dhegtaagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegtaagid
m.f.dh eeg dhegtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) shikiyid oo wixii la yidhaaba dhegaha la raacid. Dh: dhegtaagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegtaag
f.mg1 (-gay, -gtay) U dh.: wax maqalkooda u dhegraaricin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegtaag
f.mg1 (-gay, -gtay) U dh.: wax maqalkooda u dhegraaricin. m.f.dh, dhegtaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegtaag
v. try to listen; listen to other people's conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegtaag
-ga: (magac, lab, keli) shiki qabid oo war sugasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegtaag
de: try to listen; listen to other people's conversation
lx: dhegtaag
pd: (dhegtaagay)
ps: v1=intr
key: dhegtaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegraacid
m.f.dh eeg dhegraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaagid
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąagid
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. la-mid: dhąadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagtaag
-ga: (magac, lab, keli) arrin ceeb leh oo aad looga naxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegaati
(Dhegaati-ga)
1. Xargo yaryar oo alaabada culculus (raro, kebdo, lammooyin; kd.) dacalladooda laga lullulo oo kolkii meel lagu dhisa hayo wax loogu xirxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaati
m.l/dh (-iyo, m.dh) 1. Xarig yar oo dhigaha lagu xiro. 2. Siddo xarig ah oo waxyaabaha qaar loo yeelo. la-mid: dhagaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegaati
m. n. lashing, binding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegaati
-ga (n) short cord (koodh); string (istiring)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaati
-ga: (magac, lab, keli) xadhig yar oo ka mid ah xadhkaha aqalka marka la dhisayo lagu xidhxidho dhigaha iyo udbaha. Dh: gurkusooh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegaati
de: lashing, binding
lx: dhegaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhegaati
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhegtaar
nickname; name-m extra ear; one with a small birth tumor above the ear
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagid
(Hagaagid-da)
1. Qallooc la'aan u socosho; si toosan u dhaqaaqid.
2. Sidii la rabey noqosho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagid
m.f.dh eeg hagaag². la-mid: hagaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooc la'aan u socosho; si toosan ah u dhaqaaqid.
hagaagid -da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore qaldanaa wanaagsanaan oo fiicnaan; sidii la rabey noqosho. Dh: wanaagsanaasho, hagaagis, hagaagsami fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagid
m.f.dh eeg higaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirid; fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceegaagid
(Ceegaagid-da)
(biyo, kd.) warnaan; afka hayn; buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaagid
m.f.dh eeg ceegaag². la-mid: ceegaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaagid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, wadhnaan oo buuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegadhegaynta wararka iyo waxii kolba jira. Dhegaabin ayuu warkayga ku ogaaday. Dh: dhegodhegayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegbasid
(Dhegbasid-da)
Dhegta wax u dhigid laysku illaawo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegbasid
m.f.dh eeg dhegbas². la-mid: dhegbas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegbasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhegeysi isku illoobid oo dhegta aad u raaricin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtamid
m.dh la-mid: dhaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid. Dh: dhoogtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hortaagid
m.f.dh eeg hortaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hortaagid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid; yeelid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhantaalid
(Dhantaalid-'da)
Wax u dhimid ama ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalid
m.f.dh eeg dhantaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u dhimid; dhib iin u yeesha gaadhsiin. Kala dhantaalidduu cadwgaagu kaaga dhawrsadaa. Dh: waxyeellayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaamid
m.dh la-mid: dhacaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelaasid
m.f.dh eeg dheelaas². la-mid: dheelaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheemaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe kol ay tahay, socdaal samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegdhegid
(Dhegdhegid-da)
Dhegdheg u yeelid; qabqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexsaarid
m.f.dh eeg dhexsaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adaygid
m.f.dh eeg dhega-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalmid
m.f.dh eeg dhantaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kala dhiman oo ay wax u dhimanyihiin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegraarici
f.mg2 (-iyay, -isay) U dh.: qof si fiican u dhegaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegraarici
f.mg2 (-iyay, -isay) U dh.: qof si fiican u dhegaysasho. m.f.dh, dhegraaricin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegraarici
(fal) eeg dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarid
m.dh la-mid: dhakafaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakafaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaarid
m.dh la-mid: dhakafaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agtagid
-da: (magac, dhedig, keli) meel u dhow, aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degaami
(fal) eeg deegaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawid
m.f.dh eeg dhaaw². la-mid: dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawid
-da: (magac, dhedig, keli) in xun u yu'asho: xumaan u rajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhegtar
magac ama naanaysta wiil leh dheg ta kale ka dheer ama buro yar ku soo dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhergid
(Dhergid-da)
Caloosha cunno ka buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergid
m.f.dh eeg dhereg³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexaad
Dhexda ku abbaaran; dhexe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexaad
s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexaad
s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexaad
der. [adjective] middle, central, in between; average
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexaad
(adj) see [eeg] meel dhexaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexaad
de: middle, central, in between; average
lx: dhexaad
ps: adj-der
key: dhexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagagid
(Hagagid-da)
Hadal hadal ka hor keenid, ku gudbid; murmid; asaraarid, ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagagid
m.f.dh eeg hagag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagagid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la is maqlayn mormid. Dh: mormid, doodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftaagid
-da: (magac, dhedig, keli) kibrid; islaweyni ku dhaqan. Dh: kibrid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jiritaankiisa la tirtirid, cayntiisa goyn. Dh: cidhibtirid, baabbi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaagid
(Cagaagid-da)
Meel cagaag leh oo cago caddaan lagu maray, xanuunkeed dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagid
m.f.dh eeg cagaag². la-mid: cagaag¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo cagaha la geliyo waayid.
cagaagid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhagax, quruurux iyo wixii la mid ah leh, cagacaddaan ku kor marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.

deegaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: degaamee.