dhaygagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaygagid
(Dhaygagid-da)
Meel (ama wax) dhugasho oo indhaha ka qaadi waayid, libiqsi la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaygagid
m.f.dh egg dhaygag². la-mid: dhaygag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagid
-da: (magac, dhedig, keli) yaabid oo fajac iyo anfariir qaadid. Dh: fajicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagi
(fal) cid kale, ka yaabi oo fajac iyo anfariir ku rid. Dh: fajici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhaygagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majeero
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax si aad ah u jeclaansho; jammasho. 2. Wax ku dhaygagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majeero
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax si aad ah u jeclaansho; jammasho. 2. Wax ku dhaygagid. m.f.dh, majeerasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
glare
/gleer/ (v) 1. ku-dhaygagid, siiba indhaha lugu gubo (v) 2. shucaac bixin, iftiin aad u-daran bixin (n) 3. dhaygag indho gubis ah ama xanaaq leh (n) 4. shucaac, ilayska xoogga badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goggle
/gagel/ (v) ku-dhaygagid, indho ku figiijin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ogle
/owgal/ (v) ku dhaygagid (siiba si shahwad ah u eegid). e.g. The man ogled her lasciviously.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
peer
/piir/ (n) 1. asaagaa (facaa) (isku da' ah, isku heer ah, isku darajo ah) (v) 2. ku dhaygagid (si aad ah u fiirin) (n) 3. qof ka dhashay dad sare (shariif).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
riveted
/rivatidh/ (v) 1. qodbid (musbaar ku dhuujin) 2. ku dhaygagid (si xoog leh u fiirin, xiiso dartiis).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stare
/steer/ (v) 1. ku dhaygagid (n) 2. dhaygag (libiqsi la'aan ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
faire
faire, v. - qabo ama fal wax yeel samayn; suubin; la sameeyo
faire savoir quelquechose partout - warfaafinta.
faire chorus - isku raacid (arin)
faire parvenir - dir; dirid; dirto; u dirid; loo diro.
faire sauter - qarxid sanqadh weyn leh.
faire concurrence, - tartamis; beratan.
faire cuire - kariye; la kariyo.
faire naitre une idée - qasdiyid; niyeyn; arrin soo jeedin ama soo bandhigid.
faire de l'œil - ku dhaygagid (eegid).
faire remarquer - u fiirsasho; loo fiirsado.
faire du mot à mot - tarjumid; geexid,
faire détonner - qarxid sanqadh weyn leh.
faire paraitre - ogeysiin dadweynaha; daabicid (buug, wargeys, iwm),
faire venir - u yeedhis: wacid; isku yeerid.
faire l'énergumène - is tustus; iska yeelyeel
faire suivre le courrier - raad raacid cinwaankii hore
faire l'éloge de quelqu'un - amaanid; amaanis: la amaano,
faire lever le gibier - soo qixiya ugaadha (si loo ugaadhsado)
faire route - dhoofid; saafid
faire tourner - ku warwareejin; ku meerid.
faire le point - ku celin; dulmarid; mar labaad
faire pousser - la beeray; la koriyey.
faire de l'escrime - seeftan (dagaalka seefta)
faire une piqûre - irbadayn; durid
faire un mauvais emploi de quelque chose - si xun u isticmaalid.
faire la guerre - dagaal samayn; dagaalamid
faire attention - tix-gelin; ka digtoonaan; ka taxadarid
faire un signe de la tête - madax ruxid; marka haa ula jeedid ee madax hoos loo dhigo.
faire le tour de quelque chose - soo koobid; soo dulmarid; fasir ka bixin gaaban
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
guigner
guigner, v. - ku dhaygagid (eegid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
regarder
regarder, v. - eegid; eegmo; dhugasho: eeg; fiiri; indho ku hayn; ilaalin; aragti; tixgelin
regarder fixement - ku dhaygagid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
reluquer
reluquer, v. - ku dhaygagid (eegid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaagid
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąagid
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. la-mid: dhąadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaygag
(Dhaygag-ga)
Eegid, meel ama wax, indhaha lagu qabto oo laga qaadi waayo, iyadoo aan la libiqsana hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaygag
dhaygag¹: m.l 1. Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn. 2. la-mid: dhaygagid.
dhaygag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: yaab awgiis wax iyadoo aan la libiqsanayn eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaygag
dhaygag¹: m.l Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn.
dhaygag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: yaab awgiis wax iyadoo aan la libiqsanayn eegid. m.f.dh, dhaygagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaygag
m. n. stare, gaze
dhaygag v. stare at, gaze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaygag
-ay I tay: (v) [with preposition ku] gaze (geeyz); gape (geeyp); stare (isteer); glare (galeer) ~ ku dhaygag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygag
(fal) yaab iyo amakaag, ha ku qabto. dhaygag -ga: (magac, lab, keli) yaab iyo amakaag qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagagid
(Hagagid-da)
Hadal hadal ka hor keenid, ku gudbid; murmid; asaraarid, ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagagid
m.f.dh eeg hagag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagagid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la is maqlayn mormid. Dh: mormid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalid
m.f.dh eeg dhayal². la-mid: dhayalis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargagid
m.dh la-mid: xargagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaygag_1
de: stare, gaze
hm: 1
lx: dhaygag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhaygag_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaygag_2
de: stare at, gaze
hm: 2
lx: dhaygag
pd: (dhaygagay)
ps: v1=
key: dhaygag_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaydhayid
-da: (magac, dhedig, keli) dawayn oo nabar wixii uu ku bogsan lahaa u samayn. Dh: dhayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagsan
(tilmaame) yaabban oo fajac iyo anfariir qaadsan. Dh: fajacsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daagid
-da: xoolo, tigaadda, dhirta iyo geedo cunid. Dh: daaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayid
(Dhayid-da)
Dhaymo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayid
m.f.dh eeg dhay4. la-mid: dhaymo (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhayid
-da: (n) the act of using ointment on something or someone; anointing (a-nooyn-ting); lubricating (luub-rikeey-ting) ~ dhaymo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhayid
-da: (magac, dhedig, keli) marka nabar boog ah la daweynayo. Dhayidda wanaagsani horay u dawaysaa halka bugta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haagid
(Haagid-da)
Dhab u cunid; ka dhergid; ka xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haagid
m.f.dh eeg haag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid; si dhab ah u cunitaan. Caalooli sahay ma leh oo ka haagiddu waxba kuu tari mayso. Dh: dhergid, qaraarid, haagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagid
m.dh la-mid: irkigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacid
m.f.dh eeg dayac². la-mid: daayacid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayacid
—dayacan -dayacnaa / dayacnayd: (adj) neglected (nig-lektidh); uncared for; unprotected (an-paro-tektidh); left alone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax in la daryeelo ahayd baylihin. Dh: balihin, halladaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawid
m.f.dh eeg dhaaw². la-mid: dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawid
-da: (magac, dhedig, keli) in xun u yu'asho: xumaan u rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagrid
(Dhagrid-da)
Dad, kd. dhagar ku samayn; khatalid; sirid; mardabayn; dagid; hodid; khayaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagrid
m.f.dh eeg dhagar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagrid
vl. n. treason, betrayal, deception
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagrid
-da: (n) the act of deceiving ~ khayaamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, shirqool u samayn oo xeelad iyo khiyaano ku waxyeellayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagrid
de: treason, betrayal, deception rw: dhagar
lx: dhagrid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhagrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dheeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylid
(Dhaylid-da)
Qof dhallinyaro ah, hawl ama wax kale ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylid
m.f.dh eeg dhayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhantaalid. Faataxo dhamaantiin umara inan Illaah dhaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beygagid
m.dh la-mid: baydadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacgabid
(Dacgabid-da)
Itaalgabid; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacgabid
m.f.dh eeg dacgab². la-mid: dacgab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacgabid
vl. n., [compound] inattention, carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabid
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda oo yaraata ilaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabid, axgabid, hawlgabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacgabid
de: inattention, carelessness
lx: dacgabid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: dacgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawgalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid la maagan yahay jidka u gelid. Dh: cimilgalid, kuurgalid.
dawgalid -da: (magac, dhedig, keli) sababidda waxyeello soo gaarta cid kale. Dawgaliddu cid ay noqotaba arrinku waa dhacay haatan. Dh: sababid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayid
-da: (magac, dhedig, keli) raadin ama doondoonid. Daydayid baan ugu jiraa dibigii iga hallaabay. Dh: raacdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhababid
(Dhababid-da)
Niibid; malaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhababid
m.f.dh eeg dhabab². la-mid: dhabab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababid
-da: (magac, dhedig, keli) afka aad uga oodid oo dalool iyo furba u diidid. Dh: jufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagagac
-da: (magac, dhedig, keli) orod jagac ah. oo mar keliya cagta wax laga dayo. Dh: jagagac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalid
m.dh la-mid: dhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalin
m.dh la-mid: dheelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalis
dhayalis¹: m.l la-mid: dheelin.
dhayalis²: m.dh la-mid: dhayalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faygarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qorid oo ku celcelin. Dh: farbarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagid
(Hagaagid-da)
1. Qallooc la'aan u socosho; si toosan u dhaqaaqid.
2. Sidii la rabey noqosho; wanaagsanaansho.