dheelmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmid
m.f.dh eeg dheelan². la-mid: dheelan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe ilaa habeenkii socod. Dhego ina rag kay dhinac martaa, dheelmatiin galaba, dhaqan iyo aduun lama hadheen iyo dhogorta xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelid
m.f.dh eeg dheel³. la-mid: dheelis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax habeen guuragelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax habeen guuragelin. m.f.dh, dheelmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehmid
(Dheehmid-da)
Wax dheehan noqosho; barxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehmid
m.f.dh eeg dheehan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmad
(Dheelmad-ka)
Dheelmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmad
m.l la-mid: dheelmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmad
-ka: (magac, lab, keli) ku hoyashada meel lagu carraabo. Soo dheelmadka geela suga wax kale la idiin ma hayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmin
m.f.dh eeg dheelmi. la-mid: dheelmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmis
m.l la-mid: dheelmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelan
(Dheelan-ka)
(xoolo, kd.) dheelmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelan
dheelan¹: m.l Socodka habeenkii la socdo; guuro. la-mid: dheelmid.
dheelan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Nafley habeen socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dheel ku maaweelin. la-mid: dhayali, dheelsii (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeli
v. make someone play ~ dance; play with, entertain, amuse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeli
de: make s.o. play ~ dance; play with, entertain, amuse
lx: dheeli
pd: (dheeliyey)
ps: v2a=tr
key: dheeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehid
(Dheehid-da)
1. Wax bir ah, kd., dheeh u yeelid.
2. Ku darmid; ku barxamid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehid
m.f.dh eeg dheeh². la-mid: dheeh¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelin
(Dheelin-ta)
Dheelsiin; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelin
m.f.dh eeg dheeli. la-mid: dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelis
(Dheelis-ka, Dheelis-ta)
Cayaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelis
dheelis¹: m.l la-mid: dheelin.
dheelis²: m.dh la-mid: dheelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelis
vl. n. playing, dancing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelis
de: playing, dancing
lx: dheelis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn2-m, vn1-f
key: dheelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelli
(Dheelli-ga)
Qaadka ama culayska rarka oo inta doc u bata dhicid ku dhowaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelli
dheelli¹: m.l 1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. la-mid: dheelliyid.
dheelli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax culayskiisa dhinac u badasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelli
dheelli¹: m.l Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo.
dheelli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax culayskiisa dhinac u badasho. m.f.dh, dheelliyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelli
v. over-balance, lean sideways, fall to one side
dheelli vl. n. overbalancing, leaning sideways; unevenly distributed load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelli
-yey/ say: (v) unbalance (an-baa-lansi); overbalance (o-var-baalans); throw off balance; tip the scales
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelli
(fal) muur raran, kolba dhan u liic. Awrkii wuu dheelliyey ee ila dheellitira.
dheelli -ga: (magac, lab, keli) liicid ama janjeedhsi uu culays keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmo
f.mg3 (-maday, -matay) Habeen socosho; guurayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelmo
f.mg3 (-maday, -matay) Habeen socosho; guurayn. m.f.dh, dheelmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelmo
v. travel at night, not go home for the night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelmo
-dheelmaday / dheelmatay: (v) travel at night. Ex. Cali wuu dheelmaday; Ali travelled at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmo
(fal) qof, halkaad u hoyan lahayd, u carraw. Dheelmo intaan habeen kuu gelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelmo
de: travel at night, not go home for the night
lx: dheelmo
pd: (dheelmaday)
ps: v3a=
syn: guuree, gud
key: dheelmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmid
m.f.dh eeg dhilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala sarreeya ama isku garab taxan kolba liin iskeed u daadasho oo u hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegmid
(Heegmid-da)
Heeggan u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegmid
m.f.dh eeg heegan². la-mid: heegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegmid
-da: (magac, dhedig, keli) heeggan u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heermid
(Heermid-da)
Wax heermay ama heeran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heermid
m.f.dh eeg heeran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heermid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhibaatooday ama heeran noqosho, dhaawacmid. Dh: waxyeelloobid, dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelid
(Sheelid-da)
Horusocod u diidid; joojin; celin; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheelid
m.f.dh eeg sheel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku qarin; sheelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheemid
(Sheemid-da)
Laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guula hayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheemid
m.f.dh eeg sheen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheemid
-da: (magac, dhedig, keli) laboodka nafleyda qaarkeed, siiba kuwa raxanta wada, kolka mid mid kale guulaayo oo diidayo in raxantiisa laga soo ag dhowaado; iska ceshiimeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellin
m.dh la-mid: dheelliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellis
m.l la-mid: dheelliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. la-mid: dheeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. la-mid: dheeli. m.f.dh, dheelsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelsii
v.caus: make someone play ~ dance; play with, entertain, amuse; cheat, trick, swindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelsii
-yey / say: (v) entertain (en-ter-teyn); amuse (amyuus) ~ ciyaarsii
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelsii
a: dheeli
de: make s.o. play ~ dance; play with, entertain, amuse; [ext.] cheat, trick, swindle
lx: dheelsii
pd: (dheelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dheelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheyelid
(Dheyelid-da)
Dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheyelid
m.dh la-mid: dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaamid
m.dh la-mid: dhacaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelaasid
m.f.dh eeg dheelaas². la-mid: dheelaas¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelliyid
(Dheelliyid-da)
Doc culaysku u batay u liicid; dheelli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelliyid
m.f.dh eeg dheelli². la-mid: dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dheelitir
Miisaamid, ciirtirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelli_1
de: over-balance, lean sideways, fall to one side
hm: 1
lx: dheelli
pd: (dheelliyey)
ps: v2a=intr
key: dheelli_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelli_2
de: overbalancing, leaning sideways; unevenly distributed load
hm: 2
lx: dheelli
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dheelli_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelsiin
m.dh eeg dheelsii. la-mid: dheelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexgelid
m.f.dh eeg dhexgal². la-mid: dhexgal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmatiin
(Dheelmatiin-ka)
Dheelmasho; (ama dheelmataan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmatiin
m.l la-mid: dheelmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelmatiin
vl. n. night travel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelmatiin
de: night travel
lx: dheelmatiin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dheelmatiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demid
m.dh la-mid: damid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheel
(Dheel-ka)
1. Qabowga habeenkii soo dhaca; nadwad.
2. Cayaar; dhayal; cayaayir; dheelaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheel
dheel¹: m.l Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
dheel²: m.dh (-lo, ml.) Cayaar. la-mid: dhayl¹ (2).
dheel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) 1. Ciyaarid. 2. Wax qabow habeenkii ku dhacay dartii la qoyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheel
dheel¹: m.l Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
dheel²: m.dh (-lo, ml.) Cayaar; ciyaar.
dheel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) 1. Ciyaarid. 2. Wax qabow habeenkii ku dhacay dartii la qoyid. m.f.dh, dheelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dheel
name: Deel, Dell
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheel
m. n. game; dance; amusement, joke
dheel v. play (around), joke; dance
dheel m. n., [collective] dew
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dheel
name-m dew; amuser, joker, entertainer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheel
-ay / say: (v) play (paleey); take part in a game or dance
dheel - dheesha: (n) playing (paleeying) ~ dheeldheel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dheel
magac ama naanays loo baxsho wiil kaftan iyo sheeko badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheel
(fal) ciyaar tumo.
dheel-ka: (magac, lab, keli) eeg dhedo.
dheel-sha: (magac, dhedig, keli) ciyaarta la tumo ama waxyaabaha kale ee la cayaaro ama lagu madadaasho oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheel
مُزَاحَةً، تَسْلِيَةً، عَبَتْ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeli
(Heeli-ga)
Miraha higlada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeli
m.l Miraha higlaha oo bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeli
m. n., [collective] fruit of a thornless tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeli
-ga: (magac, lab, keli) miraha higlada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeli
cf: higlo (the tree)
de: fruit of a thornless tree sp.
lx: heeli
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: heeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemi
v. skim fat from the top of broth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, dhammee oo wax ad cabbayso waxba ha reebin. Caanaha gorofka ka heemi. Dh: dammee. Li: hambee.
heemi: (fal) hilib ama lafo karsamaya, subagga dulsha uga soo baxa, ka dhur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemi
de: skim fat from the top of broth
lx: heemi
pd: (heemiyey)
ps: v2a=tr
key: heemi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Helid
(Helid-da)
Wax la waayey ama lumay la kodlid, arkid, keenid.