dheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheegad
(Dheegad-ka)
Dheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegad
m.l la-mid: dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegad
vl. n. copying, forgery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegad
a: dheegasho
de: copying, forgery
lx: dheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegad
(Deegad-da)
Qolalka aqalka, kan cidda ka wada dhexeeya oo laysugu wada yimaado; bersed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegad
m.dh (-do, m.l) Bersad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deegad
f. n. sitting room, parlor, salon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegad
-da: (magac, dhedig, keli) qolka fadhiga ee kuraasida iyo fadhiyada la dhigo. Deegadda ayaan telefishanka ku daawannaa. Dh: saaloon, bersad, fadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deegad
de: sitting room, parlor, salon
lx: deegad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bersed
key: deegad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegan
der. [adjective] absent-minded, inattentive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegan
de: absent-minded, inattentive
lx: dheegan
pd: (dheegnaa)
ps: adj-der
xe: He doesnt know what's going on around him.
xv: Waa qof dheegan.
key: dheegan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhengad
m.dh la-mid: dhenged.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhengad
-da: (n) a thin stick used for punishment ~ sarbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengad
-da: (magac, dhedig, keli) laan toosan oo geedaha laga goosto xoolahana lagu kaxeeyo ama ujeeddooyin kale loo adeegsado. Dh: ul, xawd, shawdh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegad
m.l la-mid: sheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegad
-ka: (magac, lab, keli) cid aan loo dhalan ku abtirsad; hayb aan loo dhalan ku abtirsad. Dh: sheegasho.
sheegad -ka: (magac, lab, keli) wax gar u lahaantood ku doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raadraac
(Raadraac-a)
1. Raadka oo la raaco, si wax lumay ama la doonayo loo helo.
2. Ku dayad, ka dheegad, dabasocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegasho
m.f.dh eeg dheego. la-mid: dheegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegasho
a: dheegad
de: imitation, acting like another person
lx: dheegasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dheegasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefsad
(Dheefsad-ka)
Dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsad
m.l la-mid: dheefsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dheeggan
name-f imitation; impersonator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmad
(Dheelmad-ka)
Dheelmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmad
m.l la-mid: dheelmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmad
-ka: (magac, lab, keli) ku hoyashada meel lagu carraabo. Soo dheelmadka geela suga wax kale la idiin ma hayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeraad
(Dheeraad-ka)
1. Waxa tiro, ama qiyaas kale, oo la og yahay intay tahay, soo raaca oo wehesha ama ka soo hara.
2. (dad, alaabo,...) loo haysto in hadhow, kolka loo baahdo lagu adeegto ama wax lagu qabsado, wixii xumaaday ama jabay, beddelkood ahaan; dheeri; buro; siyaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. la-mid: dheeri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheeraad
m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dheeraad
Redundant
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeraad
m. n. (adj.): surplus, remainder; excess; appendix, addition; extra, extensive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheeraad
-ka: (n) surplus (serpalas); extra (ikistara); supernumerary; addition (adhi-shin)-, excess ~ saa'id, buro, siyaado
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dheeraad
Addizionale; extra
Additional; extra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraad
-ka: (magac, lab, keli) mid meel fog jooga noqosho.
dheeraad -ka: (magac, lab, keli) wax dheer noqosho.
dheeraad: (tilmaame) wax ka siyaadsan intii la ogaa ama la rabay. Soddon saniyo dheeraad, intaa waa ku sugayoo, nafta kugu sasabayee. Dh: dheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeraad
de: surplus, remainder; excess; appendix, addition; [atr.] extra, extensive
lx: dheeraad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dheeraad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheeraad
مَزيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheegsad
m.l la-mid: sheegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegsad
-ka: (magac, lab, keli) haybsad; sheegsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degad
(Degad-ka)
Degasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degad
m.l la-mid: degasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degad
vl. n. act of descending; landing (of airplane)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degad
de: act of descending; landing (of airplane)
lx: degad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: degad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeg
(Dheeg-ga)
1. Geela dhinaciisa kore oo kuruska u dhow.
2. Markabka dushiisa.
3. Meel sare; baar; guud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeg
m.l (-gag, m.l) 1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dheeg
name: Deeg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeg
m. n. camel's flank
dheeg m. n. high place, elevated place; ship deck
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dheeg
name-m a highly elevated shop deck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dheeg
magac loo baxsho wiil dherer iyo muuq fiican leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeg
(fal) wax isku yaalla ama dhegsan, kala dhanbal. Dh: heerayaa.
dheeg-ga: (magac, lab, keli) dhinaca ama sararta geela.
dheeg-ga: (magac, lab, keli) dhinac ama barbar, sida ka markabka ama doonnida. Dheegga awrka dhil baa sudhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhega
erey la yidhaa kolka wax laga yaabo la arko ama la maqlo. Dhega! waar waxani waa maxay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhega
de: stubborn, unwilling to listen, disobedient Lit: hard ears
lx: dhega
pd: \pd-adag
ps: adj-expr
key: dhega
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heega
-da: (magac, dhedig, keli) xagga ama halka sare. Dh: samo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegad
-ka: (magac, lab, keli) wax inta uu dhanyahay ogaanshihiisa; wax cabbirad. Beegadka waad u madaxbannaantahay miiso bariiska. Dh: cabbirad, miisad, qiyaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebad
m.l 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexad
(Deexad-ka)
Deexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexad
m.l la-mid: deexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexad
vl. n. talkativeness
deexad [feminine] n. valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xeebeed bannaan oo badda u dhow. Dh: deex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheege
n. photocopier
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheego
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iyo wixi lamida gogasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheego
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g ) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iyo wixi lamida gogasho. m.f.dh, dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheego
v. imitate, act like someone else; pay close attention to another's actions, copy; forge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheego
(fal) afkaar ama xog ka soo amaaho dukumenti ama kutubo kale oo asal ah. Tixdan waxan ka soo dheegtay buugga Saabxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheego
de: imitate, act like s.o. else; pay close attention to another's actions, copy; [ext.] forge
lx: dheego
pd: (dheegtay)
ps: v3b=
key: dheego
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dheeha
name-f coated, enamelled, plated
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheged
(Dheged-ka)
1. Midab xoolaha dhanada iyo jaanka cuna ama dhirta qaarkeed daaqa ay afka iyo gafuurka ku yeelato.
2. Dhegdheg, karriin, uskag; baqbaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheged
m.l 1. Midab xoolaha dhanada iyo jaanka cuna ama dhirta qaarkeed daaqa ay gaafurka ku yeeshaan. 2. Carro cusboole ah. 3. Wasakh, uskag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheged
m. n. stickiness, sticky substance; color around mouth of an animal due to food stains
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dheged
nickname; name-m sticky, stickiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheged
-ka: (magac, lab, keli) meel ciid dirri ah oo dhanaan laga helo lana moodo in saliidi ku daadatay oo badanaa xoolaha jeellani leefleefaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheged
de: stickiness, sticky substance; color around mouth of an animal due to food stains
lx: dheged
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dheged
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegid
(Dhegid-da)
Meel ama wax qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegid
m.f.dh eeg dheg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax kale, ku nabmid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigad
(Dhigad-ka)
Dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigad
m.l la-mid: dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigad
vl. n. act of studying; placing ~ putting aside for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax barasho; qoraal barasho. Dh: dhigasho.
dhigad -ka: (magac, lab, keli) wax meel dhigasho oo ku kaydsasho. Dh: dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigad
de: act of studying; placing ~ putting aside for oneself
lx: dhigad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhigad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugad
(Dhugad-ka)
Dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugad
m.l la-mid: dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugad
-ka: (magac, lab, keli) fiirin oo si ka bogasho ah wax u eegid. Dh: fiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegan
1. Heeggan.
2. (rati, kd.) la heegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegan
heegan¹: m.l/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. la-mid: heegmid. la-mid: heeggan¹.
heegan²: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho.
heegan³: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la heegay ama heegan ahaansho. la-mid: heeggan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heegan
m.l/dh 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. la-mid: heeggan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heegan
der. [adjective] tied by the leg; alert, ready
heegan [inchoative] v. be tied by the leg; be alert, ready ~ on patrol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegan
(tilmaame) wax la heegay.
heegan: (tilmaame) diyaar ah; diyaar laga dhigay.
heegan -ka: (magac, lab, keli) col yar oo colka weyn ka dambeeya si uu wixii raadco daba socota uga hor tego. Dh: raadcoreeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heelad
(Heelad-ka)
Guriga ama ceelka, kd., meesha ay ku fadhiyaan dhulka yar oo ku wareegsan; fagaag; sabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. la-mid: heelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heelad
m. n. surrounding area, immediate environment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelad
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo dheeri ah. Dh: xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heelad
de: surrounding area, immediate environment
lx: heelad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: cedhib ~ cirib
key: heelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemad
-ka: (magac, lab, keli) sida haadka soo hoobad.
heemad -ka: (magac, lab, keli) «u~> u xagaldaacid; u hamrad; u heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegad
-ka: (magac, lab, keli) hawlqabsad qofku si gaar ah naftiisa wax ugu taro. Dh: shaqaysad.