dhegooleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegooleyn
(Dhegooleyn-ta)
Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegooleyn
m.f.dh eeg dhegoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegooleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida dhegoolaha samayn oo qof aan wax maqlayn iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegooley
m.dh Naag aan wax maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegoole
(Dhegoola-ha)
Qof dhegala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan wax maqlin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoole
m. n. deaf person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoole
-ha: (magac, lab, keli) qof dhegala' oo aan waxba maqal. Dh: dhegool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoole
de: deaf person
lx: dhegoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhegoole
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhegoole
أَطْرَش، أَصَمٌ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolay
(fal) is qof dhegala' iska dhig. Dh: dhegoolee.
dhegoolay-da: (magac, dhedig, keli) haweeney dhegala' oo aan waxba maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoolee
v. make oneself deaf (to someone), ignore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolee
(fal) sida qof dhegala' oo waxba aan maqlayn iska dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoolee
de: make oneself deaf (to s.o.), ignore
lx: dhegoolee
pd: (dhegooleeyey)
ps: v2b=
key: dhegoolee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka alaab qof garabkiisa ku guraayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegool
see [eeg] dhagool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof dareenka maqalku aanu shaqaynaynin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaley
m.dh Nooc fallaarta ka mid ah leh laba ganood oo u jeeda gadaal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEGOOLO
(Degolo) S Solanum terminale Forsk. Solanaceae.
May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegweyn
(Dhegweyn-ta)
Qof aan baraarugsanayn oo kol danbe warku galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegweyn
m.dh 1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegweyn
m.dh 1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegweyn
f. n., [compound] inattentiveness; easygoing, carefree, light hearted person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc xaskusha ka mid ah oo laga xigo maasay cad oo xadhkaha laga sameeyo oo aad u adag.
dhegweyn -ta: (magacwadareed) dadka aan baraarugsanayn oo waxa jira mar dambe uun ku baraaruga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegweyn
de: inattentiveness; [idiom] easygoing, carefree, light hearted person
lx: dhegweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
xe: Joseph is an easy-going person. Lit: big ear
xv: Yuusuf waa qof dhegweyn ah.
key: dhegweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobeyn
m.f.dh eeg dhoobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo marin; dhoobo ku talbiisid. Dhoobayntu aqallada way adkaysaa.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHALOOLEY
Capitanya otostegioides 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLEY
(Dalolei) S Capitanya otostegioides Guerke. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamoojeyn
m.dh la-mid: dhamaajeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamooqeyn

dhexnoolaan
m.f.dh eeg dhexnool. la-mid: dhexnoolaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagool
-ah: (adj) 1. deaf (dheef)
dhagool -e: (n) deaf person ~ dhegala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobey
(Dhoobey-da)
Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; dhulka webiyada; carramadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobey
m.l/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoobey
m.l/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobey
f. n., [collective] clay soil, good farm land
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoobey
-da: (n) clayish land;) moist, sticky earth; mud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobey
de: clay soil, good farm land (found around the Jubba and Shabeele rivers)
lx: dhoobey
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: dhoobey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoweyn
(Dhoweyn-ta)
1. Meel dhow geyn ama keenid.
2. Marti, kd., weji iyo gacmo furan, oo lagu tusa hayo in imaatinkooda la jecel yahay, kala hor'imaansho; martiggelin diirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoweyn
m.f.dh eeg dhowee. la-mid: dhaweyn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhoweyn
Accoglienza
To welcome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan fogayn keenid. Dh: dhawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooyeyn
(Dooyeyn-ta)
Dooyo dooyo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyeyn
m.f.dh eeg dooyee. la-mid: dooyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalo ciidanka ka horraysa, samayn. Koox yar ayaa dooyaynta ku filan. Dh: ilaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodeyn
e.d la-mid: hooddeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoodeyn
(interjection) used to give permission to come inside: you may come inside
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLE
(Dalol) N Chascanum sessilifolium (Vatke) Moldenke. Verbenaceae.
N Clerodendrum myricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.
N Plectranthus barbatus Andrews. Labiatae.
N Plectranthus cicatricosus (Hutch & Bruce)? Labiatae.
May, S Plectranthus igniarius (Schweinf) Agnew. Labiatae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheereyn
f. n. speed, velocity; onslaught, charge; elongation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheereyn
-ta: (n) 1. the act of speeding or moving fast 2. elongation (i-loon-geey-shin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheereyn
a: dheerayn ~ dheereyn
de: speed, velocity; onslaught, charge; elongation
lx: dheereyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dheereyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegalay
-da: (magac, dhedig, keli) qodob xeerka ka mid ah oo la raaco kolka uu arrin dhaco. Dh: dhegaley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegola'
adj., [expression] deaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegola'
a: dhegala'
de: deaf
lx: dhegola'
ps: adj-expr
key: dhegola'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegolix
-da: (magac, dhedig, keli) summad adhiga lagaga dhigo dhegaha oo la sarsaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookayn
m.f.dh eeg dhookee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqayn
m.f.dh eeg dhooqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo dhooqo ka dhigid oo xareednimadooda ka bi'in. Biyuhu dhooqayn kuma nijaasoobaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutoole
-ha: (magac, lab, keli) geedka meel bannaan ka baxa keligii ee aan laamo kale yeelan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nemooley
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la cuno cadkooga caanahooga na la dhamo. Dh: nimcoolay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyooleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyoole ahaan ku shaqayso. Biyooleyn barako daranaa oo biyuhu jabanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darfooley
m.dh Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfooley
-da: (magac, dhedig, keli) noocyada dermooyinka nooc ka mid ah oo darfaha laga madoobeeyo. Dh: salli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaameyn
m.f.dh eeg degaamee. la-mid: deegaameyn, deegaamin, degaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deegaameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarley
m.dh Haweeney dhagar badan. la-mid: dhagarrey.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isnooleyn
m.f.dh eeg isnoolee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegaameyn
m.dh la-mid: degaameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan ay dad galaan ka dhigid oo dhisma hoosaadkii lagu noolaan lahaa u samayn. Dh: jeegaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxyeyn
m.f.dh eeg dhagaxyee. la-mid: dhagxin, dhagxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax ku tuurtuurid; shiid ku kicid. Dh: shiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddigeyn
(Dheddigeyn-ta)
Dheddig ka dhigid; dheddig keliya dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddigeyn
m.f.dh eeg dheddigee. la-mid: dhaddigeyn, dhiddigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraweyn
m.dh Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEG-WEYNE
(Degweine) N, C Commicarpus reniformis (Chiov.) Cuf. Nyctaginaceae.
C Cissus ellenbeckii Gilg & Brandt Vitaceae.
N, C Maytenus undata (Thunb.)Blakelock. Celastraceae.
N Solanum coagulans Forsk. Solanaceae.
N Lannea malifolia (Chiov)Sacleux. Anacardiaceae.
S Sansevieria forskaliana (Schult.)Hepper & Wood. Agavaceae.
C Eulophia petersii (Rchb.F.) Rchib. Orchidaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegobbeel
m. n., [compound] deafness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegobbeel
de: deafness
lx: dhegobbeel
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhegobbeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhengedeyn
m.f.dh eeg dhengedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengedeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ul la dhacid. Dh: dhengedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexoollid
m.f.dh eeg dhex-aal. la-mid: dhexoollaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) doogashada ay xooluhu wacdiga ka soo doogtaan ee ay dhogorta beddelayaan. Dh: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegdhegeysi wax laga sheekaysanayo dhegaha lala raacraaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyeyn
m.f.dh eeg dhabaalyee. la-mid: dhabaalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aws qallaxato awr kale ku qabo. Dh: dhabaalayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagoolnimo
-da: (n) deafness (dheef-nes)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegaculays
(Dhegaculays-ka)
Dhegaha oo laga culus yahay, iin ama cudur darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaculays
m.l la-mid: dhegacuslaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegaculays
m. n., [compound] hearing difficulty, partial deafness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaculays
-ka: (magac, lab, keli) maqalxumo aan jabaqda gaaban la maqlin oo codka dheer uun la maqlo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegaculays
de: hearing difficulty, partial deafness
lx: dhegaculays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dhegaculays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganugeyl
-ka: (magac, lab, keli) farriin iyo talo, maqli'ogid. Dh: dhegafudayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegola'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhagala'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku socod. Dh: hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegocaddeeye
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo intuu beerta dhegaha ka galo, caddeeya.