dhib yar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhib yar
(adj) easy (n'-zz); simple (sim-pel); not difficult; not hard ~ fudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyar
Dhib yar; fudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nastahan
(qof) Dhib yar oo aan shiddo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nastahan
nastahan¹: m.l.kh N. ah: dhib yar oo aan shiddo badnayn (qof).
nastahan²: f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Qof nastahan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahlo
f.g3 (-laday, -latay) Wax, wax dhib yar ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud. m.f.dh, hawlyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahlo
f.g3 (-laday, -latay) Wax, wax dhib yar ka dhigasho. m.f.dh, sahlasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amble
/aambal/ambles, ambling; ambled; (v) laafyood, si raaxa leh u socosho, si dhib yar u socosho ama xarraga leh. e.g. She ambled home through the village.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cinch
/sinji/ (n) 1. sahal (dhib-yar) (n) 2. hubaal (xaqiiq).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
convenience
/konviiniyansi/ (n) 1. habboonaan (n) 2. sahlanaan (dhib yaraan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ease
/iis/ (n) 1. sahal, dhib-yari (n) 2. raaxo; degenaan. (v) 3. roonaanayn khafiifin, dejin. e.g. She gave me some medicine to ease the pain.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
easily
/iisili/ (adj) 1. sahal ah, dhib-yari (adj) 2. shaki-la'aan. e.g. This is easily the best dictionary.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
easy
/iisi/ (adj) 1. sahlan (dhib-yar) (adj) 2. raaxa-leh (degenaan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
effortless
/efortles/ (adj) sahal, dhib-yari loo qaban karo. e.g. a dancer's effortless motions.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
intelligible
/intelajabal/ (adj) si dhib yar loo fahmi karo (si fudud loo garan karo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lost
/lost/ (v) lumay (aan dhib yari lugu heli doonin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mitigate
/mitageyt/mitigation; (v) khafiifin (wax dhib yar ka dhigid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
picky
/piki/ (adj) qofka markuu wax xulanayo aan dhib yari wax ula bixin ee kala findhicila (aan sahal ku qancin markuu wax dooranayo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pie in the sky
/pay in tha skay/ (phr) arrin cirka ku shareeran (aan dhib yari loo hirgelin karin).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIIWAAN HAYN (Cr.)
Archivio
Records office
Waa xafiiska laga qoro, laguna kaydiyo warqadaha Xafiiska yimaada iyo kuwa ka baxa intaba, halkaasoo si habsami ah warqad walba loogu meeleeyo - kaddib markii shaqadii laga qaban lahaa dhammaato gal ku habboon ujeeddada warqadda, si markii la doono dhib yari dib loogu heli karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraan iyo dhibla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho. m.f.dh, dhiigyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): anemic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyar
(adj) anemic (a-nii-mik) ~ dhiigdarro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyar
de: anemic
lx: dhiigyar
pd: (dhiigyaraa)
ps: adj-cmp
key: dhiigyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xoolo la dhibeeyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigyari
(Dhiigyari-da)
Dhiigyaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyari
m.dh la-mid: dhiigyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigyari
m.dh eeg dhiigyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigyari
f. n., [compound] bloodlessness; anemia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigyari
-da: (n) anemia (a-nii-miya) ~ dhiig xumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigyari
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun uu jidhku waayo inta uu dhiiiga cas uga baahnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigyari
a: dhiigyaro (/da) [n-f-cmp]
de: bloodlessness; anemia
lx: dhiigyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: dhiigyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigyaro
(Dhiigyara-da)
Oogada oo dhiigga guduudani ku yaraado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigyaro
m.dh la-mid: dhiigyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabyar
m.dh la-mid: danyar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabar
(Dhabar-ka)
Oogada qaarkeed; dadka iyo nafley kaloo badan, waa docda laabata iyo caloosha u tusmaysan oo ka bilaabata surka salkiisa taniyo meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul; kor; siijeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabar
m.l (-rro, m.dh) Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabar
m.l (-rro, m.dh) Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabar
m. n. back, spine, rear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabar
-ka:: (n) back (baak); dorsum (door-sem). Ex: dhabar kuu u yiilay ama jiifay; He was lying on his back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabar
(tilmaame) qof dulqaad iyo xilkasnimo leh. Sahal waa nin dhabar ah.
dhabar -ka: (magac, lab, keli) garbaha iyo dabaqanaanta inta u dhaxaysa ee ay hooyadu ilamaha ku xambaarto. Dhabarka iiyo xanjaadkuu ka jabi kii wax dhiba waayo. Dh: dhbarxanjaad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhabar
ظهر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhidar
(Dhidar-ka)
1. Bahal dugaagga kamid ah oo dhurwaaga u eg; weer.
2. Jaad libaax-badeedka kamid ah; (ama dhider).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidar
m.l (-rro, m.dh) 1. Weer. 2. Jaad libaax badeedka ka mid ah. la-mid: dhider.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhidar
m. n. spotted hyena
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidar
-ka: (magac, lab, keli) dugaagga xoolaha cuna, jaad ka mid ah, oo magac badan leh. Wuxuu ka weyn yahay dacawada, libaaxana wuu ka yar yahay. Waxa lagu gartaa qaskiisa danbee gaaban iyo codka bunnaaxinta la moodo oo uu habeenkii isku afgarto. Dh: dalxaw, weere, waraabe, dhurwa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhidar
de: spotted hyena
lx: dhidar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhidar
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHITAR
Jatropha dichtar 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibayar
m.dh Hal naasa yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
in yar
[adverbial] [expression] a little, a bit
in yar: after a while, a little later
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
in yar
(adv) a small portion, degree, or amount; bit (bit); less (les) ~ aan badnayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbar
m.dh Bartamaha habeenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabbar
m.dh Bartamaha habeenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhabbar
magac loo baxsho wiil horay u soo dhalan waayey ama hooyadii fooshu ku dhegtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbar
(fal) wax aad ka dhuumanaysay, wax iskaga toosi oo sangadha yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegyar
dhegyar¹: m.dh Nooc fallaarta dhegta leh ka mid ah oo yar.
dhegyar²: m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta wadnaha oo ku soo shubma dhiigga ogsijiinka leh ee ka immaanaya wadnaha inta aan loo gudbin jirka intiisa kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegyar
m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta wadnaha oo ku soo shubma dhiigga ogsijiinka leh ee ka immaanaya wadnaha inta aan loo gudbin jirka intiisa kale.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHEGYAR
Boscia coriacea 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexyar
(tilmaame) haweenay qurux badan oo dhexdeedu yartahay.
dhexyar -ta: (magac, dhedig, keli) qalab ka mid ah alaadaha muusigada oo afar xadhig leh oo, marka lagu dalliigo ul u qaabaysan, samaysa codad kala siiqad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaad
(Dhibaad-da)
1. Xoolaha xagga reerka gabadha laga guursadey ka yimaada oo kolkii laysu geeyo iyagaas iyo yaradka (xoolaha ninka wax guursadey xaggiisa ka imanaya), aqalka cusub oo la dhisa hayo dhaqaalihiisa gundhig u noqda.
2. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; xayl; caado; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaad
f. n. gift from the bride's family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la siiyo gabadhu kolka ay guursato oo walaaleheed ku sharfiyaan gaar ahaan kolka ugu horraysa ee ay booqasho u soo noqoto. Dh: diiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaad
de: gift from the bride's family (in a traditional Somali marriage)
lx: dhibaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhibaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, shilin ama dulin kale, ka daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibban
Dhib qaba; kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho. m.f.dh, dhibbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibban
der. [adjective] wounded; having hard times, in difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibban
-aa / nay: (adj) suffering (safa-ring)-, in agony (a-gani); experiencing or undergoing suffering; or feeling pain or distress ~ dhibaataysan, dulman, mashaqaysan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibban
In difficoltà
In difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibban
(tilmaame) mid dhibaataysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibban
de: wounded; having hard times, in difficulty
lx: dhibban
pd: (dhibbanaa)
ps: adj-der
key: dhibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibeyn
m.f.dh eeg dhibee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibsad
(Dhibsad-ka)
Dhibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibsad
m.l la-mid: dhibsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibsad
Irritazione
Irritation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibsad
-ka: (magac, lab, keli) wax gaar ah dhibaato ka dareemid. Dh: dhibsasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHIGTAR
Dichrostachys kirkii 10, Jatropha dichtar 01
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAYAR
[DEGAYAR] Boscia coriacea 01
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhib leh
adj., [expression] difficult
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbaan
(Dhibbaan-ta)
Nabar dhib leh; daqar; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbaan
m.dh (-nno, m.l) Nabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbaan
f. n. wound, injury
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbaan
de: wound, injury
lx: dhibbaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: dhaawac, nabar, qoon
key: dhibbaan
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHIGTAAR
Dichrostachys cinerea 60, D. kirkii 10, D. puccionii, Jatropha dichtar 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigkar
m.l (daawo) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigkar
m.l (daaw.) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigkar
m. n., [compound] blood pressure; hypertension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigkar
-ka: (magac, lab, keli) xanuun, marka xawliga wadanuhu dhiigga u tuurayo uu siyaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigkar
a: dhiigkac
de: blood pressure; hypertension
lx: dhiigkar
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: dhiigkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeb yar
m.dh (xeebo yaryar, m.l) (jooloji) Liidka dhulka xeebta ah ee la jeeda badaha ama harooyinka; badanaa waxaa la yirahdaa waa dhulka u dhexeeya xarriiqa u hooseeya mawjadda badda iyo ka u sarreeya ee ay soo gaari karaan mawjadaha baddu.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb yar
Beach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaga yare
dhaga yaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhagayare
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEBI-YARO
(Debi-yaro) N Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhib badan
(v) very difficult (di-fikalt); complicated (kompili-keeytidh); hard (haadh) ~ adkag. Ex: su'aal dhib badan; a hard question