dharsid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharsid
(Dharsid-da)
1. Camashood; xanaaqid; dhirfid; carasho; dhiidhiyid.
2. (oogada dadka) jilcid, debcid gabow daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsid
m.f.dh eeg dharas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharsid
f. n. rage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaqid oo weyrixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharsid
de: rage
lx: dharsid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dharsid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darsid
-da: (n) study (istadhi); investigation (investageyshen); inspection (inispekshen); research ~ baarid, baaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharid
(Dharid-da)
1. Godad ama aroorro ama haryuub yeelasho, sida kolka miraba qaarkood inta bislaad dhaafaan engeg soo galo oo kankoonsanaantii iyo dibbirkii ka ba'aan oo isku soo ururaan.
2. Haryuub iyo duudduub yeelashada oogada dadka kolkay gabowdo oo jilicdo; qaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharid
m.f.dh eeg dhar². la-mid: dhadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasid
(Dhasid-da)
Ugaxda koronkorrada noqon doonta, aasidda ayaxu dhulka ku aaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasid
m.f.dh eeg dhas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasid
-da: (magac, dhedig, keli) ugxan aasid. Ayaxa ayaa dhasid sameeya.
dhasid -da: (magac, dhedig, keli) marka dhulka roob badani isaga dabatago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirfid
(Dhirfid-da)
Dhirif qabasho; dhiidhiyid; xanaaqid; dharsid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoodid
(Gadoodid-da)
Wax gardarro ah oo afka la iska yiri ama addinka layska yeelay ka xumaanshaheed muujin, dhirfid; dharsid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaadid
(Gedaadid-da)
Carasho; dhirfid; dharsid; wax diidid; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyrasho
(Geyrasha-da)
Carasho; guhaadood; gedoodid; dharsid; dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaryid
(Dhaaryid-da)
Naas caanihii laga laystay, oo aan waxba ka soo dhacayn, iska sii nuugid; nuugid dheer oo dhib leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaryid
m.f.dh eeg dhaari². la-mid: dhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaryid
-da: (magac, dhedig, keli) naas nuugid; naas jiqid. Raaqiya labo sano ayay dhaaryid ku gaadhay. Dh: jaqid, dhaadhyid, jaqid, nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrsad
(Dhawrsad-ka)
Dhawrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsad
m.l la-mid: dhawrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrsad
vl. n. self-protection
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrsad
a: dhawrsasho (/da) [vn6-f]
de: self-protection
lx: dhawrsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhawrsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darid
(Darid-da)
1. Weel biyo ama wax kale, wax kaga qaadid.
2. (ku darid) Ku kordhin; ku biirin.
3. (ka darid) Soo (ama sii) xumaansho; sidii hore si ka xun samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darid
m.f.dh eeg dar³. la-mid: daris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darid
vl. n. adding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira biyo oo wax godan la dhexgeliyo oo qayb ka mid ah lagu soo qaado.
darid-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xanuun sidii hore ka sii xumaansho. Bukaanku ka darid mooyee ka soo rayn maleh. Jumlum ular oo bile.
darid -da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) labo tiro isku biirin ama isu geyn. Dh: wadarayn.
darid-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax hore, wax kale ku kordhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darid
de: adding
lx: darid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: darid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsi
(Darsi-ga)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsi
m.l la-mid: darsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsi
vl. n. act of scooping up
darsi m. n. lesson, study, lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darsi
-ga: (n) lesson (lesan); class (kalaas); chapter (jap-ter) ~ cashar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsi
-ga: (magac, lab, keli) marka wax meel ku jira aad weel godan in kaga qaaddid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harid
(Harid-da)
1. Wixii lala socdey ama laga mid ahaa ka soo go'id, raacid la'aan.
2. Waxaan weli iman ama aan wax laga qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harid
m.f.dh eeg har². la-mid: haris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhitaanka wax kale oo badan laga soo hadho. Dh: haris.
harid -da: (magac, dhedig, keli) meel, wasakhda iyo qashinka ka nadiinin. Dh: xaadhid, fiiqid, haris, xaaqid,haaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsi
(Harsi-ga)
Harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsi
m.l la-mid: harsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsi
-ga: (magac, lab, keli) harsasho; hadhsi; har gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hasid
(Hasid-da)
Cabsi gelin; bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hasid
m.f.dh eeg has².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hasid
vl. n. threatening, frightening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hasid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi gelin. Hasidda ka daa inanku wax ha dhigtee. Dh: bajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hasid
de: threatening, frightening
lx: hasid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daarid
(Daarid-da)
1. Dab birin, ifin, shidid, hurin.
2. Taabasho; maagid, daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarid
m.f.dh eeg daar². la-mid: daaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daarid
vl. n. ignition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal iyo wixii la mid ah, shidid. Daaridda dabka ka hor xaabo noo keen. Dh: hurin, noolayn, daaris.
daarid -da: (magac, dhedig, keli) caano la lulayo oo aanan weli subaggii ka bixin, in yar ka shubid oo hubin inay baxeen. Dh: bilqin.
daarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin. Ha i daarin, kuma daaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daarid
de: ignition
lx: daarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: daarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacsid
-da: (magac, dhedig, keli) baloon, almas noqosho oo meeshii loogu tala galay gali waayid. Baloonka shaagga dacsidda ka ilaali.
dacsid-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la kulmid oo daal iyo dactarro ku jirid. Baabuur la'aan ayaa dacsidda na badday. Dh: rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbid
(Darbid-da)
1. Diyaar ka dhigid; diyaarin.
2. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbid
m.f.dh eeg darab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbid
-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo wixii la mid ah si toos ah u ganid. Dh: ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsad
(Darsad-ka)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsad
m.l la-mid: tarsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsad
vl. n. act of scooping up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsad
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal, malqaacad, qude iyo wixii la mid ah, wax meel ku jira, in kaga qaadasho. Dh: qaadasho.
darsad -ka: (magac, lab, keli) wax horay loo haystay oo muddo laga maqnaa u baahasho oo heliddiisa u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsad
de: act of scooping up
lx: darsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: darsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsin
m.l (-nno, m.dh) Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. la-mid: darsan¹, dersin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darsin
m.l (-nno, m.dh) Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. la-mid: darsan, dersin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darsin
-ka: (n) dozen (dhasen); set of 12 ~ xirmo laba-iyo toban ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsin
-ka: (magac, lab, keli) xidhmo labo iyo toban ka kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dersid
(Dersid-da)
1. Degmada isu dhowaansho; is xigid; deris noqosho.
2. Barasho; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersid
m.f.dh eeg deris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersid
vl. n. studying, learning; lecture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xog badan la raadinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersid
de: studying, learning; lecture
lx: dersid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dersid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabsi
-ga: (magac, lab, keli) si maalindhaaf ah biyo u cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo hoobasho oo dhulka ku soo dhicid.
dhacid-da: (magac, dhedig, keli) suuxid oo iskala garanwaayid. Dh: dhicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsi
(Dhacsi-ga)
Dhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsi
m.l la-mid: dhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsi
vl. n. repossession of stolen goods, retaking from a robber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsi
a: dhacsad (ka) [vn-m], dhacsasho (/da) [vn-f]
de: repossession of stolen goods, retaking from a robber
lx: dhacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: dhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadid
m.dh eeg dhad. la-mid: dharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalid
(Dhalid-da)
1. Ummulid.
2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.
3. Soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalid
m.f.dh eeg dhal². la-mid: dhalis², dhalmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhalitaanka nooluhu ilmo dhalo. Dh: umulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamid
(Dhamid-da)
Cabbidda caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamid
m.f.dh eeg dhan². la-mid: dhamis, dhamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, afka ku shubasho oo ligid. Caano dhamid mooyee calalis ma laha. Li: calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqid
(Dhaqid-da)
1. Si wanaagsan u maamulid, u dhaqaalayn.
2. Mayrid; qasaalid; xalid.
3. (tartan) orod badin, dheerayn; (ama dhiqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqid
m.f.dh eeg dhaq. la-mid: dhiqid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaqid
Lavatura
Washing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskagga iyo foolxumada ka bi'in. Dh: mayrid, xalid.
dhaqid -da: (magac, dhedig, keli) reerka oo la maamusho oo laga adkaado masruufkooda.
dhaqid-da: (magac, dhedig, keli) daranyada ka dhabid oo xanaanayn; si wanaagsan u maamulid u dhaqaalayn. Dh: tarmin.
dhaqid-da: (magac, dhedig, keli) tartan orod ku dheerayn oo orodbadanaan. Dh: dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqsi
m.dh la-mid: dhaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqsi
-ga: (magac, lab, keli) degdeg iyo hore wax u qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. la-mid: dharki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbi
v. soak, dampen (the ground)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbi
(fal) laxood ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wixii la mid ah, ku qoo oo ka dhergi. Dh: goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbi
de: soak, dampen (the ground) rw: dharab
lx: dharbi
pd: (dharbiyey)
ps: v2a=
key: dharbi