dheregdhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheregdhacsi
(Dheregdhacsi-ga)
Dheregdhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregdhacsi
m.l la-mid: dheregdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheregdhacsi
-ga: (magac, lab, keli) qofka dhergay oo sameeya jimicsi iyo wax la mid ah oo dheefshiid u horseeda. Dh: dibbararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax dheregta yareeya ama babbi'iya sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheregdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax dheregta yareeya ama babbi'iya sameyn. m.dh, dheregdhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheregdhacso
v., [compound] work off the effect of overeating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheregdhacso
(fal) dheregga iska rid oo wax cab ama jimicsi samee. Dh: dibbirarido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheregdhacso
de: work off the effect of overeating by taking a walk, or taking an after dinner drink, etc.
lx: dheregdhacso
pd: (dheregdhacsaday)
ps: v3a=cmp
key: dheregdhacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregdhacsad
m.l la-mid: dheregdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheregdhacsad
-ka: (magac, lab, keli) dibbiro ridad. Kookaha waxaan u cabbaa dheregdhacsad. Dh: dibbiraridad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calyo
(Calya-da)
Wax biyabbiyo ah oo aan midab lahayn oo canjirrada calyadu soo saaraan; cunnaday qoysaa oo jilcisaa, dheregdhacsigana wax bay tartaa; candhuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabjeex
(Laabjeex-a)
Halac jidiinka iyo caloosha laga dareemo, dheregdhacsi wanaagsan la'aan ama sabab kale darteed; laab-qarrar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uus
(Uus-ka)
Dheregdhacsiga kaddib, cunnada beddelantey oo caloosha iyo xiidmaha, kd. ku jirta siiba tan xoolaha daaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uus
-ka: (magac, lab, keli) cuntada shiidantay dheregdhacsi ka dib ee beddelentay ee ku jirta calool iyo xiidmo sii ba ta xoolaha cawsdaaqa ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheregdhacsasho
(Dheregdhacsasha-da)
Wax dheregta yareeya ama baabbi'iya ku kicid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregdhacsasho
m.l/dh eeg dheregdhacso. la-mid: dheregdhacsad, dheregdhacsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheregdhacsasho
vl. n., [compound] working off the effect of overeating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheregdhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dibbiraridasho uu qofka dhergay sameeyo jimicsi iyo wax la mid ah oo dheefshiid u horseeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheregdhacsasho
a: dheregdhacsi (ga) [vn2a-m, vn7-m]
de: working off the effect of overeating
lx: dheregdhacsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: dheregdhacsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogordhacsi
m.l la-mid: dhogordhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogordhacsi
-ga: (magac, lab, keli) hab noolaha qaarkii dhogorta u iskaga rido oo mid cusub u baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansi
(Dhadhansi-ga)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansi
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhensi
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dheeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheregsan
Cunno caloosha uga buuxdo; cunno badan cunay; cunno badan haysta oo ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhergey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheregsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhergey ahaansho. m.dh, dheregsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheregsan
der. [adjective] full (after eating), satisfied, replete, sated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheregsan
-aa: (adj) 1. sated (seeytidh); satisfied (satis-faayidh); filled (fiilidh); replete (ri-piliit)-. saturated (saaju-reeytidh) 2. fully aware of ~ ka dheregsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheregsan
(tilmaame) mid calooshu u buuxdo oo aan gaajoonayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheregsan
de: full (after eating), satisfied, replete, sated Opp: gaajeysan
lx: dheregsan
ps: adj-der
key: dheregsan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigdhac
m.l (daaw.) Xaalad caadadiska dhiigga halbowlayaashau si aan caadi ahayn hoos ugu dhaco Waxay dhacdaa marka biyo badan ay jirka ka baxaan sida: shuban, gubasho, matag ama dhiigbax badan dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubdhacsi
m.l (cilmiga naflayda) Isbedelka degdegga ah ee caydiga laga tegayo loona gudbayo qaangaadh, kaas oo ka dhaca meerta nololeedka lafdhabarla' fara badan iyo berribiyood, tusaale: buuley ilaa cayayaan qaangaadh ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubdhacsi
m.l (cilmiga naflayda) Isbedelka degdegga ah ee caydiga laga tegayo loona gudbayo qaangaadh, kaas oo ka dhaca meerta nololeedka lafdhabarla' fara badan iyo berribiyood, tusaale: buuley ilaa cayayaan qaangaadh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubdhacsi
-ga: (magac, lab, keli) isbeddel ku yimaadda maqaarka noolaha oo uu diirku ka baxo. Dh: diirdhacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhacsi
(Haldhacsi-ga)
Haldhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhacsi
m.l la-mid: haldhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haldhacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baradhacsi
m.l la-mid: baradhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhaqso
(fal) degdeg oo dhaqso wax u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansi
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansi
-ga: (magac, lab, keli) carrabka saarid oo dhandhankiisa sii macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadhacsii
v.caus: lower to the ground
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadhacsii
de: lower to the ground
lx: dhaadhacsii
pd: (dhaadhaacsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dhaadhacsii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeldheeli
v. amuse, entertain a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeldheeli
de: amuse, entertain a child
lx: dheeldheeli
pd: (dheeldheeliyey)
ps: v2a=
key: dheeldheeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardadhacsi
(Fardadhacsi-ga)
Cayaar quruurux kulkulucsan lagu cayaaro; fargan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardadhacsi
m.l Nooc ciyaaraha dhallinyarada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardadhacsi
vl. n., [compound] playing game of marbles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardadhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar quruurux kulkulucsan lagu ciyaaro. Dh: fargan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardadhacsi
cf: fardo + dhacsi
de: playing game of marbles
lx: fardadhacsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: fardadhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleendhacsi
m.l la-mid: caleendhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleendhacsi
-ga: (magac, lab, keli) geed, caleendaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogordhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Xoolo, dugaag iyo wixi lamida dhogor cusub u soo bixid, isaga oo araggiisu wanaagsanaaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhogordhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Xoolo, dugaag iyo wixi lamida dhogor cusub u soo bixid, isaga oo araggiisu wanaagsanaaday. m.f.dh, dhogordhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhogordhacso
v. grow a new coat of fur and lose the old one (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogordhacso
(fal) dhogorgooso oo doogasho darteed dhogortii hore beddel. Dh: dhogorgooso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhogordhacso
de: grow a new coat of fur and lose the old one (of animal)
lx: dhogordhacso
pd: (dhogordhacsaday)
ps: v3a=intr
syn: dhogorrogo
key: dhogordhacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibirodhacsi
-ga: (magac, lab, keli) isku dayga sidii la isaga saari lahaa cunto caloosha laga buuxiyey dibirrooti -ga: (magac, lab, keli) is xambaarayn iyo legdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherernaansho
m.l/dh la-mid: dherernaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheryadhulays
(Dheryadhulays-ka)
Dheryadhulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheryadhulays
m.l la-mid: dheryadhulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogordhacsad
m.l la-mid: dhogordhacsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KEENE GANACSI
Importatore
Importer

Keene ganacsi
Importatore
Importer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheregsanaansho
m.l/dh la-mid: dheregsanaan.