dheefid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin. m.f.dh, dheefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefi
v. feed, nourish; benefit someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheefi
-yey / say: (v) supply with nourishment; nourish (noorish); feed with food ~ nafaqee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefi
de: feed, nourish; benefit s.o.
lx: dheefi
pd: (dheefiyey)
ps: v2a=tr
key: dheefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefin
(Dheefin-ta)
Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunno siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefin
m.f.dh eeg dheefi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehid
(Dheehid-da)
1. Wax bir ah, kd., dheeh u yeelid.
2. Ku darmid; ku barxamid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehid
m.f.dh eeg dheeh². la-mid: dheeh¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelid
m.f.dh eeg dheel³. la-mid: dheelis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Intifaacid
(Intifaacid-da)
Wax ka dheefid; wax ku qabsasho; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irkasho
(Irkasha-da)
Kol danbe wax ka dheefid ama u aayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarid
(Khasaarid-da)
(ganacsi) wax dheefid la'aan; khasaaro ku dhicid; wax beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaashid
(Macaashid-da)
Macaash ka helid; wax ka dheefid; faa'idid; ribxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intifaac
-a: (magac, lab, keli) wax ka dheefid. Dh: waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefsad
(Dheefsad-ka)
Dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsad
m.l la-mid: dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehmid
(Dheehmid-da)
Wax dheehan noqosho; barxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehmid
m.f.dh eeg dheehan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmid
m.f.dh eeg dheelan². la-mid: dheelan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelmid
-da: (magac, dhedig, keli) gellin danbe ilaa habeenkii socod. Dhego ina rag kay dhinac martaa, dheelmatiin galaba, dhaqan iyo aduun lama hadheen iyo dhogorta xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererid
(Dhererid-da)
1. Aad u sugid; raagsasho; daahsasho.
2. Taagnaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererid
m.f.dh eeg dherer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheyelid
(Dheyelid-da)
Dhayalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheyelid
m.dh la-mid: dhayalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheef
(Dheef-ta)
1. Cunnada nafleydu cunto inta waxtarka leh; nuxrur; dux; cunno.
2. Wanaag; faa'ido; jil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheef
dheef¹: m.dh 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iyo wixi lamida ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
dheef²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka dh.: wax faa'iido ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheef
dheef¹: m.dh 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iyo wixi lamida ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
dheef²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka dh.: wax faa'iido ka helid. m.f.dh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheef
f. n. food, nourishment; goodness; dividend, interest, benefit; income, profit; reward; vitamin
dheef v. benefit from, reap in, find something useful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheef
-ta: (n) 1. nutrition (nuutiri-shan); nourishment (noorishment); nutritious food ~ nafaqo 2. profit (profit)', benefit (ben efit); gain (geeyri) ~ macaash, faa'iido, ribix
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dheef
Proteine
Proteine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheef
-ta: (magac, dhedig, keli) qadar dulsaar ah oo laga bixiyo lacag bangi laga amaahday.
dheef -ta: (magac, dhedig, keli) macaashka laga helo wixii la tabcado. Dh: faa'iido, waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhebid
m.f.dh la-mid: dhaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dheel ku maaweelin. la-mid: dhayali, dheelsii (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeli
v. make someone play ~ dance; play with, entertain, amuse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeli
de: make s.o. play ~ dance; play with, entertain, amuse
lx: dheeli
pd: (dheeliyey)
ps: v2a=tr
key: dheeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeri
1. (Dheeri-da) Wax fog ama dheer ahaansho; dheeraansho.
2. (Dheeri-ga) Dheeraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeri
dheeri¹: m.l la-mid: dheeraad.
dheeri²: m.dh la-mid: dheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheeri
f. n., [abstract] length, tallness; distance; extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheeri
cf: dheeraan
de: length, tallness; distance; extra
lx: dheeri
pd: (-da)
ps: n2a-f-abs
key: dheeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegid
(Dhegid-da)
Meel ama wax qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegid
m.f.dh eeg dheg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax kale, ku nabmid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heecid
m.f.dh eeg heec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheef_1
bw: calaf, cunno, gasiin ~ gesiin, kadab, quud, risiq
de: food, nourishment; goodness; dividend, interest, benefit; income, profit; reward; [ext.] vitamin
hm: 1
lx: dheef
pd: (-ta Pl: dheefaf (ka))
ps: n1-f, n4-f
syn: nuxrur ~ nuxur, uraad
key: dheef_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheef_2
cf: faa'ido, waxtar
de: benefit from, reap in, find s.t. useful
hm: 2
lx: dheef
pd: (dheefay)
ps: v1=intr
key: dheef_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dheef siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefee
v. nourish, provide nourishment for; pay someone reward; give a tip to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefee
de: nourish, provide nourishment for; [ext.] pay s.o. reward; give a tip to
lx: dheefee
pd: (dheefeeyey)
ps: v2b=tr
key: dheefee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefsi
(Dheefsi-ga)
Dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsi
m.l la-mid: dheefsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefsi
vl. n. state of benefitting ~ being nourished
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefsi
a: dheefsad (ka) [vn2-m], dheefsasho (/da) [vn6-f]
de: state of benefitting ~ being nourished
lx: dheefsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: dheefsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dheef ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dheef ka dhigasho. m.f.dh, dheefsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefso
v. nourish oneself, get nourishment; benefit from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefso
(fal) quudo oo dheef ka dhigo. Dh: quudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefso
de: nourish oneself, get nourishment; benefit from
lx: dheefso
pd: (dheefsaday)
ps: v3a=
key: dheefso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheegad
(Dheegad-ka)
Dheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegad
m.l la-mid: dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegad
vl. n. copying, forgery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegad
a: dheegasho
de: copying, forgery
lx: dheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelin
(Dheelin-ta)
Dheelsiin; cayaarsiin.