dheefburburin
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefburburin
m.dh (baay.) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh. b.ta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheef-burburin
m.dh (baayoloji) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh. b.ta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaburburin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ku haysay darteed wax burburin. Dh: cadhabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraaris
m.l la-mid: dheeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neeftuurid
(Neeftuurid-da)
Si neeftuur ah u neefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neeftuurid
m.f.dh eeg neeftuur². la-mid: neefgurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neeftuurid
-da: (magac, dhedig, keli) hiinaagid oo si isdabajoog ah neefta kor iyo hoos u celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbururin
m.dh la-mid: xabbajin, xabbururis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbururin
-ta: (magac, dhedig, keli) calaamad lagu garto dhawaanshaha dhalmada dhedigga oo ah inuu xab weyn soo rido dhalmada ka hor. Dh: xabbururis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarfuran
-ka: (magac, lab, keli) cudur ka mid ah cudurrada haweenka ku dhaca oo dhiig badan oo xanuun weheliyaa ka yimaaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefmareen
m. n., [compound] digestive system
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheefmareen
-ka: (n) digestive system (dhaay-jestiv sistem); digestive tract; alimentary canal ~ dheef mareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefmareen
-ka: (magac, lab, keli) xubinta cuntada hunowday ka qaadda afka ee caloosha u sii tebisa. Dh: hunguri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefmareen
de: digestive system
lx: dheefmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: cunnammareen
key: dheefmareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexkubbari
m.l D. ah: qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday, ka badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraburburid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadh-burburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaburburis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaburburin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax burburay
Grit