dhex-xul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhex-xul
f.g1 (-ulay, -ushay) Wax dhexmarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhex-xul
v. search through; make one's way through; choose among others
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhex-xulid
m.f.dh eeg dhex-xul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulaamo
(Guulaama-da)
1. Daruuro waaweyn oo uuro leh oo is dhex xula haya.
2. Wax kasta oo guulaameeya sida qiiqa, daadka, xiiska badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulasho
(Xuluulasha-da)
Meel aan la istaagi karin ama ciriiri ah, dhex xulid, dhex gelid; huluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulin
(Xuluulin-ta)
Meel ciriiri ah dhex xulin, dhex gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayo
dayo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. la-mid: dawaco.
dayo²: f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayo
f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn. m.f.dh, dayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan wax kale oo uu ku jiro ka dhex xulid oo ka naqaysi Miidhidda lama oggola ee nin wallawba waxaad soo gaadho la bood. Dh: soocid, xulid, madhid.
miidhid-da: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegad xaqdarro ah. Dh: dulmid, xadgudbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan wax kale oo uu ku jiro ka dhex xulid oo ka naqaysi. Dh: soocid, xulid, madhid, miidhis.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegad xaqdarro ah. Dh: dulmid, xadgudbid.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) dareere wax kale ku dhex jira si farsamo ah uga shubid. Miiridda subagga biyaha laga miiraa way dhib badan tahay. Dh: shaandhayn, miiris.
miirid -da: (magac, dhedig, keli) dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turo
(fal) in badan ka dhex xulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) geedo dhexdood jibaaxid oo dhex xulid. Dh: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xul
(fal) dhex mushaax oo gudaha u gal. Beerta dhex xul oo aalo nooga soo gur. Dh: jibaax.
xul: (fal) inta u wanaagsan ka soo dhex dooro. Ardayda fiicfiican ee fasalka ii soo xul. Dh: madh, naqee.
xul: (fal) tog ama laag kor u raac. Laagta xul oo laaska sare ka soo dhaami.
xul-ka: (magac, lab, keli) koox isboorti ah oo ka soo dhex baxda is reebreeb una sharraxan ka qayb galka ciyaaro heerkoodu sarreeyo.
xul -ka: (magac, lab, keli) wax la soo xulay inta u wanaagsan ee ugu haldoorsan. Rag xul ah ayaa shirkadda maamula. Dh: haldoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulad
-ka: (magac, lab, keli) meel cidhiidhi ah oo geed dhexdii ama sallax hoostii ah dhex xulid oo dhex galid. Dh: xuluulasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Siimow
Qoyaan-biyoodka soo dhex xula ciidda, dhismaha dhagaxa, labanka, bulukeetiga iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhex_2
de: search through; make one's way through; [fig.] choose among others
hm: 2
lx: dhex
pd: (dhex-xulay)
ps: v1=tr
xe: Amina was chosen among the other girls. Alt sp: dhexul ~ dhexxul
xv: Hablahii waxaa laga soo dhex-xulay Aamina.
key: dhex_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhex-aal
f.g1 (-xyiil, -xtiil; -xoolli) Dhexjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhex-aal
v. be in the center of something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhex-xir
m.l Xarig yar, dhuuban, ka samaysan dun, mayrax iyo wixi lamida oo haweenka dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuxul
(Dhuxu-sha)
1. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo; waxay ka samaysantay dhir malyuunno sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.
2. Tan laga sameeyo qoryaha la gubey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxul
m.dh 1. Wax madow oo la shito oo laga sameeyo qoryo la gubay. 2. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo oo ka samaysan dhir malaayiin sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuxul
m.dh 1. Wax madow oo la shito oo laga sameeyo qoryo la gubay. 2. Wax madow oo la shito oo dhulka laga qodo oo ka samaysan dhir malaayiin sano ka hor aasantay oo baariga dhulka iyo kulayl badani isugu darmeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuxul
f. n., (mass n.): charcoal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuxul
name-m charcoal; black
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuxul
-dhuxusha: (n) 1. charcoal (jaar-kool) ~ dhuxusha dhirta. 2. coal (kool) ~ dhuxusha dhulka laga qodo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuxul
magac loo baxsho wiil u dhashay midab madaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxul
-sha: (magac, dhedig, keli) qoryaha marka la shido ee haddana la bakhtiiyo gubadka madow ee ka soo hadha. Alla dheeriyaa, dhuxusha ka madoobiyaa!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuxul
cf: madduul
de: charcoal
lx: dhuxul
pd: (-sha)
ps: n1-f-mass
key: dhuxul
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhuxul
فحم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Cid aan sumcad lahayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexfur
m.l (-rro, m.dh) (xisaab) Xarriq toosan oo geeska saddexagal ku xirta bar-bartameedka dhinaca horjeedaha ah. Dhexfurrada saddexagal waxa ay iska gooyaan bar keliya, taas oo ah xuddumeedka saddexagalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexfur
m.l (-rro, m.dh) (xisaab) Xarriq toosan oo geeska saddexagal ku xirta bar-bartameedka dhinaca horjeedaha ah. Dhexfurrada saddexagal waxa ay iska gooyaan bar keliya, taas oo ah xuddumeedka saddexagalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexgal
(Dhexgal-ka)
Heshiisiin; dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexgal
dhexgal¹: m.l Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. la-mid: dhexgelid.
dhexgal²: m.l (fiisikis) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.
dhexgal³: m.l (fiisikis) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.
dhexgal⁴: f.g1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexgal
dhexgal¹: m.l Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta.
dhexgal²: m.l (fiisikis) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay. m.f.dh, dhexgelid.
dhexgal³: m.l (fiisikis) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexgal
Diffusion
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexgal
Diffusion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexgal
v., [compound] go through something; mediate, arbitrate
dhexgal: vl. n., [compound] mediation, arbitration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexgal
-ay / dhexgashay: (v) 1. penetrate (pena-tareeyt); interpose. 2. intervene (inter-viin); come between two things. 3. mediate (miidi-yeyt); arbitrate (aar-bi-tereyt); make mediation ~ dhexdhexaadi.
dhexgal -ka: (n) penetration (j>ena-tareey-shin); intervention (in-tar-veen-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexgal
(fal) meel dhincyada ka xidhan gudaha u gal.
dhexgal: (fal) dad kala dhexdhexaadi oo heshiisiintooda ka shaqee. Dh: dhexdhexaadi.
dhexgal -ka: (magac, lab, keli) meel dhincyada ka xidhan gudaha u galid.
dhexgal -ka: (magac, lab, keli) dad kala dhexdhexaadin oo heshiisiintooda ka shaqayn. Dh: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexxir
(Dhexxir-ka)
Suun; boqor; kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid. m.f.dh, dhexnoolaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexnool
-aa: (adj) [with preposition ku] living or residing with others ~ • ku dhexnool, dhexdhegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhextaal
m.dh (-lo, m.l) Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. la-mid: dhextaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhextaal
m.dh (-lo, m.l) Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. la-mid: dhextaallo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhextaal
Medium
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhextaal
f. n. interlude, something lying in between; refrain (of a song ~ poem)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhextaal
-dhextaasha: (n) 1. laying, in between. 2. [Poetry or Music]; interlude (inter-luudh); refrain (ri-fareeyn) ~ dhextaallo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhextaal
a: dhextaallo (/da) [n6-f]
de: interlude, s.t. lying in between; refrain (of a song ~ poem)
lx: dhextaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: dhextaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhexyaal
-ka: (magac, lab, keli) wax dad badan u dhexeeya.
dhexyaal -ka: (magac, lab, keli) walax u dhaxaysa labo duleed oo kala astaama ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexmuuqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Ka dh.: qof, wax dheeraad ah oo uu dadka kale kaga yahay muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexmuuqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Ka dh.: qof, wax dheeraad ah oo uu dadka kale kaga yahay muujin. m.f.dh, dhexmuuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega-culus
Dhegaculays qaba; dhakan.