dhaqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaysasho
(Dhaqaysasha-da)
Nishaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaysasho
m.f.dh eeg dhaqayso. la-mid: dhaqaysad, dhaqaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaysasho
vl. n. target practice; act of aiming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) toog la liishaamayo. Dh: dhaqaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaysasho
a: dhaqaysad (ka) [vn2-m]
de: target practice; act of aiming
lx: dhaqaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqabsasho
m.f.dh eeg dhaqabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysasho
(Shaqaysasha-da)
Shaqo qabsasho; xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysasho
m.f.dh eeg shaqayso. la-mid: shaqaysad, shaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho; hedlasho; shaqaysi; shaqo aad leedahay qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaysasho
m.f.dh eeg dhammayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax is u dhammaystirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqsasho
(Dhaqsasha-da)
Degdegid; ku dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqsasho
m.f.dh eeg dhaqso. la-mid: dhakhsad, dhakhsasho, dhakhsi, dhaqsad (2), dhaqsi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqsasho
vl. n. speed, haste
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqsasho
de: speed, haste
lx: dhaqsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaqsasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaqsasho
تعْجِيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysasho
(Danaysasha-da)
(qof) danihiisa qabsasho; dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysasho
m.f.dh eeg danayso. la-mid: danaysad, danaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaad dantaada gaarka ah u arkaysid ku foognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsasho
(Dhaafsasha-da)
Wax wax kale ku doorsasho, ku beddelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsasho
m.f.dh eeg dhaafo. la-mid: dhaafsad, dhaafsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, wax kale, ku baddalasho, waydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansasho
m.f.dh eeg dhaanso. la-mid: dhaansad, dhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo u aroorid oo soo dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsasho
m.f.dh eeg dhaarso. la-mid: dhaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaar mari si aad u hubiso runsheegnimadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysasho
m.f.dh eeg naqayso. la-mid: naqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo isku dhex jira inta fiican ka xulasho ama laba nooc kaad doonaysad ka doorasho. Dh: miidhad, doorasho, xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsasho
m.f.dh eeg dhabaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka biyo ama cunto ku qaadqaadsho. Aygii dhabaqsasho aayuu caanihii ku dhammeeyey. Dh: dharqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsasho
m.dh la-mid: dhacarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsasho
m.f.dh eeg dharabso. la-mid: dharabsad, dharabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqsasho
m.f.dh eeg dharaqso. la-mid: dharaqsad, dharaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naas dharaq ka raadin. Weysha dharaqsashada u daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsasho
m.f.dh eeg dhararso. la-mid: dhararsad, dhararsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweysasho
m.dh la-mid: dhoweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalsasho
m.f.dh eeg dhayalso. la-mid: dhayalsad, dhayalsi, dheyelsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugaysasho
m.f.dh eeg dhugayso. la-mid: dhugaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira aqoon ka biirsasho oo xoghoosaad ka raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaysad
(Dhaqaysad-ka)
Dhaqaysasho; dhaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogasho
(Toogasha-da)
1. Qof la dilayo xabbad ku dhufasho.
2. Meel la asteeyey xabbad ku ridid, dhaqaysasho, ganid.
3. Arrin ama dan la lee yahay, sidii lagu gaari lahaa, wax ka qabasho; ku dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaysad
m.l la-mid: dhaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaysi
m.l la-mid: dhaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysasho
(Dhaqaalaysasha-da)
Si dhaqaale ah u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysasho
m.f.dh eeg dhaqaalayso. la-mid: dhaqaalaysad, dhaqaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhaqaalaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabataysasho
(Dhabataysasha-da)
Qumanyaysasho; ilayn; cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabataysasho
m.f.dh eeg dhabatayso. la-mid: dhabataysad, dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqdhaqsasho
m.f.dh eeg dhaqdhaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysasho
(Dhawrtaysasha-da)
1. Dhawrto dadka ka uruursasho, raadsasho; baryootan.
2. Dhawrto u baxsasho; sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtaysasho
m.f.dh eeg dhawrtayso. la-mid: dhawrtaysad, dhawrtaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrtaysasho
-da: (n) alms-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac keliya ka isticmaalid; mar walba xag keliya ka joogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhataysasho
-da: (magac, dhedig, keli) boob iyo dhac gaysasho; wax aanad lahayn bililiqaysasho. Dh: bililiqaysasho, farataysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baabuurta socota oo ciyaalku xagga dambe qarsoodi ku qabsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daxalaysasho
m.f.dh eeg daxalayso. la-mid: daxalaysad, daxalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) birtu markay is bedesho ee ay miridh yeelato. Dh: mirdhid, daxlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansasho
(Dhadhansasha-da)
Cunno ama wax kale, carrabka gaarsiin si dhadhankooda loo garto ama loo macaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansasho
m.f.dh egg dhadhanso. la-mid: dhadhansad, dhadhansi, dhadhensad, dhadhensasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsasho
m.f.dh eeg dharaarso. la-mid: dharaarsad, dharaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaaban biirsasho oo in ku darsasho. Dh: biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhillaysasho
(Dhillaysasha-da)
Dhillannimo ku kicid; dhilloobid; sineysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillaysasho
m.f.dh eeg dhillayso. la-mid: dhillaysad, dhillaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeysasho
m.f.dh dhuqmeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqaysasho
m.f.dh eeg nafaqayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto tayo leh helid; itaaldarro hore ka soo kabmid. Buullada waxa looga jeedaa nafaqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysasho
(Sadaqaysasha-da)
Sadaqo u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysasho
m.f.dh eeg sadaqayso. la-mid: sadaqaysad, sadaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) Alle dartii maal u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaysasho
m.dh la-mid: shaabbadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlaysasho
m.f.dh eeg shanlayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) feerasho; firasho; feedhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqasho
(Dhaqasha-da)
1. Si wanaagsan oo dhaqan leh, xoolo ama wax kale u maamulasho; (wax dhaqasho) xoogsasho; xoolo tabcasho.
2. Mayrasho; qasaalasho; xalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqasho
m.f.dh eeg dhaqo. la-mid: dhaqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqasho
vl. n. washing
dhaqasho vl. n. raising, taking care of, breeding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqasho
-dhaqashada: (n) 1. the act of raising (reeyz-ing); or breeding (biriiding) for to maturity. Ex. Lo' dhaqasho; raising cattle. 2. the act of bringing up; rearing ~ korin. Ex: dhaqashada reerka; family raising
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama reer iyo wixii la mid ah oo aad maamushid yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayso
f.g3 (-stay, -satay) Bar astaysan toog ku barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqayso
v. aim, practice shooting at a target
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayso
(fal) liishaamo, toogta hagaajiso. Intaanad ridin xabbadda horta dhaqayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqayso
de: aim, practice shooting at a target
lx: dhaqayso
pd: (dhaqaystay)
ps: v3b=
key: dhaqayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayasho
m.f.dh eeg dhayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haysasho
(Haysasha-da)
Wax lihi ah ama aan ahayn, qof u joogid, gacan ugu jirid; lahaansho; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysasho
m.f.dh eeg hayso. la-mid: haysad, haysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haysasho
-haysashada: (n) possession (pozashen). Ex: waxaa lagu xiray haysasho hanti la soo xaday; he was arrested for possession of stolen property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti iyo wixii la mid ah, gacanta ku jirid, lahaansho. Dh: qabid, mulkiyid, haysad, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysasho
m.f.dh eeg afayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsasho
m.f.dh eeg daahso. la-mid: daahsad, daahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dib u dhigasho oo ujeeddo ula habsaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsasho
(Daaqsasha-da)
Daaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsasho
m.f.dh eeg daaqso. la-mid: daaqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsasho
vl. n. taking one's livestock out for grazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo foofsasho. Daaqsasho ayey xooluhu ku dhaqmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsasho
de: taking one's livestock out for grazing
lx: daaqsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaqsasho