dhexbeegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexbeegid
m.dh (xisaab) Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexbeegid
Interpolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdegid
(Dhexdegid-da)
Dad ama wax meel deggan dhexdooda rug ka yeelasho, degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdegid
m.f.dh eeg dhexdeg². la-mid: dhegdeg¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Interpolation
Dhexbeegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhegaha wax ka maqli waayid. Wiilka dhawaan ayaan dhegabeelidda ka dareennay. Dh: dhegabeelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexgelid
m.f.dh eeg dhexgal². la-mid: dhexgal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeelid
m.f.dh eeg dharbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegdhegid
(Dhegdhegid-da)
Dhegdheg u yeelid; qabqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegjeexid
m.f.dh eeg dhegjeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel mug leh dhexdeeda dhigid.
dhexdhigid -da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo, ciddii ay khusaysay, wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexjoogid
m.f.dh eeg dhexjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegabbeelid
(Dhegabbeelid-da)
Wax maqli waayidda dhegaha; xubinta maqalka oo bugto ama wax ku dhacay darteed waxmaqalkii gabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeenbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) shakibeelid; muran beelis. Markay aad u kala miirantay wada adeenbeesho. Li: kalsooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheegad
(Dheegad-ka)
Dheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegad
m.l la-mid: dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegad
vl. n. copying, forgery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegad
a: dheegasho
de: copying, forgery
lx: dheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehid
(Dheehid-da)
1. Wax bir ah, kd., dheeh u yeelid.
2. Ku darmid; ku barxamid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehid
m.f.dh eeg dheeh². la-mid: dheeh¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelid
m.f.dh eeg dheel³. la-mid: dheelis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhergid
(Dhergid-da)
Caloosha cunno ka buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergid
m.f.dh eeg dhereg³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdeg
(Dhexdeg-ga)
Dhexdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdeg
dhexdeg¹: m.l la-mid: dhexdegid.
dhexdeg²: f.g1 (-gay, -gtay) Bartamaha tuulada ku noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexdeg
v., [compound] reside ~ live among
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexdeg
de: reside ~ live among
lx: dhexdeg
pd: (dhexdegay)
ps: v1=cmp
key: dhexdeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheegid
(Sheegid-da)
Wax maanka lagu hayey, hadal (dhigan, ama aan dhignayn) ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegid
m.f.dh eeg sheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegid
vl. n. telling, relating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegid
-da: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama sir laqarinayey, ku hadlid; wax maanka lagu hayey. hadal dhigan ama aan dhignayn oo la yidhi ku caddayn, ku tilmaamid, ku dhihid, sheegis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegid
de: telling, relating
initial: s
lx: sheegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: Mohammed is good at telling stories.
xv: Maxamed sheeko sheegidda wuu ku wanaagsanyahay.
key: sheegid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sheegid
حكاية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegid
m.dh la-mid: degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegid
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg wax u qabasho; horayhoray wax u samayn. Dh: degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegid
(Degdegid-da)
Degdeg wax u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegid
m.f.dh eeg degdeg². la-mid: deddegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegid
vl. n. hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqso wax u qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegid
de: hurry, haste
lx: degdegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: degdegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dellegid
m.f.dh eeg delleg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehmid
(Dheehmid-da)
Wax dheehan noqosho; barxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehmid
m.f.dh eeg dheehan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmid
m.f.dh eeg dheelan². la-mid: dheelan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe ilaa habeenkii socod. Dhego ina rag kay dhinac martaa, dheelmatiin galaba, dhaqan iyo aduun lama hadheen iyo dhogorta xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererid
(Dhererid-da)
1. Aad u sugid; raagsasho; daahsasho.
2. Taagnaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererid
m.f.dh eeg dherer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexeeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexeeye
m. n. center, person in the middle; center-half (in football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexeeye
-ha: (magac, lab, keli) labo dhinac oo gari ka dhaxayso dadka kala dhexdhexaadinaya ama guddida gartooda qaadaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexeeye
de: center, person in the middle; center-half (in football)
lx: dhexeeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhexeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheyelid
(Dheyelid-da)
Dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheyelid
m.dh la-mid: dhayalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegeegid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo haddana eegid. Dh: fiirfiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegbasid
(Dhegbasid-da)
Dhegta wax u dhigid laysku illaawo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegbasid
m.f.dh eeg dhegbas². la-mid: dhegbas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegbasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhegeysi isku illoobid oo dhegta aad u raaricin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexgalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad kala dhexdhexaadin oo heshiisiintooda ka shaqayn.
dhexgalid -da: (magac, dhedig, keli) isdhexgal walxeed gaar ah oo dabiici ah kaas oo si isle'eg ama siman xayn'atamyadu ay iskugu dhex firdhaan, bilow illaa dhamaad iyaga oo ka dhaqaaqaya halka ribbanaantoodu ku badan tahay oo u qulqulaya halka ribanaantoodu ku yar tahay.
dhexgalid-da: (magac, dhedig, keli) meel dhincyada ka xidhan gudaha u galid. Dhexgalidda aqalka madaw waan ka cabsanayaa. Dh: galid, dhexgalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexmarid
(Dhexmarid-da)
Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad, kd.) ama gudo leh (aqal, kd.) ama dalool (dhuun, kd.) dhexdood marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexmarid
m.f.dh eeg dhexmar². la-mid: dhexmar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexmarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhinacyada ka xidhan dhexdiisa marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbeelid
(Dulbeelid-da)
(xoolaha la rarto) garbabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbeelid
m.f.dh eeg dulbeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) muur la rarto, garbabeelid; xamilgabid oo dusha nadar ku yeelasho. Dh: garbabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxeexid
(Shaxeexid-da)
Wax qof wax ku waayo ku hadlid, ama falankeed qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxeexid
m.f.dh eeg shaxeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qof wax ku waayo ku hadlid ama faltankeeda qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxbeerid
m.dh Wax abuurid, wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxbeerid
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodid oo dalag abuurid. Waxbeeriddu waa cibaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecid
m.dh la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u qalloocid. Kuruska geela dhalleeciddu waxba uma dhinto. Dh: qalloocid, janjeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexid
m.f.dh eeg dhalleex². la-mid: dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexid
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid janjeedhsan. Dh: dhalleecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegtaagid
m.f.dh eeg dhegtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) shikiyid oo wixii la yidhaaba dhegaha la raacid. Dh: dhegtaagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhex-xulid
m.f.dh eeg dhex-xul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhicid
m.f.dh eeg dhexdhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexjiirid
m.f.dh eeg dhexjiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexmeeran
m.l (xisaab) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexmeeran
m.l (xisaab) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexoollid
m.f.dh eeg dhex-aal. la-mid: dhexoollaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexroorid
(Dhexroorid-da)
Dhexroor u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexroorid
m.f.dh eeg dhexroor4. la-mid: dhexroor¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexroorid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin, hawl iyo wax la mid ah, oo cid kale waddo, dhexqaadid. oo xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsaarid
m.f.dh eeg dhexsaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsoocid
m.f.dh eeg dhexsooc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibu'eegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loo sameeyey dib u qiimayn ama ka bogasho darteed ugu noqosho. Dh: naqtiimid, muraajacayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexid
(Jeexjeexid-da)
Jeexjeex badan u yeelid; dildillaacin.