dharaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarin
1. (Dharaarin-ka) Duleed.
2. (Dharaarin-ta) Maalin; dharaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarin
dharaarin¹: m.l Duleed.
dharaarin²: m.f.dh eeg dharaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharaarin
m. n., loc. open country (outside the encampment)
dharaarin vl. n. daytime happening ~ event (meal, entertainment, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax habeen ama aroor hore la qaban lahaa dib u dhigid illaa duhurka ama barqada la gaadhayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawraarin
(Dhawraarin-ta)
Wax wax lagu dhawro ama laysaga dhawro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawraarin
dhawraarin¹: m.dh (-nno, m.dh) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. la-mid: dhawraarimo.
dhawraarin²: m.f.dh eeg dhawraari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawraarin
m.dh (-nno, m.dh) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. la-mid: dhawraarimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawraarin
f. n. protection, custody
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawraarin
de: protection, custody
lx: dhawraarin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dhawraarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qado siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaari
(fal) wax habeen ama aroor hore la qaban lahaa dib u dhig illaa duhurka ama barqada la gaadhayo. Li: guuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaarin
m.f.dh eeg kharaari. la-mid: xaraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kharaar ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaarin_1
de: open country (outside the encampment)
hm: 1
lx: dharaarin
pd: (-ka)
ps: n2-m-loc
key: dharaarin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaarin_2
de: daytime happening ~ event (meal, entertainment, etc.)
hm: 2
lx: dharaarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dharaarin_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraarin
m.f.dh eeg dheeraari. la-mid: dheeraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarraysimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax ka filasho.
jarraysimo -ha: (magac, lab, keli) marti la hoyaadsho oo kallihi weyda aqool xilli subxeedka la siiyo. Dh: dharaarin, quraac, hamuuntirasho, jarraysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka shaqayn colaad dhexdhexaadinteed.
araarin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo sii daajin inta aanay ceelka tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararin
(Dararin-ta)
Darar ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararin
m.f.dh eeg darari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, candhada caano ka buuxin. Daaqa badhkii ayaa dararinta kordhiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarin
(Dhaarin-ta)
Dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarin
m.dh eeg dhaari³. la-mid: dhaaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amrid; dhaar ka codsasho. Dhaarinta markhaati ayaa ka horreeya. Dh: dhaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaan
(Dharaan-ka)
Dhar aan cusbayn ama aan qaali ahayn oo la xirto marka hawlaha gacanta qaarkood la qabanayo; dharka intiisa lagu adeegto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaar
(Dharaar-ta)
Waqtiga u dhexeeya qorrax-soobbaxa iyo qorraxdhaca; labiyotobanka saac oo qorraxdu soo jeeddo; maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharaar
f. n. day, day-time, daylight hours
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dharaar
name-m day light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharaar
-ta / tii: (n) day (dheey) ~ maalin. Ex: dharaartii aan kulanay; the day we met
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dharaar
Di giorno
Day time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaar
magac loo baxsho wiil wiil dhashay milay dharaar ah oo qorraxdu badhtan joogto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaar
-ta: (magac, dhedig, keli) maalinta, inta ay cadceeddu soo jeeddo; inta iftiin qorraxdu jiro. Dh: hadh. Li: habeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaar
de: day, day-time, daylight hours
lx: dharaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-time
xe: and for two days
xv: beri, maalin
key: dharaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarin
m.f.dh eeg baraari. la-mid: baraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhayn oo nimcad samayn. Qof walba baraarin naftiisa wuu u ordaa. Dh: badhaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarin
m.f.dh eeg dhacari. la-mid: dhacaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaaro
magac loo baxsho gabadh milay dharaar ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararid
m.f.dh eeg dharar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaarin
m.f.dh eeg garaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraacin
m.dh la-mid: hiraacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraacin
vl. n. wrinkle; rippling (of water ~ grass)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, meel kasta buuxin oo in yar dhaqdhaqaaqid. Dh: haraacis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraacin
de: wrinkle; rippling (of water ~ grass)
lx: haraacin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haraacin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatin
m.dh la-mid: haraatiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraatin
-ta: (magac, dhedig, keli) haraati ku dhufasho. Dh: harraatin, laadid, haraatiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarin
(Hawaarin-ta)
(summad) Hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg, ku daliigid, ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarin
m.f.dh eeg hawaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hawaar iyo kaladaadsani ah u fadhiisin.
hawaarin -ta: (magac, dhedig, keli) hawaar ku dhigid; ul reebta raad hawaar u eg la dhicid ama ku dhufasho.
hawaarin-ta: (magac, dhedig, keli) sumad hawaar ah ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarin
m.f.dh eeg karaari. la-mid: karaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) karaar u yeelid. Dh: taraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kharaar ka dhigid. la-mid: xaraari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaari
v. cause something to be bitter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaari
(fal) wax dhadhan khadhaadh ka dhig. Dh: khadhaadhi, qaraari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaari
de: cause s.t. to be bitter
lx: kharaari
pd: (kharaariyey)
ps: v2a=tr
key: kharaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarin
(Xaraarin-ta)
Xaraar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarin
m.dh eeg xaraari. la-mid: kharaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto uu ku xadhaadho siin. Dh: xadhaadhin.
xaraarin -ta: (magac, dhedig, keli) khadhaadh ka dhigid. Dh: xaraaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaacin
m.f.dh eeg dhakaaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalaalin
(Dhalaalin-ta)
Wax dhalaala haya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaalin
dhalaalin¹: m.f.dh eeg dhalaali. la-mid: dhalaalis, dhalalin.
dhalaalin²: m.dh (fiisikis) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaalin
m.dh (fiisikis) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalaalin
-ta: (n) the act of melting; fusion (fiyuushin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) adke, shiilid oo dareere u rogid. Dhalaalinta jaandigu hawl mal eh.
dhalaalin -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) walax mid kale ku duldheji iyadoo dab la adeegsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanin
m.f.dh eeg dhanaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaan ka dhigid; gadhoodhin oo ciir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaajin
(Dhaqaajin-ta)
1. Socodsiin; nuuxin; riixid; durkin.
2. (subag fadhiya, kd.) wax shubma oo dareera ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaajin
m.f.dh eeg dhaqaaji.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaqaajin
Muovere
To move
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel taagan, kaxayn oo socodsiin. Dhaqaajinta tareenka waan agaan. Dh: socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarad
(Dharaarad-ka)
Dharaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarad
m.l 1. Qado. 2. la-mid: dharaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharaarad
vl. n. spending the day; day-time meal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dharaarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaarad
a: dharaarasho (/da) [n6-f]
de: spending the day; [ext.] day-time meal
lx: dharaarad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dharaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsi
m.l la-mid: dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawaajin
(Dhawaajin-ta)
Dhawaaq ama yeer ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaajin
m.f.dh eeg dhawaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka hadlisiin; dhawaaq kaga keenid. Ka dhawaajinta raadiyoogu farsamo badan uma baahna. Dh: dhawaaqsiin, hadlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhawraarin u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhawraarin u samayn. m.f.dh, dhawraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabin
(Kharaabin-ta)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabin
m.f.dh eeg kharaabi. la-mid: khar-raabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarin
(Khasaarin-ta)
(ganacsi) si khasaaro ah, ku bixin, ku lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarin
m.f.dh eeg khasaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashqaraarin
m.f.dh eeg ashqaraari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashqaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) fajac iyo yaab ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaarin
m.f.dh eeg dhakafaari. la-mid: dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dawikhin oo madixiisa mijo ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharaarnimo
-dharaarnimada: (n) daytime (dheey-taaym) ~ maalinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaansha milay dharaareed. Labiyo tobankii dharaarnimo waan shaqaynaayay. Dh: maalinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhardhaaran
Dhardhaar leh; dhardhaar loo yeelay; la dhardhaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. la-mid: dhadhaaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhardhaaran
der. [adjective] having a cooking hearth ~ stone trivet