dhegawaadnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegawaadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof talooyinka iyo farriimaha si fudud u qaata ama u nugul. Dh: dheganuglaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegawaddanaan
m.f.dh eeg dhegawaddan. la-mid: dhegawaddanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegawaadan
(tilmaame) eeg dheganugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegawaddan
Wax maqli og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegawaddan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegawaddan
adj., [expression] hearing well, having good hearing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegawaddan
de: hearing well, having good hearing
lx: dhegawaddan
ps: adj-expr
key: dhegawaddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega'adkaan
(Dhega'adkaan-ta)
Wax dhega'adag ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhega'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad qofku wax uu maqlayo ama farriin iskaga diido oo canaado. Dh: isdhegamarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adkaan
m.f.dh eeg dhega-adag. la-mid: dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawanaan
m.f.dh eeg dhaawan. la-mid: dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanaan
m.f.dh eeg dhanaan³. la-mid: dhanaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhandhanka ciirta yeelasho; wax dhanaan oo sida cusbada u dhandhamaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegganaan
m.f.dh eeg dheggan. la-mid: dhegganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegganaan
f. n., [abstract] adherence, state of being stuck ~ attached to something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: dheggenaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegganaan
de: adherence, state of being stuck ~ attached to s.t.
lx: dhegganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dhegganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsanaan
m.f.dh eeg dhegsan. la-mid: dhegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: nabnaan, dhejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarnaan
m.f.dh eeg hawaaran. la-mid: hawaarsanaan, hawaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax hawaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawacnaan
m.f.dh eeg dhaawacan². la-mid: dhaawacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaawac gaadhay ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawaanahan
(adv) recently (rii- santli); lately (leeytli); not long ago ~ waqtiyadaan dambe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegala'aan
m.f.dh eeg dhegala'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegala'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) maqalka qofka oo la waayo. Gabadhu dhegala'aanta way ku dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugbadnaan
m.f.dh eeg dhugbadan. la-mid: dhugbadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro dheer iyo dhugasho fiican lahaan. Booliska waxa looga baahan yahay dhugbadnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegawadanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dheganuglaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarsanaan
m.dh la-mid: dhakafaarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahaarnaan
m.f.dh eeg dahaaran. la-mid: dahaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dahaar leh ahaan. Dahaarnaantu alaabta dhawraarin bay u noqotaa. Dh: dahaadhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarnaan
m.f.dh eeg dawdaran. la-mid: dawdarnaansho, dawdarni, dawdarno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaandhaan
(Dhaandhaan-ka)
Qof wax u dhiman yihiin oo ku nool siyaalo sillan iyo hadanaa rasnaan, korkiisa iyo dharkiisaba ka muuqata oo la moodo inuu isula kasa hayo oo isyeelyeela hayo; qof sacsacan; dhab-qalallo; sawir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaan
dhaandhaan¹: m.l Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.
dhaandhaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaandhaan
m.l Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaandhaan
m. n. idiot, seriously mentally-retarded person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaandhaan
-ka: (n) idiot (idh-yat); foolish or stupid person ~ nacas, sawir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaandhaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoontiisu gaaban tahay ama doqonniino ku jirto. Dh: nacas, dabbaal. Li: fariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaandhaan
cf: dhabqalallo, sawir
de: idiot, seriously mentally-retarded person
lx: dhaandhaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhaandhaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhababnaan
m.f.dh eeg dhababan. la-mid: dhababnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka aad looga adkeeyey oo dhababan ahaan. Dh: jufnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsanaan
m.f.dh eeg dhacsan. la-mid: dhacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taariikhdii la isticmaali lahaa dhamaatay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa burburin oo raad ka yeelid. Daarahan la dhiibsaday illaa laga dhawaateeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxlanaan
m.f.dh eeg dhaxlan. la-mid: dhaxlanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaylanaan
f. n., [abstract] perfection, irreproachability
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaylanaan
de: perfection, irreproachability
lx: dhaylanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhaylanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega'adag
Wixii loo diro diida; dhasiigid badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhega'adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho. m.f.dh, dhega'adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhega-adag
adj., [expression] stubborn, unwilling to listen, disobedient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhega-adag
(adj) obstinate (oobastineeyt)', unyielding (anyiildhing)-, tenacious (taneey-shas); headstrong; dogged ~ canaadi, macangag ~ madax-adag. -Syn. Stubborn, headstrong, stiff necked, bullheaded, pigheaded, mulish, dogged, pertinacious.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegahadal
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo caydiisa la maqashiiyo iyadoo xumaan laga raadinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherganaan
m.f.dh eeg dhergan. la-mid: dherganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaarnaan
m.dh la-mid: gabranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hareeraha oo dhan laga istaagay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalnaan
(Galaalnaan-ta)
Wax galaalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalnaan
m.f.dh eeg galaalan. la-mid: galaalnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaalnaan
f. n., [abstract] state of being whitewashed ~ having a white stripe on the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhakada ama wejiga bar cad ku leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaalnaan
de: state of being whitewashed ~ having a white stripe on the head
lx: galaalnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaalnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxnaan
m.f.dh eeg ganaaxan. la-mid: ganaaxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la ganaaxay ahaan. Dh: taqsiirnaan, yakaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacnaan
m.f.dh eeg garaacan. la-mid: garaacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawracnaan
m.f.dh eeg gawracan la-mid: gawracnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarnaan
m.f.dh eeg habaaran². la-mid: habaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof habaar qaba ahaan. Dh: inkaarnaan. Li: ducaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagnaan
m.f.dh eeg halaagan². la-mid: halaagnaansho, hallignaan, hallignaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagnaan
m.f.dh eeg higaagan². la-mid: higaagnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadnaan
m.f.dh eeg qadaadan. la-mid: qadaadnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabnaan
m.f.dh eeg sawaaban. la-mid: sawaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sawaaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debacsanaan
m.dh la-mid: debecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaddanaan
m.f.dh eeg dhaaddan. la-mid: dhaaddanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ogsoonaan oo aad ula socosho; aad wax uga warhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsanaan
m.f.dh eeg dhaafsan. la-mid: dhaafsaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la filayay ka siyaadsanaan; ka badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansanaan
m.f.dh eeg dhaansan. la-mid: dhaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhaamiyay oo daf laga dhigay ahaan. dhaansanaansho -ha: (magac, lab, keli) weel ama wax kale buuxsanaan. Dh: dhaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsanaan
m.f.dh eeg dhaarsan. la-mid: dhaarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaar galay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid subag marsaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacnaan
m.f.dh eeg dhabbacan. la-mid: dhabbacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhabbac ah u jiifsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalnaan
m.f.dh eeg dhambalan². la-mid: dhambalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala qaybsanaan; kala falliidhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalnaan
m.f.dh eeg dhanqalan³. la-mid: dhanqalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsanaan
m.f.dh eeg dhawrsan. la-mid: dhawrsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) edeb lahaan oo af iyo addinba ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega'adayg
(Dhega'adayg-ga)
Tilmaanta qofka dhegaha adag; dhasiig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhega'adayg
dhega'adayg¹: m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. la-mid: dhega-adkaan.
dhega'adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid. m.f.dh, dhega'adaygid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhega'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan talada iyo farriimaha maqlin oo canaaga. Li: dhaganugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adayg
dhega-adayg¹: m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. la-mid: dhega-adkaan.
dhega-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhega-adayg
m. n., [compound] disobedience, stubbornness
dhega-adayg: [inchoative] v. refuse to listen; become stubborn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhega-adayg
-a: (n) obstinateness; disobedience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo dartii dadka ku dhego cuslaadaan ama ku dhego beelaan haddii aan la iska daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegola'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhagala'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaysnaan
m.f.dh eeg dhigaysan. la-mid: dhigaysnaansho.