dhegafarasoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegafarasoobid
(Dhegafarasoobid-da)
Dhegafarasow ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegafarasoobid
m.f.dh eeg dhegafarasow². la-mid: dhegafarasow¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegafarasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dheganuglaansho oo sida faraska degdeg wax ugu maqlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegafarasoob
v. hear things, hear imaginary sounds ~ voices
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegafarasoob
de: hear things, hear imaginary sounds ~ voices Lit: becoming like horse ears
lx: dhegafarasoob
pd: (dhegafarasoobay)
ps: v1=idiom
key: dhegafarasoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegafarasow
(Dhegafarasow-ga)
1. Dhegaha oo hadba mooda in shanqari u yeertay ama ay wax maqleen; (qof) wax aan jirin ama aan dadka kale maqlayn mooda inuu hadba maqlay.
2. Sida faraska u dhegawaddanaan; meel fog wax ka maqli ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegafarasow
dhegafarasow¹: m.l 1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. la-mid: dhegafarasow¹.
dhegafarasow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Maqalka dhegaha kordhid. 2. Sharqamo aan jirin maqlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegafarasow
vl. n., idiom: hearing things, auditory hallucination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegafarasow
(fal) sida fardaha u dheganuglaw.
dhegafarasow-ga: (magac, lab, keli) dheganuglaan sida faraska horay wax loogu maqlo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegafarasow
de: hearing things, auditory hallucination
lx: dhegafarasow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-idiom
key: dhegafarasow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaloobid
m.f.dh eeg dhaqaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daranyada laga dhabay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegafarasaw
(fal) sida fardaha u dheganuglaw.
dhegafarasaw-ga: (magac, lab, keli) dheganuglaan sida faraska horay wax loogu maqlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adaygid
m.f.dh eeg dhega-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarroobid
m.f.dh eeg dhurdarrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaradoobid
m.f.dh eeg xaraaradow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) araarad yeelasho. Dh: araaradaw, araaradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaargaroobid
m.f.dh eeg diyaargarow². la-mid: diyaargarow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaargaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaar noqosho oo wixii loo baahnaa iskudubbaridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaladdarroobid
m.f.dh eeg dhaqaaladdarrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaarloobid
m.f.dh eeg bidaarlow. la-mid: bidaarroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaarroobid
m.dh la-mid: bidaarloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaaroobid
m.f.dh eeg cambaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cambaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaaroobid
(Canbaaroobid-da)
1. Canbaar yeelasho.
2. Ceeboobid; dhaleecoobid; fadeexoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) canbaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarroobid
m.f.dh eeg dacdarrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baahan oo bisaaradaysan noqosho. Dh: bisaaradoobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danab soocid
Electrolysis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danab-soocid
m.dh Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangaraarood
m.f.l eeg dangaraaroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabeeloobid
m.f.dh eeg dhabeelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) naag gaari ah oo martabo iyo maamuus leh noqosho. Dh: marwoobid, gaariyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadoobid
m.dh la-mid: nacaladoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maararroobid
m.f.dh eeg maarrow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maararroobid
-da: (magac, dhedig, keli) maaweelo iyo baashaalid isku mashquulin. Maararroobida waxa haleela nin ay meheradi u baylahsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladoobid
m.f.dh eeg nacaladow. la-mid: lacanadoobid, nacalladoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakoobid
m.f.dh eeg shiraakow. la-mid: shuraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) urur noqosho oo wax wada qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraakoobid
m.dh la-mid: shiraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shirkad noqosho; shirkoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayoobid
(Waabaayoobid-da)
Wax waabaayaysan noqosho; sumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayoobid
m.f.dh eeg waabaayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waabay ku sumoobay noqosho. Dh: sumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watatacoobid
m.f.dh eeg watatacow². la-mid: waddadacoobid, waddaddacow¹, watatacow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
watatacoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg watatacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax aboodi
m. n. stone with medicinal properties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagax'aboodi
-ga: (magac, lab, keli) dagax ay dadka badhkii aaminsan yihiin inuu dawo leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagax-aboodi
(Dhagax-aboodi-ga)
(senen) dhagax gaar ah oo la qabo inuu dawo lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-aboodi
m.l Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax_aboodi
de: stone with medicinal properties
lx: dhagax aboodi
pd: (-ga)
ps: np-m
key: dhagax_aboodi
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxmadoobe
m.l (-bayaal ..., m.l/dh) (jool.) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhoolid
(Dhalandhoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; boqoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolid
m.f.dh eeg dhalandhool². la-mid: dhalandhool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkoo kulul meel dheer u hayaamid; meel fog u socdaalid. Adigaa dhibtiyo, dhalandhoolidda i baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaarid
m.dh la-mid: dhakafaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegadhabasho
m.f.dh eeg dhegadhabo. la-mid: dhegadhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmaranoobid
m.f.dh eeg golmaranow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafoobid
m.f.dh eeg lafallafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafallafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u caata ah noqosho; lafallafo noqosho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax madoobe
Gneiss
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-madoobe
m.l (jooloji) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibadyaaloobid
m.f.dh eeg dibadyaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibadyaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacmid oo wax daranyo darteed dibadda u yaal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfadhaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) orod badan, qosol badan ama oohin beerxanuun ka qaadid. Dh: rubadgu'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallinyaroobid
m.f.dh eeg dhallinyarow.