dhegannugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegannugeyl
(Dhegannugeyl-ka)
Dhegannuglaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegannugeyl
m.l Dabci qof leeyahay oo u oggolaado in uu si sahlan u fuliyo wax la faray. la-mid: dhegannuglaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegannugeyl
m. n., [compound] promptness, attentiveness, obedience
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegannugeyl
cf: dhega nuglaan
de: promptness, attentiveness, obedience
lx: dhegannugeyl
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhegannugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganugeyl
-ka: (magac, lab, keli) farriin iyo talo, maqli'ogid. Dh: dhegafudayd.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhega-nugeyl
-ka: (n) obedience (o-biidi-yansi) ~ dhaganuglaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegannugul
(qof) aan wax diidin; dhegafudud; wixii la faro, degdeg u maqla oo u qabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegannugul
f.mg4 (-glaa, -glayd) U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegannugul
f.mg4 (-glaa, -glayd) U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho. m.f.dh, dhegannuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegannugul
adj., [expression] responsive, attentive, obedient; prompt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegannugul
de: responsive, attentive, obedient; prompt
lx: dhegannugul
ps: adj-expr
key: dhegannugul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheganugul
(adj) obedient (obiidi-yanti); compliant (kompalaant); submissive (sab-mis'iv) ~ dhellah dhaganugul, muddiic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganugul
(tilmaame) mid horay wax u maqla oo dhegawaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegannuglow
f.mg3 (-laaday, -laatay) U dh.: qof waxa la faro si sahlan u qaata noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegannuglow
f.mg3 (-laaday, -laatay) U dh.: qof waxa la faro si sahlan u qaata noqosho. m.f.dh, dhegannuglaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegannuglow
v. obey, be submissive ~ obedient
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegannuglow
de: obey, be submissive ~ obedient Lit: get soft ears
lx: dhegannuglow
pd: (dhegannuglaaday)
ps: v3a=intr
key: dhegannuglow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegannuglaan
(Dhegannuglaan-ta)
Qof dhegannugul ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegannuglaan
m.f.dh eeg dhegannugul. la-mid: dhegannugeyl, dhegannuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganuglow
(fal) mid hadalka iyo farriimaha horay u maqla ahaw. Waalidkaaga u dheganuglow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganuugsi
-ga: (magac, lab, keli) war aan rasmi kuu soo gaadhin oo dhegta uun ku soo dhaca. Dh: dhegnuugsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhega nuglaan
f. n., idiom: responsiveness, attentiveness, obedience; promptness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhega_nuglaan
a: sp: dhegannuglaan (ta)
de: responsiveness, attentiveness, obedience; promptness Lit: soft ears
lx: dhega nuglaan
pd: (-ta)
ps: np-f-idiom
key: dhega_nuglaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof wararka ururiya oo raadiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegabeel
-ka: (magac, lab, keli) maqalxumo aan jabaqda horay loo maqal ama idayl ahaanba. Dh: dhegala'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad keenta in qofku dadka hortiisa ku hadli karin. Dh: khajil, xishood, maag. Li: il'adki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xishood iyo khajilaad aan dadka hortooda lagu hadli karin. Dh: habnugayl, ilnugayl, shirkanax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalnugeyl
(Kalnugeyl-ka)
Kasha ka jilicsan, ka nugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalnugeyl
m.l 1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalnugeyl
m.l 1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalnugeyl
m. n., [compound] fondness, vain desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) habnugaylka iyo dabacsanida. Dh: kalnugul.
kalnugeyl-ka: (magac, lab, keli) fuleynimo.
kalnugeyl -ka: (magac, lab, keli) adkaysi yari iyo dulqaad xumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalnugeyl
de: fondness, vain desire
lx: kalnugeyl
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kalnugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugnugeyl
(Nugnugeyl-ka)
Aan dhibta dul u yeelan karin; aan adkaysi lahayn; jiljilicsan; caycay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugnugeyl
m. n., [abstract] extreme softness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nugnugeyl
de: extreme softness
lx: nugnugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: nugnugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarnugeyl
m.l Nafley dheddig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood. la-mid: qarnugul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) nafley dhedig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xugnugeyl
(Xugnugeyl-ka)
Xufnugeyl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xugnugeyl
m. n., [collective] weak livestock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xugnugeyl
de: weak livestock
initial: x
lx: xugnugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: xufnugeyl
key: xugnugeyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beernugeyl
(Beernugeyl-ka)
Beerjileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernugeyl
m.l 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. la-mid: beernuglaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beernugeyl
m.l 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. la-mid: beernuglaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beernugeyl
m. n., [compound] softheartedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beernugeyl
-ka: (n) sympathy (simpathi); kindness; softheartedness; a tender heart ~ naxariis, jimic —u beernugayl -ay / day: (v) become softhearted, feel sympathy; sympathize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernugeyl
-ka: (magac, lab, keli) naxariis iyo calool dabacsanaan. Dh: beerjilayc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beernugeyl
de: softheartedness
lx: beernugeyl
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: beerjileec
key: beernugeyl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadanugul
(tilmaame) eeg dheganugul.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhega-beel
-ay / dhaga-beeshay : (v) become deaf; deafen (dhe-fen)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegabbeel
(Dhegabbeel-ka)
Dhegabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegabbeel
dhegabbeel¹: m.l Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. la-mid: dhegabbeelid.
dhegabbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Awoodda maqalka waayid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegabbeel
dhegabbeel¹: m.l Waayidda nafley weydo awoodda maqalka.
dhegabbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Awoodda maqalka waayid (nafley). m.f.dh, dhegabbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegabbeel
m. n., [compound] deafness
dhegabbeel v., [compound] be deaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegnuugsi
(Dhegnuugsi-ga)
War aan laysu sheegine dhegta laga maqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegnuugsi
m.l 1. War aan laysu sheegin ee dhegta laga maqlay. 2. la-mid: dhegnuugsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegnuugsi
m. n., idiom: hearsay, rumor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegnuugsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhegnuugsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegnuugsi
de: hearsay, rumor Lit: suck the ear
lx: dhegnuugsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-idiom
key: dhegnuugsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegnuugso
f.g3 (-saday, -satay) War si dadban u dhegeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegnuugso
(fal) eeg dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geednugeyl
m.l.u Geedaha intooda lafta jilicsan, abaarta u adkeysi yar ee si sahlan loo tallaali karo, mirihiisa dhaqso u bislaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geednugeyl
m.l.u Geedaha intooda lafta jilicsan, abaarta u adkeysi yar ee si sahlan loo tallaali karo, mirihiisa dhaqso u bislaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnugeyl
m.l la-mid: baraqnuglaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraqnugeyl
-ka: (magac, lab, keli) qof qalbi jilicsan oo fulay ah. Baraqnugeylka baashaa nagala mar. Dh: beernugayl, beerjileec, qalbinugeyl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegaculays
(Dhegaculays-ka)
Dhegaha oo laga culus yahay, iin ama cudur darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaculays
m.l la-mid: dhegacuslaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegaculays
m. n., [compound] hearing difficulty, partial deafness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegaculays
-ka: (magac, lab, keli) maqalxumo aan jabaqda gaaban la maqlin oo codka dheer uun la maqlo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegaculays
de: hearing difficulty, partial deafness
lx: dhegaculays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dhegaculays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegee
(fal) wardhegoodka meel kuu dhow, ururi. Dh: dhegdhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegnuugsad
m.l la-mid: dhegnuugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegnuugsad
-ka: (magac, lab, keli) war aan rasmi ahayn oo dhegta ku soo dhaca qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegadhegayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhegdhegeysi wax laga sheekaysanayo dhegaha lala raacraaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka iyo farriimaha horay u maqlid.