dhantaalmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalmid
m.f.dh eeg dhantaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kala dhiman oo ay wax u dhimanyihiin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhantaalid
(Dhantaalid-'da)
Wax u dhimid ama ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalid
m.f.dh eeg dhantaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u dhimid; dhib iin u yeesha gaadhsiin. Kala dhantaalidduu cadwgaagu kaaga dhawrsadaa. Dh: waxyeellayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaamid
m.f.dh eeg dhanaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalmid
(Dhanbalmid-da)
Jeexmid; kala dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalmid
m.f.dh eeg dhanqalan². la-mid: dhankalmid, dhanqalcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaal
f.g1 (-aalay, -aashay) Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhantaal
f.g1 (-aalay, -aashay) Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid. m.f.dh, dhantaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhantaal
v. ruin, make something defective, do a poor job (on purpose), sabotage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhantaal
-ay/dhantaashay: (v) make deficient (meeyk di-fi-shent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaal
(fal) wax u dhin; dhib ama iin u yeesho gaadhsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhantaal
de: ruin, make s.t. defective, do a poor job (on purpose), sabotage
lx: dhantaal
pd: (dhantaalay)
ps: v1=
key: dhantaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaamid
m.f.dh eeg dhacaan³. la-mid: dheecamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan keenid. Dh: dheecaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalaalid
(Dhalaalid-da)
1. Muuqaal ifa haya yeelasho; bidhaamid; birbirid.
2. (bir, subag, kd.) sida biyaha u dareerid, kulayl dab ama qorraxeed aawadi; shiilmid; shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaalid
m.f.dh eeg dhalaal². la-mid: dhalalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shiilmid oo dareere u beddelmid.
dhalaalid -da: (magac, dhedig, keli) iftiimid oo wax meel dheer laga arkayo ahaan. Dhalaalidda xiddigaha samada dharaar lama arko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhanaana noqosho; dhanaan ahaansho. Karuurku dhanaanidda ayuu ku macaan yahay. Dh: dhanaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalid
(Dhanbalid-da)
Dhanbal ka dhigid; dillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbalid
-da: (magac, dhedig, keli) habka atam bu'atameed u kala googo'do bu'o fudud oo ay weheliso talmarbax aad u xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqtamid
m.f.dh la-mid: dhaqtan¹ (2), dhugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalmid
m.f.dh eeg khatalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin laguu dhigay gelid; shirqool ku dhicid. Dh: qatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsaalid
m.f.dh eeg dhacsaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u daalid. Dhacsaalidda badan tamardarro ayaa laga qaadaa. Dh: daalid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalmid
m.f.dh eeg dhambalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalmid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala qaybsamid. Dh: qaybsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamid
m.dh la-mid: dhadhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalcid
m.dh la-mid: dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhantaalan
Wax u dhimman yihiin; wax ka maqan yihiin; qabyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalan
dhantaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhantaalay noqosho.
dhantaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhantaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhantaalan
dhantaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhantaalay noqosho. m.f.dh, dhantaalmid.
dhantaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhantaalay ahaansho. m.f.dh, dhantaalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhantaalan
der. [adjective] ruined, defective, incompetently done, sabotaged; split, torn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhantaalan
-aa: (adj) deficient (di-fi-shent)', defective (di-fak-tiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalan
(tilmaame) mid kala dhiman oo aan dhannayn ama naafo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhantaalan
de: ruined, defective, incompetently done, sabotaged; split, torn
lx: dhantaalan
pd: (dhantaalnaa)
ps: adj-der
key: dhantaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaarmid
(Hanqaarmid-da)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wax ka soo waayid, ku soo hungoobid; ku luggo'id; (ama hanqarmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaarmid
m.f.dh eeg hanqaaran². la-mid: hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka soo waayid; ku soo hungoobid; ku hankaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamid
m.f.dh eeg dhaandhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaandhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareerid wax kala garanwaasho. Shaqala'aantu waa dhaandhaamid. Dh: jahawareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambaalside
m.l (-dayaal, m.l/dh) Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. la-mid: dhambaalwade, dhambaalwale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhambaalside
m.l (-dayaal, m.l/dh) Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. la-mid: dhambaalwade, dhambaalwale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhambaalside
m. n. messenger, mailman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhambaalside
-dhambaalsidaha: (n) messenger (ma-sin-jar); envoy (en-vooy) ~ dhanbaal qaade, ergay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambaalside
-ha: (magac, lab, keli) qof sida waraaq qoraal ama farriin ah. Dh: dhambaalwade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhambaalside
a: dhambaalwade (/ha) [n7-m]
de: messenger, mailman
lx: dhambaalside
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhambaalside
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalnaan
m.f.dh eeg dhantaalan². la-mid: dhantaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhimman oo wax ka maqan yihiin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awtaamid
m.f.dh eeg awtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. la-mid: daddaami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. m.f.dh, dandaamin. la-mid: daddaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaami
v. lift (a heavy weight)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaami
(fal) qaad wax culus oo walwaal. Dandaami danbiilka. Dh: wandaami, wandaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaami
de: lift (a heavy weight)
lx: dandaami
pd: (dandaamiyey)
ps: v2a=tr
see: daddaami
key: dandaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabmid
m.f.dh eeg dhaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah meel ugu qotonsamid. Dh: qotonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalaalaya ka dhigid. la-mid: dhalali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalaalaya ka dhigid. m.f.dh, dhalaalin. la-mid: dhalali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalaali
v. polish, brighten, make shine, light up; melt, liquify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalaali
-yey I say: (v) 1. polish (poolish); shine (shaayn); brighten (baraay-ten). 2. melt (melti); melt down; liquate (lik-weeyt); liquefy; defrost (dii-faroost)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaali
(fal) (ku ~) walax mid kale ku dheji adoo dab adeegsanaya. Kabta ii dhalaali.
dhalaali: (fal) shiil oo adke dareere u beddel. Laxaamadda dhalaali.
dhalaali: (fal) nadiifi oo uskagga saaran ka sifee oo wax dhalaalaya ka dhig. Intaan soo noqonayo babuurka ii sii dhalaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalaali
de: polish, brighten, make shine, light up; melt, liquify
lx: dhalaali
pd: (dhalaaliyey)
ps: v2a=tr
key: dhalaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalid
m.dh la-mid: dhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhanaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanaani
v. salt, make salty; cause to become acrid, pungent, sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaani
(fal) dhanaan ka dhiq. Caanaha dhanaani. Dh: dhanaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanaani
de: salt, make salty; cause to become acrid, pungent, sour
lx: dhanaani
pd: (dhanaaniyey)
ps: v2a=tr
key: dhanaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbaal
(Dhanbaal-ka)
1. Waagii hore, warqaado ama farriin degdeg ah oo loo dhiibo qof lug ah ama faras.
2. Hawlaha guud oo qaranka dhinac kamid ah oo maamula waxyaalaha dadku isu qora hayo ama isu dira hayo oo dhan, boosto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanbaal
m. n. urgent message; letter, mail, post
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANBAAL
(Danbal) May, S Afzelia quanzensis Welw. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanbaal
-ka: (n) message (ma-seeyj); telegram (tela-garaam) ~ dhambaal, fartiin, fariin.. Ex: dhanbaal qaraal ah baan u diray; I sent a written message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanbaal
-ka: (magac, lab, keli) farriin qoran ama hadal ah oo cid kale loo gudbiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanbaal
a: dhambaal
de: urgent message; letter, mail, post
lx: dhanbaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhanbaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalid
m.f.dh eeg dhayal². la-mid: dhayalis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.