dhib badan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhib badan
(v) very difficult (di-fikalt); complicated (kompili-keeytidh); hard (haadh) ~ adkag. Ex: su'aal dhib badan; a hard question
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbaan
(Dhibbaan-ta)
Nabar dhib leh; daqar; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbaan
m.dh (-nno, m.l) Nabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbaan
f. n. wound, injury
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbaan
de: wound, injury
lx: dhibbaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: dhaawac, nabar, qoon
key: dhibbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibid
(Dhibid-da)
Dhib badan gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandhar
(Fandhar-ka)
Nabar oogada nafleyda ku yaal, oo gudihiisa la farafaraynayo ama hawl dhib badan oo lagu raagoo aayar laga qabanayo; qodqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawkar
(Hawkar-ka)
Dhul joogiddiisa ama dhexmarkiisu dhib badan tahay; oomasoore; xadaafiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaan
(Hayaan-ka)
Geeddi dheer oo dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabato
(Qabata-da)
Qalab qaabab badan loo yeelo oo sida manqaska ka samaysan labo birood oo isweydaaranaya laakiin aan wax jarine, waxyaalaha qabashadoodu dhib badan tahay lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaad
(Rafaad-ka)
Dhib badan ku sugnaan; silic; saxariir; kadeed; cadaadis, jirrab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafid
(Tafid-da)
Meel sarraysa oo aan lagu socon karin ama geed dheer, afarta addin si dhib badan ugu fuulid, ugu korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurqaaf
m.dh Wax dhib badan oo aan la dhaafi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirfiid
m.l (caafaariid/-dyo, m.dh) Jin dhib badan. la-mid: cifriid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjebi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarqabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaguug
m.l Xoolo ama qof madax adag oo hoggaamintiisu ay dhib badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jin
jin¹: m.l 1. Uun Eebbe oo ka duwan malaa'igta iyo Aadamiga, isugu jira caasi iyo caabud oo dadku uusan arki karin. 2. J. ah: wax isla eg. 3. J. ah: Qof dhib badan.
jin²: m.dh (-imo, m.l) Dhudhunka gacanta geestiisa calaacasha xigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laarri
m.l (-iyo, m.dh) Qof dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaroofi
m.l Qof dhib badan oo dhega-adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallad
m.l (-dyo, m.dh) Qof aad u dhib badan oo dhibaatadiisu joogto tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaad
rafaad¹: m.l Dhib badan oo nafleydu kala kulanto nolosheeda.
rafaad²: f.mg1 (-day, -dday) Nafley, dhib badan la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalaw
m.l/dh Meel hoos u dheer, ciriiri ah oo wixii ku dhaca sida looga soo baxsho dhib badantahahy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaabad
m.dh 1. Rabsho; buuq. 2. Sh. ah: qof dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibban
Dhib qaba; kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhib hayo ahaansho. m.f.dh, dhibbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibban
der. [adjective] wounded; having hard times, in difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibban
-aa / nay: (adj) suffering (safa-ring)-, in agony (a-gani); experiencing or undergoing suffering; or feeling pain or distress ~ dhibaataysan, dulman, mashaqaysan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibban
In difficoltà
In difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibban
(tilmaame) mid dhibaataysan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibban
de: wounded; having hard times, in difficulty
lx: dhibban
pd: (dhibbanaa)
ps: adj-der
key: dhibban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
in badan
n. phr., time: quite a while
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
in badan
(adv) more than a few; quite a few. Ex: in badan baan u dhigan; I warn more than a few
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si badan
[adverbial] [expression] abundantly
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbacan
Dhabbac u jiifa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhabbac u jiifa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbacan
der. [adjective] flat, prone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbacan
-dhabbacnaa / dhabbacnayd: (adj) lying with the front or with the belly [abdomen]; prone (parown)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacan
(tilmaame) wax jiifa oo bogga dhulka ku haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbacan
de: flat, prone
lx: dhabbacan
ps: adj-der
key: dhabbacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaadin
(Dhibaadin-ta)
Xoolo dhibaad ah, gabadha la guursadey siin, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadin
m.f.dh eeg dhibaadi. la-mid: dhibaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh xoolo diiqa ah siin. Dhibaadintu waa dhaqan habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugbadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Caqli weyn lahaansho. 2. Nishaab fiican lahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhugbadan
Comp. adj., (ie. n., adj.): intelligent, attentive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhugbadan
de: intelligent, attentive
lx: dhugbadan
pd: (dhugbadnaa)
ps: adj-cmp
key: dhugbadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbanaan
(Dhibbanaan-ta)
Dhib qabid; kadeednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbanaan
m.f.dh eeg dhibban. la-mid: dhibbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbanaan
f. n., [abstract] state of being wounded ~ in difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo rafaad qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbanaan
de: state of being wounded ~ in difficulty
lx: dhibbanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dhibbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilabadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Dabci si caadi u ah isbeddelid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilabadan
(tilmaame) xeel badan oo kolba weji la soo baxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod dur dura ah oo geelu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibibtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dhibiibtiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibibtiran
(tilmaame) qof dhaawac qaba oo daawo iyo xanaano qaba. Dh: dhibiibitiran
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dembiyo badan
multiple foul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaan
(Dabbaan-ka)
Biyaha socda, (webi, durdur) meelohooda aan dadka liqine lugta looga gudbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaan
dabbaan¹: m.l 1. Webi, durdur iyo wixi lamida meesha ugu biyo yar ee lugta looga gudbi karo. 2. la-mid: dabbaanid.
dabbaan²: m.dh Fallaar aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban; lama saaro mariid, waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso.
dabbaan³: f.g1 (-nay, -ntay) Webi, durdur iyo wixi lamida lug uga gudbid meesha ugu biyo yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaan
m. n. shallow water
dabbaan v. ford (a river)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaan
(fal) webi ama durdur socda, lug kaga gudub. Lug baannu ku dabbaannay webiga annaga oo guure ah.
dabbaan -ka: (magac, lab, keli) biyo socda lug kaga gudbid. Dabbaan ku mar biyaha.
dabbaan -ka: (magac, lab, keli) biyaha socda sida webi ama durdur meelahooda aan dadka liqine lugta lagaga gudbo. Dabbaanka webiga mari awrta raran.
dabbaan -ta: (magac, dhedig, keli) fallaadh aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban mariidna aan la saarin. Waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadan
Dhaadka ka xiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida). m.f.dh, dhaadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadan
der. [adjective] tied by the leg above the ankle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadan
(tilmaame) neef gommodda ka xidhan. Farasku shakaal ayuu ku dhaadan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadan
de: tied by the leg above the ankle
lx: dhaadan
ps: adj-der
key: dhaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaad
(Dhibaad-da)
1. Xoolaha xagga reerka gabadha laga guursadey ka yimaada oo kolkii laysu geeyo iyagaas iyo yaradka (xoolaha ninka wax guursadey xaggiisa ka imanaya), aqalka cusub oo la dhisa hayo dhaqaalihiisa gundhig u noqda.
2. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; xayl; caado; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaad
m.dh 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. la-mid: dhiibaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaad
f. n. gift from the bride's family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la siiyo gabadhu kolka ay guursato oo walaaleheed ku sharfiyaan gaar ahaan kolka ugu horraysa ee ay booqasho u soo noqoto. Dh: diiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaad
de: gift from the bride's family (in a traditional Somali marriage)
lx: dhibaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhibaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, shilin ama dulin kale, ka daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibsad
(Dhibsad-ka)
Dhibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibsad
m.l la-mid: dhibsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibsad
Irritazione
Irritation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibsad
-ka: (magac, lab, keli) wax gaar ah dhibaato ka dareemid. Dh: dhibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhidban
Meel si adag ugu mudan; la dhidbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho. m.f.dh, dhidbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhidban
der. [adjective] fixed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidban
(tilmaame) wax qotoman oo meel ku taagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhidban
de: fixed
lx: dhidban
pd: (dhidbanaa)
ps: adj-der
key: dhidban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigaan
-ka: (magac, lab, keli) geed la dulsaaro saan oo geela milixda loogu dhigo ama qabaalka adhiga carrada lagu siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibad
m.l la-mid: dhiibasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibad
-ka: (magac, lab, keli) wax la leeyahay cid kale gacanta kaga ridid oo kaga tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhijaan
m.dh la-mid: jidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhijaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bohol af ballaadhan oo biyaqabatin ah oo daadku qodo oo xooluhu ka cabbaan. Dhijaanta lo'da ka waraabi. Dh: jidhaan. Wa: dhijaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibbaan
(Gibbaan-ka)
Neef guriddiisii dhowdahay oo caano yareeyey; (ama gabbaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibbaan
m.l la-mid: gabbaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibbaan
m. n. livestock giving little milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibbaan
-ka: (magac, lab, keli) neef wakhtigii uu gudhi lahaa ay dhowdahay oo soo caanayaraynaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibbaan
a: gabbaan
de: livestock giving little milk
lx: gibbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gibbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibban
Shib ah; aammusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan hadlayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shibban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan hadlayn ahaansho. m.f.dh, shibbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shibban
der. [adjective] silent, mum, not talking