dhexkatuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexkatuur
m.dh Derin, harrar iyo wixi lamida oo aqal Soomaaliga dusha laga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexkameer
-ka: (magac, lab, keli) qoriga isku xidha ee u dhexeeya harqoodka iyo nugida.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARUUR
(Darur) S Commiphora ellenbechii Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexfur
m.l (-rro, m.dh) (xisaab) Xarriq toosan oo geeska saddexagal ku xirta bar-bartameedka dhinaca horjeedaha ah. Dhexfurrada saddexagal waxa ay iska gooyaan bar keliya, taas oo ah xuddumeedka saddexagalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexmar
(Dhexmar-ka)
Dhexmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexmar
dhexmar¹: m.l la-mid: dhexmarid.
dhexmar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iyo wixi lamida) ama gudo leh (aqal iyo wixi lamida) ama dalool (dhuun iyo wixi lamida) dhexdood marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexmar
f.g1 (-ray, -rtay) Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iyo wixi lamida) ama gudo leh (aqal iyo wixi lamida) ama dalool (dhuun iyo wixi lamida) dhexdood marid. m.f.dh, dhexmarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexmar
v., [compound] transpire, ensue; happen between; go between ~ through ~ among; pass through
dhexmar: vl. n. act of going ~ passing through
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexmar
-ay / tay: (v) 1. go through (goo thuruu); among or between; pass (paas); move by. Ex: guryahaas sii dhexmar! go through those buildings! 2. Happen between. Ex: maxaa idin dhexmaray? what happened between you and him /
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexyar
(tilmaame) haweenay qurux badan oo dhexdeedu yartahay.
dhexyar -ta: (magac, dhedig, keli) qalab ka mid ah alaadaha muusigada oo afar xadhig leh oo, marka lagu dalliigo ul u qaabaysan, samaysa codad kala siiqad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexguur
m.l Dadka dega dhulka badda u dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexguur
-ka: (magac, lab, keli) dadka dega dhulka badda u dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegatir
dhegatir¹: m.l la-mid: dhegatirid.
dhegatir²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhega beel ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegatir
f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhega beel ku ridid. m.f.dh, dhegatirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegatir
(fal) cid kale, dhegabeel ku rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexkabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (naxwe) Lifaaq la dhexgeliyo erey gudihiisa. Tusaale: “Waan qorayaa; waan qoranayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexkabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (naxwe) Lifaaq la dhexgeliyo erey gudihiisa. Tusaale: Waan qorayaa; waan qoranayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsaar
f.g1 (-ray, -rtay) Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexsaar
f.g1 (-ray, -rtay) Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka bixin. m.f.dh, dhexsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexsaar
v. put in the middle of (as a shelf)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexsaar
-ay/tay:(v) 1. put or place something in middle. 2. —ka dhexsaar -ay / tay: (v) separate (sapa-reeyt); set or keep apart; isolate (aay-so-leeyt); exclude (ikis-kuluudh); expel (ikis-peel) ~ ka dhexsooc
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexsaar
de: put in the middle of (as a shelf)
lx: dhexsaar
pd: (dhexsaaray)
ps: v1=tr
key: dhexsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafaruur
m.l Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhafaruur
m.l Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhafaruur
m. n. bush species, and its sweet yellow berry fruit
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAFARUUR
(DAFARUUR] Grewia tembensis 10, G. tenax 03
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAFARUUR
(Dafarur) All Som. Grewia tenex (Forsk) Fiori Tiliaceae.
C Grewia tembensis Fres. Tiliaceae.
C Grewia penicillata Chiov. Tiliaceae.
N, S Grewia bicolor Juss. Tiliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhafaruur
-ta: (n) a tree with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafaruur
-ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo midho macaan leh. Dhafaruur ayaan midho ka gurtay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafaruur
de: bush sp., and its sweet yellow berry fruit
lx: dhafaruur
pd: (-ka)
ps: n-m-enum
key: dhafaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaar
dhekafaar¹: m.l la-mid: dhakafaar¹.
dhekafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dhakafaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaar
-ka: (magac, lab, keli) dawakhaad laga qaado arrin ama hawl raagtay ama aan weji lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelatuur
aleelatuur¹: m.l Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.
aleelatuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Aleel ku faalin (haween).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aleelatuur
m.l Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxtuur
-ka: (magac, lab, keli) qalalaase iska hor'imaad ah oo shiid iyo arbushaad wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanfaruur
(Dhanfaruur-ta)
Geed jaadka miracaska ah, kase weyn oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanfaruur
m.dh la-mid: dhafaruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanfaruur
f. n. fruit species, small & sweet
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHANFARUUR
Grewia tenax 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanfaruur
-ta: (magac, dhedig, keli) geed torrayda u eg oo midho cawlcawlan oo afar'afar isku xidhan oo miid macaan leh oo qadhaab ahaan loo cuno. Dhanfaruur nin helaa hadhimo ma tawana. Dh: aashacaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanfaruur
de: fruit sp., small & sweet
lx: dhanfaruur
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dhanfaruur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa. hooso m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskatuur
-ka: (magac, lab, keli) khilaafka qarsoon oo labada ishaysa oo keli ah ay og yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxbaruur
m.l/dh (-rro, m.dh) Dhagax midab cad leh oo jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaar
dheg-kafaar¹: m.l la-mid: dhakafaarid.
dheg-kafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dhakafaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo dartii dadka ku dhego cuslaadaan ama ku dhego beelaan haddii aan la iska daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexkubbari
m.l D. ah: qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday, ka badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariskatuur
-ka: (magac, lab, keli) qof naftiihallig ah. Dh: jariskatuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulkasoofuur
m.l.u Boqoshaa.