dhegoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegoole
(Dhegoola-ha)
Qof dhegala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan wax maqlin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoole
m. n. deaf person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoole
-ha: (magac, lab, keli) qof dhegala' oo aan waxba maqal. Dh: dhegool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoole
de: deaf person
lx: dhegoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhegoole
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhegoole
أَطْرَش، أَصَمٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoolee
v. make oneself deaf (to someone), ignore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolee
(fal) sida qof dhegala' oo waxba aan maqlayn iska dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoolee
de: make oneself deaf (to s.o.), ignore
lx: dhegoolee
pd: (dhegooleeyey)
ps: v2b=
key: dhegoolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegooley
m.dh Naag aan wax maqal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegool
see [eeg] dhagool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof dareenka maqalku aanu shaqaynaynin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHEGOOLO
(Degolo) S Solanum terminale Forsk. Solanaceae.
May Sansevieria forskaliana (Schult.) Hepper & Wood. Agavaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegooleyn
(Dhegooleyn-ta)
Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegooleyn
m.f.dh eeg dhegoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegooleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida dhegoolaha samayn oo qof aan wax maqlayn iska dhigid.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
deaf (adj)
wuli ha dhaagnid; dhagaali
dhegoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafee
(fal) is dhegoolee oo qof aan wax ba maqlayn iska dhig. Qaafee kolkaad dhegoole u sheekaynayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolay
(fal) is qof dhegala' iska dhig. Dh: dhegoolee.
dhegoolay-da: (magac, dhedig, keli) haweeney dhegala' oo aan waxba maqal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagool
-ah: (adj) 1. deaf (dheef)
dhagool -e: (n) deaf person ~ dhegala'.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLE
(Dalol) N Chascanum sessilifolium (Vatke) Moldenke. Verbenaceae.
N Clerodendrum myricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.
N Plectranthus barbatus Andrews. Labiatae.
N Plectranthus cicatricosus (Hutch & Bruce)? Labiatae.
May, S Plectranthus igniarius (Schweinf) Agnew. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutoole
-ha: (magac, lab, keli) geedka meel bannaan ka baxa keligii ee aan laamo kale yeelan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DAANGOOLE
(Dangole) S Aerva lanata (L) Schultes Amaranthaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHALOOLEY
Capitanya otostegioides 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOLEY
(Dalolei) S Capitanya otostegioides Guerke. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degle
-ha: (magac, lab, keli) nin badeecad yar haya oo degta kolba meel ku geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhego
(Dhega-ha)
Hilqado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhego
m. n., [collective] earrings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhego
-dhegaha: (n) 1. [Plural of dheg] ears. 2. earring (iiring) ~ dhegodhego
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhego
cf: dhegadhego
de: earrings
lx: dhego
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: dhego
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhego
قُرْط، شَنْفَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhool
(Dhool-ka)
1. Ilkaha foolasha iyo miciyada u dhexeeya midkood.
2. Madaxa daruurta da'aysa; garab; fad; saylaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhool
dhool¹: m.l (-llo, m.dh) Foodda sare, oo cad ee daruur da'aysa.
dhool²: m.dh 1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhool
m.dh 1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dhool
pr. n., [feminine] Dole
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhool
m. n. incisor, front tooth
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOOL
(Dhul) N Lavandula macra Bak. Labiatae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhool
name-f vibration; front tooth; front of a passing rain, quick passing rain. Syn: Saylaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhool
magaca gabadh u dhalatay caddaan iyo qurux u eg fadka ama dhoolka gu'ga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhool
-ka: (magac, lab, keli) fad cad oo daruur ah.
dhool -ka: (magac, lab, keli) iligga u dhexeeya foolka iyo micida. Dhool baa kadhacay axmed.
dhool-sha: (magac, dhedig, keli) midho geedka xawlalabiga ka baxa oo yar. Dhool buu ii soo riday.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
débole
agg. - nugul, taagdaran.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
désolé
désolé, adj. - ka xumaansho; waan ka xumahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegso
f.g3 (-saday, -satay) Ku dh.: wax meel ku nabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegso
f.g3 (-saday, -satay) Ku dh.: wax meel ku nabasho. m.dh, dhegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegso
(fal) wax, meel ku nabo. Dh: dhejiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooli
-ga: (magac, lab, keli) baabuur gurmadka degdegga ah loo adeegsado oo bukaanka iyo dadka halista ah lagu qaado. Dhakhtarka waxa loogu deeqay labo dhooli. Dh: ambalaas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooye
nickname; name-m intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhooye
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu yeesho fahmad badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagoole
-ha: (magac, lab, keli) qof ama wax lugo uu ku joogsado aan lahayn; qof naafo ah oo cagaha aan ku socon karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboole
m.l Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. la-mid: daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboole
-ha: (magac, lab, dhedig) neefka xoolaha ay dabadu ka go'an tahay. Awrkii daboole ayaa geelii ku qooqay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakool
(Dhakool-ka)
Wax meel cidla' ah taagan ama ka dhisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakool
dhakool¹: m.l 1. Qof, wax meel cidla' ah taagan ama ka dhisan. 2. la-mid: dhakoolid.
dhakool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qof, meel cidla' ah iska taagnaansho ama ka dhisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakool
m. n. isolated object ~ building
dhakool v. build ~ set up in an empty place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhakool
nickname-m isolated. cf: Gooni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhakool
magac ama naanays loo baxsho gabadh kaligeedsocod ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakool
(fal) qof ama aqal, meel cidla' ah iska taagnaw.
dhakool: -ka: (magac, lab, keli) qof ama aqal, meel cidla' ah iska taagnaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalool
(Dhaloo-sha)
Magac guud oo kooba dhir isku bah ah: geedquwaax, hadi, dhunkaal, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalool
m.dh Magac guud oo kulmiya geednugeylka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalool
m.dh Magac guud oo kulmiya geednugeylka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalool
f. n., [collective] tree species, with thick resin; its sweet roots are chewed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALOOL
(Dalol) N Chascanum sessilifolium (Vatke) Moldenke. Verbenaceae.
N Clerodendrum myricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.
N Plectranthus barbatus Andrews. Labiatae.
N Plectranthus cicatricosus (Hutch & Bruce)? Labiatae.
May, S Plectranthus igniarius (Schweinf) Agnew. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalool
-ka: (magac, lab, keli) udubbo dhaadheer Dhigo iyo dhalool lagama guro.
dhalool -sha: (magac, dhedig, keli) geed ka baxa ciidda suubaanka ah oo laf jilicsan oo tiiraha sawaabisa. Dhaloosha caleenteed riyahaa jecel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalool
cf: hadi; dhunkaal
de: tree sp., with thick resin; its sweet roots are chewed
lx: dhalool
pd: (/sha)
ps: n-f-col
key: dhalool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooble
m.l (-ayaal, m.l/dh) (juqraafi) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooble
m.l (-ayaal, m.l/dh) (juqraafi) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhooble
Erratic block
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoorle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ay weli badawnimo ka sii muuqato. Dh: dhoorre. dhoorle -ha: (magac, lab, keli) wiil yar oo aan weli qaangaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalboole
m.l Qof dalbo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalboole
m.l Qof dalbo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalboole
m. n. person with knock-knees
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalboole
-ha: (n) bow-legged (bow-legidh) male ~ qof luujo leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalboole
-ha: (magac, lab, keli) qof dalbo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalboole
de: person with knock-knees
lx: dalboole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dalboole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboose
-ha: (magac, lab, keli) odheyka gaboobey.
dhaboose -ha: (magac, lab, keli) qarbid in badan lagu dhaamiyay oo gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagarle
m. n. traitor; deceiver, cheater, swindler
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagarle
de: traitor; deceiver, cheater, swindler
lx: dhagarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhagarle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhartole
m.l la-mid: dhartol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhartole
m. n. tailor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhartole
-dhartolaha: (n) tailor (teey-lor) ~ dawaare, harqaanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhartole
-ha: (magac, lab, keli) qofka dharka u tola kolba sida loo dalbado. Dh: dawaarle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhartole
de: tailor
lx: dhartole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhartole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaley
m.dh Nooc fallaarta ka mid ah leh laba ganood oo u jeeda gadaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegola'
adj., [expression] deaf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegola'
a: dhegala'
de: deaf
lx: dhegola'
ps: adj-expr
key: dhegola'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegolix
-da: (magac, dhedig, keli) summad adhiga lagaga dhigo dhegaha oo la sarsaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexnool
f.mg4 (-laa, -layd) Ku dh.: cid la dhaqmid. m.f.dh, dhexnoolaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexnool
-aa: (adj) [with preposition ku] living or residing with others ~ • ku dhexnool, dhexdhegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesoole
(Geesoola-ha)
Cayayaan sida doorshaammada - kuwa oogada jiidan - u eg, oo qolof adagi baalkoraad u tahay; wuxuu lee yahay labo gees oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geesoole
Polygon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesoole
m. n. cerambycid beetle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEESOOLE
(Gesole) S Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitacean.
S Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoole
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan labo baad oo ad'adag dusha ku leh madaxana labo gees oo kuwa baranbarada oo kale ku leh. Dh: geesaale.
geesoole-ha: (magac, lab, keli) shaxan qaab toosan oo leh saddex dhinac ama in ka badan oo daliigo toosan oo geeso isku xidha leh.