dharsingudhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsingudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef sida uu kolkuu godladaba u dharsayo ku gudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirindhir
(Dhirindhir-ka)
Geed dhirta caanaha leh kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirindhir
m.l (botani) Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirindhir
m. n. tree species, that produces latex
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHIRINDHIR
[DERINDIR, DERINDER] Commiphora tubuk 10, C. sp.aff. Gillett et al 2260? 10, Euphorbia cuneata 37, E. matabelensis 30
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIRINDHIR
(Dirindir) All. Som. Euphorbia cuneata Vahl. Euphorbiaceae.
C Euphorbia sp. aff. E. matabelensis Pax. Euphorbiaceae.
N Euphorbia sp. aff. E. monacantha Pax. Euphorbiaceae.
C Commiphora gracilispina Gillet. Burseraceae.
C Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora tubuk Sprague. Burseraceae.
N Fagonia bruguieri DC. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirindhir
-ka:: (n) name of a plant ~ magac geed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirindhir
-ka: (magac, lab, keli) geed xooluhu cunaan oo caanihiisu canjo noqdaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirindhir
de: tree sp., that produces latex
lx: dhirindhir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhirindhir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurin
m.f.dh eeg dhaqanguuri. la-mid: dhaqanguuris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid beddelid oo dhaqankii iyo hiddihii asalka u ahaa ka rarid; dhaqan kale qaadsiin. Dh: dhaqangeddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangadhax
-a: (magac, lab, keli) eeg dhabxanag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhankuulin
m.dh (-nno, m.l) Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiigid
m.dh la-mid: dhasiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiigid
-da: (magac, dhedig, keli) dhega adaygid; cagajiid oo qof kolka wax loo diro tiica ahaan. Dhansiigiddu qayrkaa bay kaa reebtaa. Dh: cagajiidid, dhasiigid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamsudiin
name-m the sun of the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelin
m.f.dh eeg dhaqangeli. la-mid: dhaqangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hirgalin wax intii hore talo ama xeer dhigan ahaa. Dh: hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Bulsho, dhaqanguur ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqanguuri
v. make someone lose one's culture ~ tradition, cause to change culturally
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguuri
(fal) dhaqandoori oo caadooyinkii dadkiisa ka rar. Dhallinta qurbaha tegeysa dhaqanguuri. Li: dhaqanceli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqanguuri
de: make s.o. lose one's culture ~ tradition, cause to change culturally (in pejorative sense)
lx: dhaqanguuri
pd: (dhaqanguuriyey)
ps: v2a=tr
key: dhaqanguuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirindhiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirindhiri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid. m.f.dh, dhirindhirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirindhiri
v. carefully remove a thorn ~ other object from the body
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirindhiri
-yey / say: (v) move something slowly and carefully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirindhiri
(fal) wax meel adag galay, aayar uga soo saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirindhiri
de: carefully remove a thorn ~ other object from the body
lx: dhirindhiri
pd: (dhirindhiriyey)
ps: v2a=
key: dhirindhiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirgudban
-ka: (magac, lab, keli) labo xiddigood oo gudban, kuwa kalina ku hoos daadsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalangaddis
-ka: (magac, lab, keli) wixii ka taga sidii lagu yagaannay oo waji cusub yeesha. Dhaqankeenii dhalangaddis ayaa ku dhacay. Dh: isbaddal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqanguurid
(Dhaqanguurid-da)
Dhaqanguur ku dhacay; dhaqanwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurid
m.f.dh eeg dhaqanguur². la-mid: dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo caadooyinkii iyo dhaqankii dadka aad ku abtirsato ka tegid; dhaqan kale qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguuris
dhaqanguuris¹: m.l la-mid: dhaqanguurin.
dhaqanguuris²: m.dh la-mid: dhaqanguurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhaqanguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirindhirin
(Dhirindhirin-ta)
1. Qodax ama waxyaalo kale, si aayar ah oo farsamo badan, oogada uga soo bixin.
2. (ku soo dhirindhirin) si miyir iyo farsamo badan qof wax uga soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirindhirin
m.f.dh eeg dhirindhiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirindhirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel adag galay, aayar uga soo saarid. Dh: dharaandhirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsan'udhac
-a: (magac, lab, keli) xidhiidhinta wadajirka laxanka muusigga ee dhaliya jabaq iyo cod hallaasi ah oo la dhegaysan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosiskudhig
-ga: (magac, lab, keli) si aan islaweyni iyo qab ku jirin oo tawaaduc ah u dhaqmid. Dh: isyarayn.
hoosiskudhig-ga: (magac, lab, keli) badhba-badh xaqirid oo qofba qof ka ka hooseeya yasid. Dh: isyasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sansanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadh badan u yeelid; waxlax ka shashangadhin. Sansanqadhinta shuguxda adhiga ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaandhirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku mudan kolba dhan u dhaqaajin si uu u soo baxo oo aayar u siibid. Qodaxda dharaandhirin ayaa lagu saaraa. Dh: dhiraandhirrin.