dhexsocoto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexsocoto
(Dhexsocota-da)
1. Hadallo yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo xubnaha gabayada, heesaha, kd., la geliyo; dhextaal.
2. Dadka dadka hadalka u kala qaada ama dowlad u adeegu oo warka u geeya; jaasuus; basaas; warxungee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsocoto
m.dh.u 1. Hadal yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo maansada qaybo loogu kala qaybiyo. 2. Dad dadka hadalka u kala qaada ama dawlad u adeega oo warka u geeya; jaasuus. 3. Dad si joogto ah, laba meelood isaga safra.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexsocoto
f. n., [compound] refrain (of a song ~ poem); gossip-monger; spy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexsocoto
de: refrain (of a song ~ poem); gossip-monger; spy
lx: dhexsocoto
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: dhexsocoto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsocosho
m.dh la-mid: dhexsocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsoco
f.g3 (-cday, -cotay) Laba wax (ama laba melood ama laba qof) dhexdood marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexsoco
f.g3 (-cday, -cotay) Laba wax (ama laba melood ama laba qof) dhexdood marid. m.f.dh, dhexsocod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexsoco
v., [compound] walk between, go in between; walk around inside
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexsoco
-dhexsocday / dhexsocotay (v) go through (goo thruu) by foot, among or between ~ dhexmar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexsoco
de: walk between, go in between; walk around inside
lx: dhexsoco
pd: (dhexsocday)
ps: v2b=cmp
key: dhexsoco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexsocod
(Dhexsocod-ka)
Labo wax ama labo meelood ama labo qof, dhexdood marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsocod
m.f.dh eeg dhexsoco. la-mid: dhexsocosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexsocod
vl. n., [compound] walking between, going through
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexsocod
de: walking between, going through
lx: dhexsocod
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: dhexsocod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhextaallo
(Dhextaalla-da)
Tix yar oo soo noqnoqota oo gabayada, heesaha, kd., xubnahooda gasha; dhexsocoto; (ama dhextaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaasuus
(Jaasuus-ka)
1. Qof hawshiisu tahay (wax ha ku qaato ama yuusan ku qaadane) inuu qarsoodi u baaro oo u soo ogaado oo dabadeed sheego wax qof ama dad ama qaran (kiisa ama ku shisheeye) sir u ah oo haddii la ogaado dhibaato ka imanayso.
2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; basaas; dhexsocoto; warxangee; (ama jaajuus).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsooc
f.g1 (-cay, -cday) Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka mirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexsooc
f.g1 (-cay, -cday) Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka mirid. m.f.dh, dhexsoocid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexsooc
-ay / day: (v) [with preposition ka] separate (sapa-reeyt), set or keep apart; isolate (aay-so-leeyt)', exclude (ikis- ; kuluudh)-, expel (ikis-peel) ~ ka dhexsaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkasocoto
-da: (magac, dhedig, keli) dad safar ah oo ku soo beegmay reerka xilli cunto aanay jirin. Dulkasocotada dheri cusub u dhadhaara.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
desolato
agg. - tiiraanyaysan, cidla', waaqla'.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEGOOLO
(Degolo) S Solanum terminale Forsk. Solanaceae.
May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdood
n. phr., loc. between, among; within (them)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdood
-a: (preposition) between (bat-wiin); among (a-maang) themselves', usually with possessive pronoun ~ dhexdooda, dhexdiina, dhexdeena. Ex: laba dhagax dhexdood; between two stones Ex: sheekada dhexdooda taal; the story among themselves
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdood
de: between, among; within (them) With plural nouns
lx: dhexdood
pd: (dhexdooda)
ps: np-loc
xe: Between the two there is a big building.
xv: Labada dhexdood daar weyn baa ku taalla.
key: dhexdood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin. m.f.dh, dhexjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexjoog
v., [compound] be in the middle of something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexjoog
de: be in the middle of s.t. (e.g., be present in an event, place)
lx: dhexjoog
pd: (dhexjoogay)
ps: v1=cmp
key: dhexjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid. m.f.dh, dhexnoolaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexnool
-aa: (adj) [with preposition ku] living or residing with others ~ • ku dhexnool, dhexdhegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexroor
(Dhexroor-ka)
Labo maro oo laysku tola hayo, cad saddexaad oo dhuuban oo la dhexgeliyo oo lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexroor
dhexroor¹: m.l 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. la-mid: dhexroorid.
dhexroor²: m.l (xisaab) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor³: m.l (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
dhexroor⁴: f.g1 (-ray, -rtay) Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexroor
dhexroor¹: m.l 1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib.
dhexroor²: m.l (xisaab) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
dhexroor³: m.l (c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexroor
Diameter
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexroor
m. n., [compound] seam (of garment, etc.); diameter
dhexroor: v., [compound] seam up, sew a seam on; run through
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexroor
-ka: (n) 1. seam (siim) ~ : tolmo harqaan. 2. (n) diameter ' (dhayaamiter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexroor
(fal) arrin, hawl iyo wax la mid ah, oo cid kale waddo, ka dhex shaqee oo xumee.
dhexroor-ka: (magac, lab, keli) dhererka xarriiq toosan oo kala badha walax ama goobo oo inta uu dhinac ka yimaad dhinaca kale gaadha.
dhexroor-ka: (magac, lab, keli) qofka arrin, hawl iyo wax la mid ah, oo cid kale waddo, ka dhex shaqeeya ee xumeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsocoto
m.dh Socoto reero u marti ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korsocoto
f. n. woman ~ people who arrive in a place but don't reside there for long
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsocoto
-da: (magac, dhedig, keli) dad aan meel aan loogu talagalin si kedis ah dusha ugaga yimaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korsocoto
de: woman ~ people who arrive in a place but don't reside there for long
lx: korsocoto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: korsocoto
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhexsaloog
Dhex tidic, soohid, isku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsoocid
m.f.dh eeg dhexsooc.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soo socoto
1) prochain, 2) futur (adj.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabasocosho
(Dabasocosha-da)
Dad ama wax kale la socosho, iyadoo aan laga horrayn lana garabsocon ee laga danbeeyo; dabaggelid; higsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabasocosho
m.f.dh eeg dabasoco. la-mid: dabasocod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabasocosho
-da: (magac, dhedig, keli) dabagelitaan wax kaa horreeya ama kaa qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexaltooyo
m.dh la-mid: dhaxaltooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacsocosho
m.f.dh eeg dhinacsoco.