dhararto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhararto
-da: (magac, dhedig, keli) wax sacab ka baxsan muggii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho. m.f.dh, dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacarato
(Dhacarata-da)
Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarato
m.dh.u Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. la-mid: dhacarsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacarato
f. n., [collective] people who drive their livestock to good grazing land ~ pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarato
-da: (magacwadareed) dadka xoolohooda dhacarta daajiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacarato
de: people who drive their livestock to good grazing land ~ pasture
lx: dhacarato
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: dhacarato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darato
(Darata-da)
Cudur idaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darato
m.dh Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darato
m.dh Cudur halis ah, sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darato
f. n. disease afflicting sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darato
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca xoolaha marka ay goonka cunaan ee ay xaaraan dhimashana ku timaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darato
de: disease afflicting sheep
lx: darato
pd: (/da)
ps: n0-f
key: darato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho. m.f.dh, dhararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharar
v. wait anxiously ~ impatiently for
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharar
de: wait anxiously ~ impatiently for
lx: dharar
pd: (dhararay)
ps: v1=tr
key: dharar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah darar ka maalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dararso
v. enable an animal to produce more milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararso
(fal) neef irmaan, caano badan gasho. Dh: badso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dararso
de: enable an animal to produce more milk for oneself (as a result of grazing on rich pasture land)
lx: dararso
pd: (dararsaday)
ps: v3a=tr
key: dararso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaanto
(Dhaanta-da)
Cayaaraha Soomaalidu tumato oo waaweyn mid kamid ah; hirwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanto
m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanto
f. n., [collective] major Central & Western Somali partner clap dance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaanto
-dhaantada: (n) Somali folk dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanto
-da: (maga, dhedig, keli) dhadaanbi raad aad u badan oo bahal ama dad meel ay si is dhaafdhaaf ah u marmareen.
dhaanto -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar loo yaqaanno magacyo kala duwan sida Hirwo iyo Weglo oo ka mid ah ciyaaraha ugu fac weyn ee Soomaalida. Ciyaarta wiilashu waxay ku labbistaan toorrey, labo go' oo maxamuudi ah, garbagale iyo kabo jaangeri ah, gabdhuhuna waxay xidhaan kuul shakaalan oo cunaabi ah, dugaagado, maro saddex qayd ah oo boqor iyo dhacle wadata, shalmad subeeciyad ama khayli ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanto
de: major Central & Western Somali partner clap dance involving both men and women
lx: dhaanto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhaanto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaarso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho. m.f.dh, dhaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarso
v. make someone take an oath, have someone swear on his own behalf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarso
de: make s.o. take an oath, have s.o. swear on his own behalf
lx: dhaarso
pd: (dhaarsaday)
ps: v3a=tr
key: dhaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabato
(Dhabata-da)
(senen) karti isha dadku leedahay oo wixii wanaagsan oo ayan lahayn oo ay jeclaysato wax ku yeeli karto; qumanyo; il; cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabato
m.dh Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabato
f. n. the evil eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabato
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la jeclayn lagana ilaashado in cidi kaa gasho. Dh: karabato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabato
de: the evil eye
lx: dhabato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhejis
key: dhabato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. la-mid: dhacarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacaro
v. graze one's livestock on good pasture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacaro
de: graze one's livestock on good pasture (in an otherwise arrid country area)
lx: dhacaro
pd: (dhacartay)
ps: v3b=
key: dhacaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharabo
(Dharaba-da)
1. Qoyaan sida dharabka u yar.
2. Waxtar yar; biid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabo
m.dh Wax yar oo gasiin ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabo
f. n., [collective] dew; mist, light misty rain; small quantity; something of little importance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharabo
-da: (n) bit (bit); a small portion, little bit ~ xoogaa yar, inyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabo
-da: (magac, dhedig, keli) qoyaan sida dharabka u yar oo caleemaha ku samaysma. Caleenta dharabo ayaa ka da'aysa. Dh: sayax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabo
de: dew; mist, light misty rain; [ext.] small quantity; [fig.] s.t. of little importance
lx: dharabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dharabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrto
(Dhawrta-da)
Deeq la urursho oo laysu keeno oo wadajir, xag Ilaah loo baxsho; sadaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrto
m.dh Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawrto
m.dh Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrto
f. n., [collective] food contributed to communal meal, alms
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrto
dhawrtada: (n) alms (al-mas) collection
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrto
de: food contributed to communal meal, alms
lx: dhawrto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhawrto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaato
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaaro
magac loo baxsho gabadh milay dharaar ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabso
f.mg3 (-saday, -satay) Maro, saan iyo wixi lamida qoyaan yar ku shubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabso
v. collect dew; get covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabso
(fal) dharab yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabso
de: collect dew; get covered with dew
lx: dharabso
pd: (dharabsaday)
ps: v3a=intr
key: dharabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqso
f.g3 (-saday, -satay) Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaqso
(fal) dharaq naas ka raadi oo in caano ku hadheen ka eeg. Saca laga lisay, dharaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsi
m.l la-mid: dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererto
(Dhererta-da)
Sacab muggi; xantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhererto
f. n. handful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhererto
de: handful
lx: dhererto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhererto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsato
m.dh.u la-mid: dhacarato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarumo
-da: (magac, dhedig, keli) soojeedka habeenkii oo foojignaan ku jirto. Dharaarumo habeenaad ayaa xoolo lagu dhaqaa. Li: hurdo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Charactor
Dabeerad, nuguur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarasho
(Dhaarasha-da)
Dhaar marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarasho
m.f.dh eeg dhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarasho
vl. n. act of swearing, taking an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarasho
-dhaarashada: (n) swearing (sweeting)-, oath-giving; vow (wow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaar gali. Magaca Eebbe marid. Dh: dhaarad.
dhaarasho -da: (magac, dhedig, keli) si aad u hubiso inaad run sheegaysid, wax kugu weyn oo aad rumaysan tahay ku adkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarasho
de: act of swearing, taking an oath
lx: dhaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabdarro
(Dhabdarra-da)
Gardarro; jid-darro; maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarro
m.dh Gardarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabdarro
f. n. offense, injustice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarro
-da: (magac, dhedig, keli) arrin aan munaasib ahayn oo qof lagula kaco. Li: gardarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabdarro
de: offense, injustice
lx: dhabdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarlow
m.l la-mid: dhagarqabe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagarlow
m. n. deceiver, cheater, swindler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagarlow
-ga: (magac, lab, keli) qof dadka kale xaqdarro ku dila.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagarlow
a: dhagarqabe
de: deceiver, cheater, swindler
lx: dhagarlow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhagarlow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarrow
m.l la-mid: dhagarqabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaryo
m.dh Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarad
(Dharaarad-ka)
Dharaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarad
m.l 1. Qado. 2. la-mid: dharaarasho.