dhannaanayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhannaanayso
(fal) dhandhanka milixda oo kale u yeelo. Dh: dhanaanayso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANAANISO
(Dananiso) N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
NFD Sclerocarya gillettii Kokwaro. Anacardiaceae.
N Lannea obovata (Oliv) Engl. Anacardiaceae.
N Ceratostigma abyssinicum (Hochat) Schweinf. Plumbaginaceae.
N Portulaca quadrifida L. Portulacaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhannaanis
-ka: (magac, lab, keli) caano la gadhoodhinayo dhanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanays
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyada ka dhabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Si dhaqaale ah u maamulasho. 2. Wax tashiilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqaalayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Si dhaqaale ah u maamulasho. 2. Wax tashiilid. m.f.dh, dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaalayso
v.auto: save; economize; tend (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaalayso
-dhaqaalaystay / dhaqaalaysatay: (v) be economical fer oneself; economize (ikono-maay); save
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalayso
(fal) ciddaada daranyada ka dhabo; eego oo wixii daranyo ah ka ilaali. Dh: xaslo.
dhaqaalayso: (fal) dhaqaale yeelo; wax soo saar badan yeelo. Dal yahaw degtaye dhaqaalayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaalayso
de: save; economize; tend (for oneself)
lx: dhaqaalayso
pd: (dhaqaalaystay)
ps: v3b=auto
key: dhaqaalayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannaanayn
(Dhabannaanayn-ta)
Dhabannaano kol ama ka badan ku dhufasho; dharbaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannaanayn
m.f.dh eeg dhabannaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo wejiga ka saarid. Dh: dharbaaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanaansho
m.l/dh eeg dhanaanow. la-mid: dhanaanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhanaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. la-mid: daddaanso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. m.f.dh, dandaansasho. la-mid: daddaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaanso
v. lift ~ carry something heavy, transport, convey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaanso
(fal) cid kale, gardarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaanso
a: daddaanso
de: lift ~ carry s.t. heavy, transport, convey (of two or more persons)
lx: dandaanso
pd: (dandaansaday)
ps: v3a=tr
key: dandaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanis
m.l Wax yar oo wax lagu dhanaansado. la-mid: dhanaanin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanaanis
m.l Wax yar oo wax lagu dhanaansado. la-mid: dhanaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhanaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hannaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanay
(fal) wax itaal yar wuxuu u baahan yahay si naxariisle kolba u sii sii. Dh: dhaqaalee xannaanee. Li: baylihi, dayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammaanayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho. m.f.dh, ammaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanayso
(fal) shey ad ku manaafacaaddo ergiso oo dabadeed na aad ciddii lahayd u soo celiso. Ammaanayso kombiyuutar aad hawsha iskaga soo dhammayso. Dh: ergiso, qardayso, amaaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanayn
m.f.dh la-mid: bannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bannaan oo sharcigu oggol yahay ka dhigid. Wax Ilaahay xarrimay cidi ma bannaanayn karto. Dh: bannayn, xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaanays
-ka: (magac, lab, keli) baxnaanaynta qof buka, ka dhursugitaan. Baxnaanays iyo buullo bukaanka ha la isugu daro.
baxnaanays -ka: (magac, lab, keli) baxnaanaynta noole si gaar ah loo dhaqaaleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin. m.f.dh, daandaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaanso
v. provoke, go looking for trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaanso
-day / tay: (v) provoke (poro-vowk)-, excite (ek-saayt)-, incite (in-saayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaanso
(fal) si badheedh ah dagaal iyo cadho uga raadi. Dh: gardarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaanso
de: provoke, go looking for trouble
lx: daandaanso
pd: (daandaansaday)
ps: v3a=
key: daandaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabatayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof qumanyaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabatayso
v.auto: put the evil eye on someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabatayso
de: put the evil eye on s.o.
lx: dhabatayso
pd: (dhabataystay)
ps: v3b=auto
key: dhabatayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaanyo
m.dh la-mid: dhilmaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanaan
m.f.dh eeg dhanaan³. la-mid: dhanaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhandhanka ciirta yeelasho; wax dhanaan oo sida cusbada u dhandhamaya ahaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANAANIYE
(Dananie) N Lannea malifolia (Chiov) Sacleux. Anacardiaceae.
NFD Sclerocarya gillettii Kokwaro. Anacardiaceae.
N Lannea obovata (Oliv) Engl. Anacardiaceae.
N Ceratostigma abyssinicum (Hochat) Schweinf. Plumbaginaceae.
N Portulaca quadrifida L. Portulacaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhanso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhadhanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhandhanso
v. taste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhanso
(fal) cunno ama cabbitaan, carrabka saar oo dhandhankiisa sii macaanso. Dhandhanso malabka waad jeclaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhandhanso
de: taste
lx: dhandhanso
pd: (dhandhansaday)
ps: v3a=tr
see: dhadhanso
key: dhandhanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannaansho
(Hannaansha-ha)
Hab; hannaan; qaabsami; qorraansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hannaansho
m. n. order, organization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hannaansho
de: order, organization
lx: hannaansho
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: hannaansho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanayso
v. make something sweet for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanayso
(fal) wax macaan ka dhigo, Bunka macaanayso. Dh: sonkorayso. Li: qadhaadhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanayso
a: macaaneyso, macayso
de: make s.t. sweet for oneself
lx: macaanayso
pd: (macaanaystay)
ps: v3b=tr
key: macaanayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xannaanayn
(Xannaanayn-ta)
Xannaano u gelid, u samayn; dhaqaalayn; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannaanayn
m.f.dh eeg xannaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyo dhabid; wax itaal yar daryeel iyo waxsiin la qarab joogid. Dh: dhaqaalayn, hayn, xanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabnaansho
m.l/dh la-mid: dhabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacnaansho
m.l/dh la-mid: dhacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafnaansho
(Dhafnaansha-ha)
Dhafnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafnaansho
m.l/dh la-mid: dhafnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhafnaansho
vl. n., [abstract] mixedness, state of being mixed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhafnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafnaansho
de: mixedness, state of being mixed
lx: dhafnaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: dhafnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhangalaaso
m.dh (-ooyin, m.l) Ku dhufashada gacanta oo furan si xoog leh wax loogu dhufto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhangalaaso
f. n. slap on the face; box on the ears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhangalaaso
-dhangalaasada: (n) slap (islaap); cuff (kaf) ~ dharbaaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangalaaso
-da: (magac, dhedig, keli) dharbaaxo cid kale, gacanta baabbacadeeda lagu dhufto. Dh: dhabanaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhangalaaso
de: slap on the face; box on the ears
lx: dhangalaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhangalaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysi
(Dhaqaalaysi-ga)
Dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysi
m.l la-mid: dhaqaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciddaada ilaalsasho oo daranyada ka dhabasho.
dhaqaalaysi -ga: (magac, lab, keli) dhaqaale yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaleyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax daryeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqnaansho
m.l/dh la-mid: dhaqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqnaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) eeg dhaqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharnaansho
m.l/dh la-mid: dharnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaynaansho
m.l/dh la-mid: dhaynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinnaansho
m.l/dh la-mid: dhimmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhinnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayso
(fal) lug keli ah ku boodbood. Dh: hangoollayso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hannaynayya
féliciter.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuumashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho. m.f.dh, dhuumaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuumaalayso
v. play hide-and-seek; hide oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalayso
(fal) dhuumaalaysi ciyaar. Orod carruurta la soo dhuumaalayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuumaalayso
cf: dhuumo
de: play hide-and-seek; hide oneself
lx: dhuumaalayso
pd: (dhuumaalaystay)
ps: v3b=intr
key: dhuumaalayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanaysan
(tilmaame) la dhaqaaleeyey ah: la xannaaneeyey oo daranyada laga dhabay ah. Dh: dhaqaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalnaansho
m.l/dh la-mid: dhantaalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhantaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansanaansho
m.l/dh la-mid: dhaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalnaansho
m.l/dh la-mid: dhanqalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanaansho
m.l/dh eeg bannaanow. la-mid: bannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg bannaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansasho
(Daandaansasha-da)
Xumaan iyo dagaal ka doonid; ka caraysiin; maagid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansasho
m.f.dh eeg daandaanso. la-mid: daandaansad, daandaansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansasho
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarro ku doonasho. Daandaansashada docdaada la joog. Dh: edebdarraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansasho
de: provocation
lx: daandaansasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daandaansasho