dharxiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Habka dharka u lebbisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Habka dharka u lebbisasho. m.dh, dharxirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharxiro
v., [compound] put on clothes, wear clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharxiro
(fal) labbiso oo dhar gasho. Dh: dharxidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharxiro
de: put on clothes, wear clothing
lx: dharxiro
pd: (dharxirtay)
ps: v3b=cmp
key: dharxiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Guntiino iyo wixi lamida dacalladeeda sare ee degta ku beegan isku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaaro
magac loo baxsho gabadh milay dharaar ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharxirasho
m.dh eeg dharxiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharxirasho
-da: (magac, dhedig, keli) labbisasho oo dhar huwasho. Dadku way kala dharxirasho qurux badan yihiin. Dh: labisasho, dharxidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof isqaawin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhardhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof isqaawin. m.f.dh, dhardhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhardhigo
(fal) is qaawi oo dharka iska siib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darro
(Darra-da)
Jaad dhoobada kamid ah oo timaha, nadaafo darteed, loo marsado oo inta lagu engejiyo laga mayro oo uskaga oo dhan ka saarta; xaraar; malaas; balaso; deeb; (ama tarro).
-darro: Tiraab ereyada qaarkood gadaal kaga dhega, ulajeeddadiisuna tahay: la'aan, yari, xumo...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darro
m.dh Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. la-mid: tarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darro
f. n., (mass n.): red clay (used for cleansing the hair)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darro
-da: (magac, dhedig, keli) ciid gebiyadu yeeshaan oo inta la qooyo timaha la mariyo si ay nidiif u noqdaan injirtuna uga dhimato. Dh: malaas, xaraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharo
-da: (magac, dhedig, keli) walxo dab nool ah oo ka soo finiina dab shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Soon niyaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afxiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Soon niyaysasho. m.f.dh, afxirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariir
f.g1 (-ray, -rtay) Laf hilib ka dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariir
-ka: (magac, lab, keli) qof indhala'. Dh: indhooole, ansaleelle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabro
m.dh Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabro
-da: (magac, dhedig, keli) soo godasho dhabarku soo goto oo tuur la yeesho. Guuleed dhabro ayuu yeeshay. Dh: godasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhagaxyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagxi
v. stone, throw stones (at)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagxi
-yey / say: (v) stone (stoon); hurl or throw stones at ~ dhagaxyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagxi
(fal) eeg dhagaxyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagxi
a: dhagaxyee
de: stone, throw stones (at)
lx: dhagxi
pd: (dhagxiyey)
ps: v2a=tr
key: dhagxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho. m.f.dh, dhararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharar
v. wait anxiously ~ impatiently for
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharar
de: wait anxiously ~ impatiently for
lx: dharar
pd: (dhararay)
ps: v1=tr
key: dharar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. la-mid: dharki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbi
v. soak, dampen (the ground)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbi
(fal) laxood ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wixii la mid ah, ku qoo oo ka dhergi. Dh: goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbi
de: soak, dampen (the ground) rw: dharab
lx: dharbi
pd: (dharbiyey)
ps: v2a=
key: dharbi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARBO
Crotalaria pycnostachya 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARBO
(Darbo) N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae. Celastraceae.
N, C Eriochloa fatmensis (Hochst. & Steud.)W.D. Clayton. Gramineae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARGO
Indigofera tinctoria [?] 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARGO
(Dargo) S Clitoria ternatea L. Papilionaceae.
C Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
N Crotalaria saltiana Andr. Papilionaceae.
S Crotalaria laburnifolia L. Papilionaceae.
C,S Crotalaria comanestiana Volk. Papilionaceae.
N Crotalaria emarginella Vatke Papilionaceae.
N Crotalaria albicaulis Franch. Papilionaceae.
S, May Indigofera schimperi Jaub. & &Spach. Papilionaceae.
N Indigofera arabica Jaub. & Spach. Papilionaceae.
N Indigofera arrecta A. Rich. Papilionaceae.
N Indigofera articulata Gouan. Papilionaceae.
S Indigofera tinctoria L. Papilionaceae.
C Indigofera coerulea Roxb. Papilionaceae.
C Gloriosa minor Rendle. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharid
(Dharid-da)
1. Godad ama aroorro ama haryuub yeelasho, sida kolka miraba qaarkood inta bislaad dhaafaan engeg soo galo oo kankoonsanaantii iyo dibbirkii ka ba'aan oo isku soo ururaan.
2. Haryuub iyo duudduub yeelashada oogada dadka kolkay gabowdo oo jilicdo; qaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharid
m.f.dh eeg dhar². la-mid: dhadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharjo
(Dharja-da)
Geed-cagaar yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharjo
m.dh Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharjo
m.dh Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharjo
f. n., [collective] small tree species, with milky sap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharjo
-da: (magac, dhedig, keli) geed nagaadh ka baxa bannaannada oo la bah ah jaleelada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharjo
de: small tree sp., with milky sap
lx: dharjo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dharjo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqi
f.g2 (-iyay, -isay) Candho dharaq ka maalid ama nuugid. la-mid: dharbi (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqi
(fal) caano yar candhada ugu reeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARQO
Gloriosa minor 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqo
(fal) carrabka meel dul marmari oo wax ku naban kaga gooso ama dub ku xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaxid
-da: (magac, dhedig, keli) marka nooluhu uu baradiisa meel aan ahayn seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxlo
f.g3 (-laday, -latay) Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxlo
v. inherit (livestock), get one's share of (wealth)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxlo
de: inherit (livestock), get one's share of (wealth) rw: dhaxal
lx: dhaxlo
pd: (dhaxladay)
ps: v3a=
key: dhaxlo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxso
f.g3 (-saday, -satay) Gabadh la bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxso
v. marry, get married, take a wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxso
bw: guurso
de: marry, get married, take a wife
lx: dhaxso
nt: dhaxsad [vn2-m], dhaxsasho [vn6-f]
pd: (dhaxsaday)
ps: v3a=tr
key: dhaxso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexir
m. n., [compound] girdle, belt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexir
de: girdle, belt Alt sp: dhex-xir ~ dhexxir
lx: dhexir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhexir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirir
m.l Mugga sacab fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhixir
m.l Dabci; camal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diàrio
s.m. - buug xusuus qor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxir
m.l la-mid: garraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariir
-ka: (magac, lab, keli) eeg harriiq.
hariir-ta: (magacwadareed) diillimaha iyo jeexyada ku yaalla ama lagu dhigo meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harimo
(Harima-da)
Cunnada weyn oo maalinta kalabbarkeeda la cuno; qado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harimo
f. n. lunch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta bartankeeda la cunno. Dh: qado, hadhimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harimo
de: lunch
lx: harimo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: qado
key: harimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiro
-da: (magac, dhedig, keli) wax is ku nooc ama hal jinsi ah, wax ka duwan oo ku soo biira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'iro
(Daa'ira-da)
Ayaanka wareega haya; nabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'iro
m.dh Ayaan cidiba mar hesho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'iro
-daa'irada: (n) 1. circle (seerkel) ~ goobo 2. the boundary line of a circle; circumference (sir kam farensi) ~ wareeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'iro
-da: (magac, dhedig, keli) ayaanka wareegaya. Daa'iro ayaa heshay ninkii, ubadkii daadshay. Dh: nabsi.
daa'iro -da: (magac, dhedig, keli) goobaabo wareegsan. Muuqaalka guud ee beertaydu waa daa'iro. Dh: wareeg, goobo, goobaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiro
dąahiro: m.dh Nicmo iyo khayr aad u badan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaro
-da: (magac, dhedig, keli) xeedho cunto ah oo casuumad iyo duco ahaan loo kariyo oo subag iyo caano wixii la helaba lagu daro. Dh: taraaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dariiqo
(Dariiqa-da)
Wadajir iyo urur wadaaddood, oo si gaar ah u maamulan oo digri iyo ducooyin gaar ah leh oo ku dhaqma hab duwan oo shiikh u jideeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dariiqo
m.dh (-ooyin, m.l) Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dariiqo
Procedure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dariiqo
f. n. sect, religious group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dariiqo
-dariiqada: (n) sect (sekt); religious sect; sectarianism (sek-teeri-yaa-niizim) ~ millad, dad firqo diineed leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqo
-da: (magac, dhedig, keli) raadraac mabda' diineed oo ay ku xidhiidhiyaan ciddii ugu horreysay ee keentay iyagana bartay oo la soo kala gaadhayey awow ka awow. Dariiqada Qaadiriyada ayaannu haysannaa.
dariiqo-da: (magac, dhedig, keli) habka wax loo tijaabiyo ama loo derso. Dh: manhajiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dariiqo
bw: Arabic
de: sect, religious group (e.g., orthodox Muslim, Sufi Derwish orders)
lx: dariiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dariiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuro
daruuro¹: m.dh Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo.
daruuro²: f.g3 (-ray, -rtay) Kabo, maro iyo wixi lamida liid qurxan ku tolasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruuro
m.dh Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daruuro
name-f cloud, mist