dhalmadeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) da' darteed dhalmada u joojin. Dh: dhalmadeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmaddeyn
(Dhalmaddeyn-ta)
Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid; dhalmaddeys noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaddeyn
dhalmaddeyn¹: m.f.dh eeg dhalmaddee. la-mid: dhalmaddeys.
dhalmaddeyn²: m.dh (cilmiga naflayda) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalmaddeyn
m.dh (cilmiga naflayda) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmadeys
-ka: (magac, lab, keli) wax gaboobay oo aan haddeed dhalmo laga filayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmaddeys
(Dhalmaddeys-ka)
Qof dumar ah, kd., oo gaarey filka lagu dhalmaddaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaddeys
m.l 1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da'da dhalmadu joogsato. 2. la-mid: dhalmaddeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalmaddeys
m.l 1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da'da dhalmadu joogsato. 2. la-mid: dhalmaddeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeyn
m.f.dh eeg dhaabadee. la-mid: dhaabadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmadays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalmada oo la joojiyo iyada oon cimrigii dhalmadeyska la gaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nasiib
magac loo bixiyo wiil dhashay xilli ay hooaydii gashay da'dii dhalmadeynta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaajeyn
m.dh la-mid: dhamaajeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax halkii loogu tala galay gaadhsiin oo wax aan waxba ka dhinnayn ka dhigid. Dhammaynta mashruuca inyar ayaa ka hadhay. Dh: buuxin, dhammayn.
dhamayn -ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wax aan waxba ka oollin ka dhigid. Dh: dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfeyn
m.f.dh eeg dhalfee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammayn
(Dhammayn-ta)
Wax ka maqnaa ku darid; ebyid; dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammayn
m.f.dh eeg dhammee. la-mid: dhammays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax idlaaday ama soo dhamaystirmay ka dhigid. Dh: dhamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammeyn
vl. n. completion, finishing, liquidation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammeyn
de: completion, finishing, liquidation
lx: dhammeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhammeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dhulal badan maray oo dunida kala yaqaan. Dh: dalyaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan maamul dawladeed ka jirin dawladnimo gaadhsiin ama si dawladnimo ah wax u maamulid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalladeyn
(Xalladeyn-ta)
Xallad u yeelid, ka xareedin, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalladeyn
m.f.dh eeg xalladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xallad u yeelid oo wax dhadhan leh oo dadku ku raaxaystaan ka dhigid. Dh: macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeys
m.l la-mid: dhaabadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaanyo
m.dh la-mid: dhilmaanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmaddaa
(fal) da' darteed dhalmada u jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmaddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid (qof dumar ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalmaddee
v. be beyond child bearing age ~ past menopause
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalmaddee
de: be beyond child bearing age ~ past menopause
lx: dhalmaddee
pd: (dhalmaddeeyey)
ps: v2b=
key: dhalmaddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmageri
-da: (magac, dhedig, keli) cudur haweenka ku dhaca oo aan la aqoon wax keena. Haweenayda uu ku dhacaa si isdaba joog ah uma dhali karto ee dhawrkii gu'ba kol bay dhashaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalmodays
-ah: (adj) menopausal (mini-poosal). Ex: naaga dhalmodeys ah; menopausal women
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamaajeyn
m.f.dh eeg dhamaajee. la-mid: dhammaajeyn, dhamoojeyn, dhamooqeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulmareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulmareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulmareen
m. n. traveler (on land), voyager; explorer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulmareen
-ka: (n) traveler or traveller (taraa-va-ler); land traveller ~ dalmar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dalyagaan ah oo meelo badan arkay. Ibnu Khalduun dhulmareen buu ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulmareen
cf: dalmareen
de: traveler (on land), voyager; explorer
lx: dhulmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhulmareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadeyn
m.f.dh eeg halgaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhalfnyareyn
Rejuvenation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayadeyn
m.dh la-mid: dicaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal dacaayad ah ka fidin oo sumcadiisa hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyeyn
m.f.dh eeg dhabaalyee. la-mid: dhabaalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aws qallaxato awr kale ku qabo. Dh: dhabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaamayn
m.f.dh eeg dhallaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan ka dhigid; da' yarayn oo wax ciyaal ah ka dhigid. Dh: ciyaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayadeyn
m.f.dh eeg dicaayadee. la-mid: dacaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dicaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dacaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) faynuus ama shawlad, dubaalad gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamadayn
(Shakamadayn-ta)
Shakamad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamadayn
m.f.dh eeg shakamadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shakamad u yeelid; shakamadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalbade
m. n. customer; person who orders
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalbade
(n) applicant (ap-likant) ~ codsade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalbade
de: customer; person who orders
lx: dalbade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dalbade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayn
m.f.dh eeg dallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol wanaagsan iyo khayr filasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambeyn
vl. n. remainder, the one left; the end
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambeyn
de: remainder, the one left; the end
lx: dambeyn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
xe: but at the end ...
xv: dambeyntiise
key: dambeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadan
Dhaadka ka xiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iyo wixi lamida). m.f.dh, dhaadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaadan
der. [adjective] tied by the leg above the ankle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadan
(tilmaame) neef gommodda ka xidhan. Farasku shakaal ayuu ku dhaadan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaadan
de: tied by the leg above the ankle
lx: dhaadan
ps: adj-der
key: dhaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadin
m.f.dh eeg dhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) summad lugu dhigo cududda jeeniga xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaman
Uskag badan leh; wasakhi ku dhooban tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Dhar iyo wixi lamida wax la dhaamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaman
der. [adjective] dirty, messy, all messed up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaman
(tilmaame) uskag badan leh. Nin dhaaman waa laga dheeraadaa. Dh: dhaboolagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaman
de: dirty, messy, all messed up
lx: dhaaman
pd: (dhaamnaa)
ps: adj-der
key: dhaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabayn
(Dhabayn-ta)
Dhab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabayn
m.f.dh eeg dhabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaftanka ka saarid oo run ka dhigid; dheeldheel dhab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaad
m.l (daawo) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaad
m.l (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAAD
(Dalad) May Euphorbia cuneata Vahl. Euphorbiaceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaad
-ka: (magac, lab, keli) bar cad oo isha ku samaysanta. Dhaalaad ayaa isha igaga yaalla.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAAY
(Dally) N Dregea schimberi (Decne) Bullock. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALEEN
(Dalen) C Cyperus crassipes Vahl. Cyperaceae.
C Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleen
-ka: (magac, lab, keli) reerka dheri iyo dhaleen toona laguma oga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalxan
m.dh Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalxan
m.dh Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalxan
-ta: (magac, dhedig, keli) qoyaan ama suruq ay sameeyaan indhuhu oo cad muuqa malaxdana leh. Iska bi'i dhalxanta kugu taalla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhameys
m. n. ending, conclusion; full term baby
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhameys
de: ending, conclusion; full term baby Alt sp: dhammays
lx: dhameys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhameys