dherjin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherjin
m.dh la-mid: dhergin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhejin
(Dhejin-ta)
1. Nabid.
2. (ku dhejin) a) Meel qabadsiin; ku nabid. b) Wax been ah, qof korka ka saarid; wax ku nabid; masabbidid. c) Dhabataysi, ilayn, cawryid, qumanyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhejin
m.f.dh eeg dheji. la-mid: dhajin, dhajis, dhejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhejin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku nabid. dhejis': (tilmaame) lebbis cidhiidhi ah oo jidhka ku naban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhergi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dherji
v. give enough food to someone; satisfy someone with something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dherji
-yey/say: (v) cause someone or something to satisfy fully; become full; sate (seeyt); satiate (seey-shi-yeeyt); surfeit (sar-fit) ~ dhergi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dherji
a: dhergi
de: give enough food to s.o.; satisfy s.o. with s.t.
lx: dherji
pd: (dherjiyey)
ps: v2a=tr
key: dherji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhergin
(Dhergin-ta)
Wax badan oo laga dhergo cid siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergin
m.f.dh eeg dhergi. la-mid: dherjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaad
rakaad¹: m.dh Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. la-mid: rakaadid.
rakaad²: m.l 1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban.
rakaad³: m.dh (-do, m.l) (fiisikis) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis.
rakaad⁴: f.g1 (-day, -dday) Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rakaad
rakaad¹: m.dh Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan.
rakaad²: m.l 1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban. m.f.dh, rakaadid.
rakaad³: m.dh (-do, m.l) (fiisikis) Summad f. Dhakhsaha celcelinta dhacdo hable. Tirada meertada ama wareegga hir ama walhasho ama gariir ee halkii seken ayaa lagu tibaaxaa heertiis (wareeg halkii seken). eeg Heertis.
rakaad⁴ f.g1 (-day, -dday) Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin. m.f.dh, rakaadid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feast
/fiist/ (n) 1. waliimo, sab ama diyaafad-weyn (n) 2. ciid, iid (v) 3. dherjin (cunto, cabbid iwm, ka dherjin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
imbue
/imbyuu/imbues, imbuing, imbued; (v) ka dherjin ama ka buuxin, fikrad ama dareen gaar ah. e.g. Politicians are imbued with a sense of their own importance.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererin
(Dhererin-ta)
Inta dhererku le'eg yahay eegid; dhudhumin; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererin
m.f.dh eeg dhereri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dejin
(Dejin-ta)
1. Wax kor joogey ama saarraa, hoos geyn.
2. (bad) doon ama markab burburin, burburin baddu la cunto oo haabadki lala waayo.
3. (suugaan) curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dejin
m.f.dh eeg deji. la-mid: dejis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dejin
vl. n. accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dejin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax meel sare yaalla la keenayo hoos.
dejin: -ta: (magac, dhedig, keli) cid cadhootay xasilin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dejin
de: accomodation, act of settling, placement, bringing down; landing
lx: dejin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Derin
(Derin-ta)
Gogol caw laga sameeyey; dermo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derin
m.dh la-mid: dermo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
derin
mat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
derin
f. n. palm-leaf mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derin
-ta: (magac, dhedig, keli) gogol lagu seexdo oo ka samaysan caw. Dh: salli, dermo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
derin
a: darin; darmo ~ dermo
de: palm-leaf mat
lx: derin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: derin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. la-mid: dhaji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. la-mid: dhaji. m.f.dh, dhejin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheji
-yey / say: (v) post (powst); display or attach in a place; fasten or join. Ex: ogeysiiskaan darbiga ku dheji; post this notice to the wall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheji
(fal) wax meel ku nab. Ku dheji sawirkan meel. Li: fuji, fuqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheri
(Dheri-ga)
Weel dhoobo ah oo cunnada lagu karsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheri
m. n. clay vessel, earthenware cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheri
-ga: (n) cooking pot (paat); cooking vessel ~ digsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheri
-ga: (magac, lab, keli) weelka raashinka lagu karsado. Dheriga karka kulayl baa ka keena.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheri
de: clay vessel, earthenware cooking pot
lx: dheri
pd: (-ga Pl: dheryo (/ha))
ps: n3-m
key: dheri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
herin
herin¹: m.dh/l Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo herinoobay.
herin²: m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
herin
m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derrin
m.dh (-imo, m.dh) la-mid: durrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derrin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hor lehi cusub keenid oo soo siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersin
m.l la-mid: darsin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersin
m. n. dozen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dersin
-ka: (n) lesson (lesan); lecture (lak-jer) ~ dersi, cashar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersin
-ka: (magac, lab, keli) xidhmo labo iyo toban walxood ka kooban. Dh: darsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersin
a: darsan ~ darsin
de: dozen
lx: dersin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dersin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhajin
m.f.dh eeg dhaji. la-mid: dhajis (3), dhejin, dhejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhejis
(Dhejis-ka)
Il; dhabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhejis
m.l la-mid: dhejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhejis
m. n. the evil eye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhejis
-ka: (n) stomach pain believed to be caused by an evil eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhejis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhejin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhejis
de: the evil eye
lx: dhejis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: dhabato
key: dhejis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, wax badan oo laga dhergo siin. la-mid: dherji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhergi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, wax badan oo laga dhergo siin. m.f.dh, dhergin. la-mid: dherji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhergi
v. give enough food to someone, satisfy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhergi
-yey / say: (v) cause someone or something to satisfy fully; become full; sate (seeyt); satiate (seey-shi-yeeyt); surfeit (sar-fit) ~ dherji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhergi
(fal) cid kale, cunto ku filan sii; cid kale, caloosha u buuxi. Li: gaajaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhergi
a: dherji
de: give enough food to s.o., satisfy
lx: dhergi
pd: (dhergiyey)
ps: v2a=tr
key: dhergi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjin
m.dh la-mid: durkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdin
-ta: (magac, dhedig, keli) wan ama wax kale, cid madaxa ku dhufasho. Dh: hardin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hertin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa iksu dhufasho; herdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
merjin
m.f.dh eeg merji. la-mid: margin, margis, marjin, marjis, mergin, mergis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
merjin
-ta: (n) choke (jowk); the act of choking; stranglehold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
merjin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u buquujin oo nakhaska ku dhejin. Dh: buquujin, ceejin, merjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaajin
(Dhaajin-ta)
Wax qof yiri ama sameeyey wax u eg falid, waxkasheeg darti; jilid; canjilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaajin
m.f.dh eeg dhaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaajin
vl. n. mimicking, mocking imitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaajin
-ta: (magac, dhedg, keli) canjilid oo wuxuu yidhaaba ka daba dhihid. Dh: canjilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaajin
de: mimicking, mocking imitation
lx: dhaajin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhaajin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaajin
تمثل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabjin
m.dh la-mid: dhabqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbin
(Dharbin-ta)
1. Qoyaan dharabkoo kale ah u yeelid; biyo yar ku darid; biifid.
2. (xoolaha la lisayo) dharaq ku reebid; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbin
m.dh 1. la-mid: dharbis. eeg dharbi. 2. la-mid: dharqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbin
-ta: (magac, dhedig, keli) laxoox ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wax la mid ah ku qoyn oo ka dhergin. Laxooxda dharbin la'aan laguma cuno. Dh: qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhariin
(Dhariin-ta)
Il, biyo yar oo aan qolqoli karini ka soo habyaan; dhashiinto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhariin
m.dh (-iimo, m.l) Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhariin
f. n. spring (of water)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhariin
de: spring (of water)
lx: dhariin
pd: (-ta Pl: dhariimo (/ha))
ps: n1-f
syn: dhashiinto
key: dhariin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharqin
(Dharqin-ta)
Xoolaha la lisa hayo candhadooda, dharaq ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqin
m.f.dh eeg dharqi. la-mid: dharbin (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caano dharaq ah naas ugu reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddin
(Dheddin-ka)
Geed-quwaax la ruugo; (ama dhiddin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddin
m.l Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. la-mid: dhiddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddin
m. n., [collective] rootcrop plant species, chewed for its sugar content
dheddin m. n., [collective] tree species, with aromatic resin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefin
(Dheefin-ta)
Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunno siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefin
m.f.dh eeg dheefi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelin
(Dheelin-ta)
Dheelsiin; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelin
m.f.dh eeg dheeli. la-mid: dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegsin
(Dhegsin-ka)
Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsin
m.l Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegsin
m.l Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegsin
m. n. muscle of the shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsin
-ka: (magac, lab, keli) mid mururqyada ka mid ah oo ku dhegsan garabka iyo daqayaha ee dhabarka. Dh: muruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegsin
de: muscle of the shoulder
lx: dhegsin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhegsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhergey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhergan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhergey ahaansho. m.f.dh, dherganaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhergan
der. [adjective] sated ~ full (after eating), satisfied