dhareeriyow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAREERIYOW
(Darerio) S Corchorus olitorius L. Tiliaceae.
S Corchorus trilocularis L. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareeryo
-da: (magac, dhedig, keli) urta kaadida orgiyada qoodha ah ka soo kankanta. Shareeryo orgi baa uraysa. Dh: shadeedyo, shunuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labageeriyow
v. die twice (as a result of torture, dishonor, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labageeriyow
de: die twice (as a result of torture, dishonor, etc.)
lx: labageeriyow
pd: (labageeriyooday)
ps: v3a=intr
key: labageeriyow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dameerow
(Dameerow-ga)
Xanuun afka ku dhaca; qun; majin; xoqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameerow
m.l Cudurrada carrabka ku dhaca mid ka mid ah. la-mid: dameero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dameerow
m.l Cudurrada carrabka ku dhaca mid ka mid ah. la-mid: dameero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dameerow
m. n. swelling of the thyroid glands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca. Dh: dameero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dameerow
cf: majin, xoqad
de: swelling of the thyroid glands
lx: dameerow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dameerow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerin
(Dareerin-ta)
1. (xoolo, biyo, kd.) meel ka kaxayn oo meel kale u dhaqaajin.
2. (hilib) daliigo dheerdheer ka dhigid.
3. (hadal, akhris) tixid; matin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin
dareerin¹: m.f.dh eeg dareeri. la-mid: dareeris¹, dureerin.
dareerin²: m.dh (xisaab) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerin
m.dh (xisaab) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin
Series
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxaynta xoolaha laga saaro xerada oo la soofgeeyo. Dh: soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeris
dareeris¹: m.dh la-mid: dareerin¹.
dareeris²: m.dh (daawo) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeris
m.dh (daaw.) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerso
f.g3 (-saday, -satay) Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. la-mid: dureerso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareerso
v. lead ~ take (animals) along
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerso
(fal) xoolo xero ku jira oodda ka sii dayso oo kaxayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareerso
de: lead ~ take (animals) along (for one's own purposes)
lx: dareerso
pd: (dareersaday)
ps: v3a=tr
key: dareerso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerto
(Dareerta-da)
Bushinta kore dusheeda shaaribku ka baxo, kobta sheexada ah oo kalabbarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareerto
f. n. area between the nose and upper lip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerto
-da: (magac, dhedig, keli) wixii xoolo soofi kara ee daaqtegi kara. Dh: xoolo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareerto
de: area between the nose and upper lip
lx: dareerto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dareerto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeray
(fal) dhinacyada ka gal oo xeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareero
(Shareera-da)
Qalabka muusikada mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareero
shareero¹: m.dh (-ooyin, ml.) (muus.) Qalab muusikada lagu tumo oo xargo yaryar oo silig ah leh oo sida kitaaradda looga dhawaajiyo.
shareero²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax qarsasho. 2. Weji dhar ku daboolasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shareero
m.dh (-ooyin, ml.) (muus.) Qalab muusikada lagu tumo oo xargo yaryar oo silig ah leh oo sida kitaaradda looga dhawaajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shareero
f. n. lyre (musical instrument)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shareero
-shareerada: (n) stringed musical instrument; lyre (layr) ~ qalab muustiko, shereero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareero
(fal) is aqri, jirkaaga duub, is dad. Dh: xijaabo.
shareero -da: (magac, dhedig, keli) qalabka muusikada mid ka mid ah. Heesahan waxa loo iticmaalay shareero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shareero
de: lyre (musical instrument)
initial: s
lx: shareero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shareero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabeelow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhabeel noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeelow
(fal) naag gaari ah oo martabo iyo maamuus leh noqo. Dh: marwow.
dhabeelow-ga: (magac, lab, keli) eeg dhabeeloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerre
-ha: (magac, lab, keli) naanays uu waraabuhu leeyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharreeyo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo dhooqo ku milantay ama gudhay oo ribad noqday. Allahayow. dharreeyada intaad iga dharruuraysay, maxaad dhagaxda Ceeleeye Xoosh iiga dhalin weyday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHASEENYO
(Daseino) N, C Commiphora gileadensis (L)C.Cr. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareerayn
(Hareerayn-ta)
Hareeraha ka marid; xerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareerayn
m.f.dh eeg hareeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac walba ka marid: hareeraha ka marid. Tuugga hareerayn baa lagu qabtaa. Dh: xerayn, hareerays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareerays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hareerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareerid
(Shareerid-da)
Wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareerid
m.f.dh eeg shareer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhareerrey
(Dhareerrey-da)
Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lowga iyo canqawga middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerrey
m.dh Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhareerrey
m.dh Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhareerrey
m. n. water on the joint (e.g., knee ~ ankle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerrey
-da: (magacwadareed) meelaha kala goysyada ah ee xubnuhu ka laalaabmaan sida. jilbaha, riciraha xusullada iyo wixii lamid ah. Dh: laalaabato, xubin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhareerrey
de: water on the joint (e.g., knee ~ ankle)
lx: dhareerrey
pd: (/da)
ps: n2-m, n7-m
key: dhareerrey
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAREERSHE
(Darershe) S Grewia panonisepala Chiov. Tiliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareerato
-da: (magac, dhedig, keli) naagta xidhata shareerka ama shaadirka. Dh: humbulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labageeriyoo
(fal) si silic ah u dhimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax shareeran ahaan; qarin; isku gudbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareerid
(Bareerid-da)
Qarsoodi la'aan wax u falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareerid
m.f.dh eeg bareer². la-mid: bareer¹, bareero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareerid
-da: (magac, dhedig, keli) gabbashala'aan iyo qarsoodi wax u falid, u dhihid. Dh: badheedhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyow
-ga: (magac, lab, keli) eeg daranyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareemid
(Dareemid-da)
Maanka ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareemid
m.f.dh eeg dareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareemid
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo aan la arkayn in wax jiraan maanka ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareenso
f.g3 (-saday, -satay) Cid, wax sharaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareenso
v. suspect, feel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareenso
(fal) wax dareen ha kaa galo. Dh: dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareenso
cf: genso
de: suspect, feel
lx: dareenso
pd: (dareensaday)
ps: v3a=
key: dareenso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareer_1
de: leak, gush out, flow
hm: 1
lx: dareer
pd: (dareeray)
ps: v1=intr
key: dareer_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareer_2
de: scattering, outpouring, circulation, flow; procession
hm: 2
lx: dareer
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dareer_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeelo
-ha: (magac, lab, keli) meelaha naagaha xuni joogaan. Naa dhillaad tahayoo dhiqlaa ku galee dhabeelaha may ku geeyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagarow
(fal) dhagar gal oo qof xaqdarro ku dil; dhiig aan xaq ahayn daadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaharow
-ga: (magac, lab, keli) marxalad adag oo dhib leh marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaleeco
(Dhaleeca-da)
Nabar ama iin oogada ka soo baxa; iin foolxun oo ceebaal laysaga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaleeco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaleeco
m.dh (-ooyin, m.l ) 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaleeco
f. n. disapproval, criticism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaleeco
-dhaleecada: (n) stigma (istig-ma); aspersion (as-peer-shin); criticism (kiriti-siizim); disapproval ~ ceeb, magac xumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleeco
-da: (magac, dhedig, keli) nabar xumaada oo geela ka soo baxa. Hal dhaleeco leh ayaa geela la socota.
dhaleeco -da: (magac, dhedig, keli) dacaayad iyo hadallo wax dhimaal ah oo cid laga baahiyo. Waxaad wadaa waa dheleeco ee wax jira maaha. Dh: fadeexad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaleeco
de: disapproval, criticism
lx: dhaleeco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhaleeco
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaleeco
نَقْدِ، اسْتِنْكَارِ، إِدَانَة
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANEEYE
(Daneie) May, S Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Neef xoolo ah, dhaqayo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaqayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qado siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaari
(fal) wax habeen ama aroor hore la qaban lahaa dib u dhig illaa duhurka ama barqada la gaadhayo. Li: guuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaaro
magac loo baxsho gabadh milay dharaar ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabow
dharabow¹: m.l Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dharabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharabow
m.l Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabow
m. n. infection of the foot caused by walking barefoot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharabow
-ga: (n) disease that affects the foot; foot disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabow
(fal) dhul, sayax yeelo.
dharabow-ga: (magac, lab, keli) dharab yeelasho. Dayrta ayuu dharabawgu bataa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabow
de: infection of the foot caused by walking barefoot
lx: dharabow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dharabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.