dhammeyso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammeyso
v.auto: finish off
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammeyso
a: dhammayso
cf: marso
de: finish off
lx: dhammeyso
pd: (dhammeystay)
ps: v3b=auto
key: dhammeyso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammeys
-ka: 1. (n) full grown baby; maturely born, (opposite dhicis). 2. completion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laysasho. 2. Dan ebyasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laysasho. 2. Dan ebyasho. m.f.dh, dhammaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammayso
v. complete, finish something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammayso
-dhammaystay / dhammaysatay: (v) finish off;eat up; consume (kan-suum). Ex: cuntadaada dhammayso; finish off your food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammayso
(fal) intaada idlayso oo waxba ha reebin. Cashadaada dhammayso. Dh: idlayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammayso
a: dhammeyso
de: complete, finish s.t. for oneself
lx: dhammayso
pd: (dhammaystay)
ps: v3b=tr
key: dhammayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhameys
m. n. ending, conclusion; full term baby
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhameys
de: ending, conclusion; full term baby Alt sp: dhammays
lx: dhameys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhameys
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhageyso
v.auto: listen; ignore, turn a deaf ear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhageyso
-dhagastay I dhagaysatay: (v) 1. listen (lis-iri); hear (hi-yar); heed (hiidh); pay attention. 2. (v) ignore (ig-noor); don't listen, don't pay attention
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhageyso
de: listen; ignore, turn a deaf ear
lx: dhageyso
pd: (dhageystay)
ps: v3b=auto
see: dhegeyso
key: dhageyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammays
(Dhammays-ka)
Ilmo bilihii uu uurka ku jiri lahaa wada dhammaystay, oo shinkiisii ku dhashay; aan dhicis ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammays
m.l 1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. la-mid: dhammayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammays
m.l 1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. la-mid: dhammayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammays
m. n. (adj.): ending, conclusion; full-term baby; full, bulky, complete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammays
(tilmaame) wax aan kala dhinnayn oo ebyan ama aan ahayn dhicis ee ku dhashay shin.
dhammays -ka: (magac, lab, keli) wax aan kala dhinnayn oo ebyan ama aan ahayn dhicis ka yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammays
bw: dhameys
de: ending, conclusion; full-term baby; [atr.] full, bulky, complete
lx: dhammays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: aakhir, khaatimo
key: dhammays
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammeyn
vl. n. completion, finishing, liquidation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammeyn
de: completion, finishing, liquidation
lx: dhammeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhammeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: dhoweyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeyso
f.g3 (-stay, -satay) Meel cariiri ah wax kala soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaameelso
f.mg3 (-saday, -satay) Dhaameel gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaameelso
(fal) geed, dheemaal ka guro. Dh: dheemaalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ebyan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ebyan ahaansho. m.f.dh, dhammaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammaysan
der. [adjective] finished, ended, concluded, completed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysan
(tilmaame) mid idil oo dhamaystiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammaysan
de: finished, ended, concluded, completed
lx: dhammaysan
pd: (dhammaysnaa)
ps: adj-der
key: dhammaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamme
* (Dhamma-ha)
(ciidanka dagaallama) saddex xiddigood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamme
m.l Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhamme
m.l Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhamme
m. n. captain (army ~ police)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhamme
name-m finished; complete; full; done. Syn: Abyan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhamme
-dhammaha: (n) 1. captain (kap-tari) ~ saddex xiddigle, kabtan. 2. faultless; complete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhamme
magac loo baxsho wiil qurux iyo qaayo ba dhammeeyay ama si dhammaystiran loo abuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamme
-ha: (magac, lab, keli) sarkaalka derajadiisu u dhexayso labaxiddigle iyo gaashaanle. Dh: kabtan, saddexle, saddexiddigle.
dhamme -ha: (magac, lab, keli) qori lagu dagaallami jiray magacii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhamme
de: captain (army ~ police)
lx: dhamme
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kabtan
key: dhamme
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhammo
name-f full; done, complete; finished. Syn: Ebyan, Ebyoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambeys
f. n. last ~ latest of anything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambeys
de: last ~ latest of anything Alt sp: dambeeys
lx: dambeys
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: dambeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyso
f.g/mg3 (-saday, -satay) la-mid: daaweyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyso
(fal) cid kaa bugta, daawo siiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammay
(fal) wax soo dhamaystirmay ama idlaaday ka dhig. Dh: dhamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laasad. 3. Wax xasuuqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laasad. 3. Wax xasuuqid. m.f.dh, dhammayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammee
v. finish, conclude, bring to an end; liquidate, do away with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammee
-yey / dhammeysay: (v) complete (kom-piliif) make complete; do thoroughly; carry out; finish (fi-nish); Ex. way dhammaysay; she finished; wuu dhammeeyey; he finished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammee
(fal) ebi oo halkii loogu talagalay gaadhsii. Dhammee dhisamaha aqalka. Dh: afjar, dhammaystir, dhamee.
dhammee: (fal) idlee oo waxba ha ku reebin. Caanaha gorofka ka dhammee. Dh: idlee.
dhammee: (fal) «u ~» wanaag oo dhan sii, baahi oo dhan ka haqabtir. Adi kuguma dheeree, ii dhamee Allahayoow. Dh: buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammee
de: finish, conclude, bring to an end; liquidate, do away with
lx: dhammee
pd: (dhammeeyey)
ps: v2b=
key: dhammee
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hammers
Dubbayaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyso
f.g3 (-stay, -satay) Hawo ka gelid; niyaysasho; isu qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haweyso
v.auto: desire for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haweyso
-haweystay / haweysatay: (v) try to perform; make an attempt or effort ~ u hawood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyso
(fal) wax ad hiigsanayso ku fakir inaad gaadho. Weligaa halka u sarraysa haweyso. Dh: tiigso, niyeyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haweyso
de: desire for oneself
lx: haweyso
nt: haweysad (ka) [vn2-m], haweysasho (/da) [vn6-f], haweysi (ga) [vn2a-m] 'desire, state of desiring'
pd: (haweystay)
ps: v3b=auto
key: haweyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. la-mid: daweyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. m.f.dh, daaweysasho. la-mid: daweyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyso
v.auto: treat oneself with medicine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyso
(fal) cid kaa jirran dhakhtarka intaad geyso ka soo daawee ama adiguba dawayso. Cidi kuuma maqnee, daaweyso bukaankaaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweyso
a: daawayso
de: treat oneself with medicine
lx: daaweyso
pd: (daaweystay)
ps: v3b=auto
key: daaweyso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabayso
v.auto: ascertain, assure oneself, make sure ~ certain, be convinced
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabayso
de: ascertain, assure oneself, make sure ~ certain, be convinced
lx: dhabayso
pd: (dhabaystay)
ps: v3b=auto
key: dhabayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamcaso
m.dh Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaas
m.l Qof aan feejignayn oo dareenkiisagarasho meel kale ku mashquulsanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammaas
m.l Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammayn
(Dhammayn-ta)
Wax ka maqnaa ku darid; ebyid; dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammayn
m.f.dh eeg dhammee. la-mid: dhammays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax idlaaday ama soo dhamaystirmay ka dhigid. Dh: dhamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayso
f.g3 (-stay, -satay) Bar astaysan toog ku barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqayso
v. aim, practice shooting at a target
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayso
(fal) liishaamo, toogta hagaajiso. Intaanad ridin xabbadda horta dhaqayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqayso
de: aim, practice shooting at a target
lx: dhaqayso
pd: (dhaqaystay)
ps: v3b=
key: dhaqayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawayso
(fal) agtaada gee; meel kuu dhaw gee. Miiska dhawayso.
dhawayso: (fal) qof dadka kale kaa xiga ka dhigo. Cidda aad isku ujeeddo tihii soo dhawayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweysi
m.l la-mid: dhoweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Socod habeen haween ugu haasaawo tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Dhawaaq, shanqar iyo wixi lamida dheg u dhigid. 2. Cid hadal loo soo jeedinaayo ismoogeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Dhawaaq, shanqar iyo wixi lamida dheg u dhigid. 2. Cid hadal loo soo jeedinaayo ismoogeysiin. m.f.dh, dhegeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegeyso
v.auto: listen
dhegeyso: v. ignore, turn a deaf ear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegeyso
-dhagastay / dhagaysatay: (v) listen (lis-in); hear (hi-yarf, heed (hiidh)-, pay attention ~ maqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegeyso
(fal) dhegta raarici oo waxa la leeyahay maqal. Qur'aanka dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoweyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhow keensasho. la-mid: dhaweyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoweyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhow keensasho. m.f.dh, dhoweysasho. la-mid: dhaweyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoweyso
v. draw something near, bring something close to ~ for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoweyso
(fal) meel agtaada ah keeno. Miiska soo dhoweyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoweyso
de: draw s.t. near, bring s.t. close to ~ for oneself
lx: dhoweyso
pd: (dhoweystay)
ps: v3b=tr
key: dhoweyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamleyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: jimleyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyso
f.g3 (-stay, -satay) Badar daango ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daangeyso
(fal) badar, sida galley ama hadhuudh, salool ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhenso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhadhanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamacaso
m.dh Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaajo
m.dh la-mid: dhamaajo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaajo
-da: (magac, dhedig, keli) iskudar qoyan oo inta badan layiig ah. Nabarrada ayaa lagu dhayaa, muruqyada iyo xididdadana waa lagu duugaa. Dh: dhamaajo, dhamoojo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid dacwo loo haysto u dhaw oo masuuliyad iska saari kara oo wixii lagu gooyo iyo keeniddiisa loo raaci karo. Raggu waa dhaweeye iyo dhammeeye. Dh: aabbo. Li: dhaweeye.
dhammeeye -ha: (magac, lab, keli) sifo uu Ilaahay leeyahay oo tilmaamaysa inuu yahay midka leh awood aan la qiyaasi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax dhoobo marsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobeyso
(fal) dhoobo marso; dhoobo ku talbiiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqeeyso
v. work for oneself