibo
pd: (dhiibtay)
ps: v3b=
key: dhiibo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibsoo
(ereydhawaaq) eeg dibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibban
Dhib qaba; kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho. m.f.dh, dhibbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibban
der. [adjective] wounded; having hard times, in difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibban
-aa / nay: (adj) suffering (safa-ring)-, in agony (a-gani); experiencing or undergoing suffering; or feeling pain or distress ~ dhibaataysan, dulman, mashaqaysan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibban
In difficoltà
In difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibban
(tilmaame) mid dhibaataysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibban
de: wounded; having hard times, in difficulty
lx: dhibban
pd: (dhibbanaa)
ps: adj-der
key: dhibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiblow
m.l (-wyo, m.dh) Nin dadka dhiba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiblow
m.l (-wyo, m.dh) Nin dadka dhiba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiblow
m. n. nuisance, troublemaker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiblow
-ga: (n) troublemaker (tarabel-meey-ker); mischief-maker (mis-jiif-meey-ker) ~ rabshoole, fidmawale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiblow
-ga: (magac, lab, keli) qof dhibaato badan. dhibqis-ta: (magac, dhedig, keli) dhibiq yar tiixin, wax buuxa in yar oo dhibiq ah ka shubid. Dh: tiixin, dhibqin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiblow
a: dhibbow ~ dhibow
de: nuisance, troublemaker
lx: dhiblow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhiblow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibtow
v. suffer, have troubles; struggle, toil, drudge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibtow
de: suffer, have troubles; struggle, toil, drudge
lx: dhibtow
pd: (dhibtooday)
ps: v3a=intr
key: dhibtow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibso
f.g3 (-saday, -satay) Maro, harag iyo wixi lamida giijisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbood
(Dibbood-ka)
(xoolo) aan habeenkii soo xeroon ee dibadda ku dhaxa; dibjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbood
dibbood¹: m.l Baadi cidla bariday.
dibbood²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo, xeradoodii ka dhixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbood
m. n., [collective] livestock not brought into the fold at night
dibbood v. be left out at night (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbood
-ay / dibbootay: (v) lost animal, especially missing home at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbood
(fal) miro oo ha soo hoyan.
dibbood -ka: (magac, lab, keli) maqnaansho ay xooluhu habeenkii xeradooda ka dhaxaan oo aanay soo hoyan. Dh: mirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku dh.: gardarro ku kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqoo
(fal) aflagaado samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaco
f.g/mg3 (-cday, -catay) Dhabbac u jiifsasho (qof). la-mid: dhambacaadso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaco
v. lie prone ~ on one's stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaco
(fal) beerka u jiifso oo bogga dhulka saar. Cadaw kolkaad aragto dhabbaco.
dhabbaco: (fal) gabbo oo bogga dhulka saar. Dh: gabbo, is gaabi. Li: is muuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaco
de: lie prone ~ on one's stomach
lx: dhabbaco
pd: (dhabbacday)
ps: v3b=
syn: dhambacaadso
key: dhabbaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbaqo
(Dhabbaqa-da)
Aflaggaaddo; maag; gardarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqo
m.dh Gardarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaqo
f. n. insult; provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqo
-da: (magac, dhedig, keli) maagid cid lagula kaco oo la aflagaadeeyo. Dh: aflagaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaqo
de: insult; provocation
lx: dhabbaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabbaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaato
(Dhibaata-da)
Nolol ama hawl adag; dhib; dacas; diihaal; baahi; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaato
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: dhib¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaato
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: dhib¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaato
f. n. problem, trouble, hardship, difficulty; economic crisis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibaato
-dhibaatada: (n) problem (poro-baleem); dilemma (dileema); difficulty (difikalti); hardship (haadh-shiip); suffering (safa-ring)-, adversity (adh-veer-siti); crisis (karaaysis) ~ mashaakil, lur, saxariir, mashaqo, qaxar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibaato
Disagio
Distress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaato
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo kadeed cid loo geysto ama lagala kulmo. Dh: dhib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaato
de: problem, trouble, hardship, difficulty; economic crisis
lx: dhibaato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: balambal, leelleel, saxariir
key: dhibaato
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhibaato
مُشْكِلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbaan
(Dhibbaan-ta)
Nabar dhib leh; daqar; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbaan
m.dh (-nno, m.l) Nabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbaan
f. n. wound, injury
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbaan
de: wound, injury
lx: dhibbaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: dhaawac, nabar, qoon
key: dhibbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qof dhibaato la gaarsiiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qof dhibaato la gaarsiiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbane
m. n. injured party, victim (of theft ~ accident)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibbane
-dhibbanaha: (n) victim (vik-tem); sufferer (safa-rar); persecutee (peer-sikiyuutii)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibbane
-ha: (magac, lab, keli) qofka dhibta loo geysto ee wax tabanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbane
de: injured party, victim (of theft ~ accident)
lx: dhibbane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhibbane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibid
m.dh la-mid: dhibiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibid
-da: (magac, dhedig, keli) miyir doorsanka qofku markuu dhiig baxo ku yimaadda. Dh: dhibiibyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiijo
m.dh la-mid: dhamiijo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiifoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho. m.f.dh, dhiifoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiifoon
der. [adjective] attentive, alert; active, vivacious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoon
(tilmaame) mid feejigan oo soo jeeda. Fiigto dhiifoon lama qaban karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiifoon
de: attentive, alert; active, vivacious
lx: dhiifoon
pd: (dhiifoonaa)
ps: adj-der
key: dhiifoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhilloo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiilloo
(fal) walaac iyo walbahaar ha ku helaan. Dh: murigoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilloob
inch. v. become a prostitute
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhilloob
de: become a prostitute
lx: dhilloob
pd: (dhilloobay)
ps: v1=inch
key: dhilloob