dhexdhexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdhexaad
(Dhexdhexaad-ka)
Aan labada dhinac midna u badnayn; aan weyneyn yaraynna; aan fogeyn dhoweynna, kd.; dhexda ku abbaaran; meeldhexaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaad
m.l 1. Bartame. 2. Dh. ah: dherer, da', culays iyo wixi lamida oo aan yaraan iyo weynaan midna raacsanayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdhexaad
m. n., [abstract] (adj.): neutrality, impartiality; center, middle; neutral, non-aligned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhexaad
-ka:: (n) neutral(nuu-tral); moderate (madho-reeyt); nonaligned (nan-alaaynidh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DHEXDHEXAAD
Medio
Average

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhexaad
-ka: (magac, lab, keli) walaxdii aan lahayn danab togan iyo ku taban midna, sida niyuutaroonka ku jira bu'da atamka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdhexaad
de: neutrality, impartiality; center, middle; [atr.] neutral, non-aligned
lx: dhexdhexaad
pd: (-ka)
ps: n2-m(-abs)
key: dhexdhexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba dhinac oo wax isku haya u garnaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexdhexaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba dhinac oo wax isku haya u garnaqid. m.f.dh, dhexdhexaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdhexaadi
v. be a mediator, mediate, arbitrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhexaadi
-yey / say: (v) mediate (miidi-yeyt); arbitrate (aar-bi-tereyt); make mediation, intervention or arbitration ~ heshiisii, dhexgal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhexaadi
(fal) labo dhinac ama in ka badan oo khilaaf u dhexeeyo kala muslax oo heshiisiintooda ka shaqee. Dh: heshiisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdhexaadi
de: be a mediator, mediate, arbitrate
lx: dhexdhexaadi
pd: (dhexdhexaadiyey)
ps: v2a=
key: dhexdhexaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdhexaadin
(Dhexdhexaadin-ta)
Dad wax isu qaba, in la heshiisiiyo darteed, arrintooda gelid; heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaadin
m.f.dh eeg dhexdhexaadi. la-mid: dhexdhexaadis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdhexaadin
vl. n. mediation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhexaadin
-ta: (n) arbitration (aar-bi-tereey-shin); mediation (mii diyey-shen); conciliation (kon si li yeyshen); appeasement (a piiz ment); reconciliation ~ heshiisiin, dhexgal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhexdhexaadin
Mediazione
Mediation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhexaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac ama in ka badan oo khilaaf u dhexeeyo kala muslixid oo heshiisiintooda ka shaqayn. Dh: heshiisiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdhexaadin
de: mediation
lx: dhexdhexaadin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhexdhexaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaadis
m.l la-mid: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexgal
(Dhexgal-ka)
Heshiisiin; dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heshiisiin
(Heshiisiin-ta)
Heshiis iyo is-afgarad dhex dhigid; eed iyo xumaan laysu qabey ka dhex saarid, ka biskoodsiin: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuljiir
(Kuljiir-ka)
(wax la cabbo) kulayl aan badnayn; kul dhexdhexaad ah oo fartu garato; qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
atam
m.l (-myo, m.dh) (fiisikis) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. la-mid: atom.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilada baddadhexe
m.dh (juqraafi) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaadnimo
m.dh Dhexdhexaad ahaansho (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexgal
dhexgal¹: m.l Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. la-mid: dhexgelid.
dhexgal²: m.l (fiisikis) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.
dhexgal³: m.l (fiisikis) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.
dhexgal⁴: f.g1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoo
f.mg2 (-ooyay, -ooysay) U g.: laba qof ama ka badan oo wax isku haysta dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargooyo
m.dh Dhexdhexaadinta la dhexdhexaadiyo laba qof oo gar isku haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garnaq
garnaq¹: m.l 1. Dhexdhexaadin loo sameeyo dad wax isku haya. 2. la-mid: garniqid.
garnaq²: f.mg1 (-qay, -qday; -niqi) U g.: laba qof oo wax isku haya dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsoore
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobol-kulaale-xige
m.l (-llo ..., m.dh) (juqraafi) Gobolka u dhexeeya kulaleyaasha iyo gobolka dhexdhexaadka ah. Wuu ka duwanyahay kulaaleyaasha wuxunna leeyahay xilliyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanyihiin jiilaalka iyo xagaagu, cimiladuse guud ahaan way ka diirantahay gobolka dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagarbey
m.l (-yo, m.dh) Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsocod
m.l 1. Faa'iidada laga helo ganacsiga. 2. Lacag laysku dhigto marka turub la cayaarayo oo bannaanka ka ah wixii lagu ciyaarayey. 3. Dad dhexdhexaadiya laba qolo oo dagaashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dhexdhexaadin
m.l (-lal ..., m.l) (fiisikis) Tamarta la sii daayo hal mool oo beys ama asiidh ah la dhexdhexaadiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabo
m.dh 1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. la-mid: laqdabo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhex-dhexaadin
neutrality
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhexaadiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof, dad wax isku haysta u garnaqay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdhexaadiye
m. n. mediator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhexaadiye
-dhexdhexaadiyaha: (n) arbitrator (aar-bi-tareeytor); arbiter (aar-biter); mediator (miidi-yeey-tor) intermediary (intar-miidiyari); umpire (am-paayer) ~ u gar qaade, kala saare, heshiisiiye. Ex: arrintaan dhexdhexaadiye bay u baahan tahay; an arbitrator is needed for this kind of dispute
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdhexaadiye
de: mediator
lx: dhexdhexaadiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhexdhexaadiye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdhex
adv-atr: right in the middle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhex
(adv) normally (noor-mali); in the middle; regularly, naturally, typically ~ caadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdhex
de: right in the middle
lx: dhexdhex
ps: adv-atr
key: dhexdhex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhensad
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubdhexaad
m.l (cilmiga naflayda) Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubdhexaad
m.l (cilmiga naflayda) Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhalaal
f.mg1 (-aalay, -aashay) Ku dh.: aad isugu daalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeldhexaad
m.l 1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meeldhexaad
m.l 1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeldhexaad
m. n., [compound] intermediate item, something in the middle; average
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeldhexaad
-ka: (magac, lab, keli) dhanna aan jirin oo dhexdhexaad ah. Waxa lagu heshiiyay xal meeldhexaad ah. Dh: dhexdhexaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeldhexaad
de: intermediate item, s.t. in the middle; average
lx: meeldhexaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: meeldhexaad
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhex-dhexaasin
intermission
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhalaalid
m.f.dh eeg dhexdhalaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel dhexaad
ah: (adj) moderate (moodareeyt); medium (mii-di-yam); average (aav 'reeyj); temperate (teem-par-eeyt)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
udub-dhexaad
-ka: (n) beam (biim); crossbeam (karoos-biim) ~ tiir dhexaad
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib Dhexaad
Principle Axis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeraad
(Dheeraad-ka)
1. Waxa tiro, ama qiyaas kale, oo la og yahay intay tahay, soo raaca oo wehesha ama ka soo hara.
2. (dad, alaabo,...) loo haysto in hadhow, kolka loo baahdo lagu adeegto ama wax lagu qabsado, wixii xumaaday ama jabay, beddelkood ahaan; dheeri; buro; siyaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. la-mid: dheeri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dheeraad
Redundant
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeraad
m. n. (adj.): surplus, remainder; excess; appendix, addition; extra, extensive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheeraad
-ka: (n) surplus (serpalas); extra (ikistara); supernumerary; addition (adhi-shin)-, excess ~ saa'id, buro, siyaado
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dheeraad
Addizionale; extra
Additional; extra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraad
-ka: (magac, lab, keli) mid meel fog jooga noqosho.
dheeraad -ka: (magac, lab, keli) wax dheer noqosho.
dheeraad: (tilmaame) wax ka siyaadsan intii la ogaa ama la rabay. Soddon saniyo dheeraad, intaa waa ku sugayoo, nafta kugu sasabayee. Dh: dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeraad
de: surplus, remainder; excess; appendix, addition; [atr.] extra, extensive
lx: dheeraad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dheeraad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheeraad
مَزيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) 1. Ka dh.: dugaag, col iyo wixi lamida meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iyo wixi lamida meel ka dillaacid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhac
-ay / day: (v) 1. [with preposition ka] show up unexpectedly; come without warning ~ ka dhexdhac, ka duldhac. Ex: shirkii baan ka dhexdhacay; I showed up at the meeting unexpectedly. 2. ku dhexdhac -ay / day: (v) fall into (fool intu); slide into (islaaydh intu); cave in; sink into
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelaad
m.dh la-mid: dąldalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deldelaad
-da: (n) hanging (haanging)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelaad
-da: (magac, dhedig, keli) qaab dadka lagu dilo iyada oo xadhig luqunta loo gelinayo oo kor laga soo lulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedeysad
m.l la-mid: dhedeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdegid
(Dhexdegid-da)
Dad ama wax meel deggan dhexdooda rug ka yeelasho, degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdegid
m.f.dh eeg dhexdeg². la-mid: dhegdeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhensad
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegdhegid
(Dhegdhegid-da)
Dhegdheg u yeelid; qabqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhicid
m.f.dh eeg dhexdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel mug leh dhexdeeda dhigid.
dhexdhigid -da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo, ciddii ay khusaysay, wadaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardhexaad
-da: (magac, dhedig, keli) farta u dhaxaysa murdisada iyo faadumo oo ah tan ugu dheer faraha. Dh: fardhexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqdhexaad
m.dh Gelindhexaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhensad
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Udubdhexaad
(Udubdhexaad-ka)
1. Udubka aqalka bartankiisa lagu mudo.
2. (*) (Dhulka) udubka lagu maleeyo inuu dhulka ka mudbaxsan yahay oo dhulku ku dulwareego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udubdhexaad
m.l (-do/-dyo, m.dh) Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
udubdhexaad
m.l (-do/-dyo, m.dh) Udub dheer oo aqalka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udubdhexaad
m. n., [compound] centre-post of hut; axis of the earth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udubdhexaad
-ka: (magac, lab, keli) qori ganto leh oo xoog badan oo aqalka badhtankiisa laga taago lagu na qabto dhigaha si uu u hayo miisaanka aqalka. Udubdhexaad gaaban aqal lagu ma dhisto.
udubdhexaad -ka: (magac, lab, keli) aqoon dhulka ku saabsan oo lagu male'awaalo in uu dhulka ka mudhbaxsan yahay udub uu ku wareegaalaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udubdhexaad
de: centre-post of hut; axis of the earth
initial: u
lx: udubdhexaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: udubdhexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheedheerood
m.l la-mid: dheerdheerood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeldheelid
(Dheeldheelid-da)
Cayaarid; dhayalid; kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeldheelid
-da: (magac, dhedig, keli) kaftamid oo si aan xigmadi ku jirin u hadlid. Dheeldheelidda maanta dhab ayaa ka dambayn. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegdhegeysi wax laga sheekaysanayo dhegaha lala raacraaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul dhimaad
Dead ground
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxdhuxlayn
m.f.dh eeg dhuxdhuxlee. la-mid: dhudhuhlayn.