dhalleexid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexid
m.f.dh eeg dhalleex². la-mid: dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexid
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid janjeedhsan. Dh: dhalleecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel janjeerin. la-mid: dhalleeci, janjeeci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexi
(fal) weel soo dhalleeci oo janjeedhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecid
m.dh la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u qalloocid. Kuruska geela dhalleeciddu waxba uma dhinto. Dh: qalloocid, janjeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexin
m.f.dh eeg dhalleexi. la-mid: dhalleecin, jalleecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhalleecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexsad
m.dh la-mid: dhalleexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalleex
(Dhalleex-a)
Jalleec; leex; janjeer; (ama dhalleec).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleex
dhalleex¹: m.l/dh 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. la-mid: dhalleec¹, jalleec¹.
dhalleex²: f.g/mg1 (-xay, -xday) 1. (f.g) Dhinac eegid. 2. (f.mg) Wax janjeerin. la-mid: dhalleec², jalleec².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalleex
m.l/dh 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. la-mid: dhalleec, jalleec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalleex
v. turn, tilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleex
-a: (magac, lab, keli) eeg dhalleec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalleex
a: dhalleec, jalleec
de: turn, tilt
lx: dhalleex
pd: (dhalleexay / dhalleexday)
ps: v1=
key: dhalleex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleeci
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhalleexi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleeci
(fal) dhan u janjeedhi. Soo dhalleeci xeedhada. Dh: janjeedhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexo
m.dh la-mid: dhalleexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecin
m.dh la-mid: dhalleexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gun leh dhan u jalleecin; dhan u qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalleexsi
(Dhalleexsi-ga)
Jalleecsi; leexad; janjeersi (ama dhalleecsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexsi
m.l la-mid: dhalleexsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalleexsi
vl. n. turn, tilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexsi
-ga: (magac, lab, keli) weel iyo wax la mid ah dhalleecsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalleexsi
de: turn, tilt
lx: dhalleexsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: dhalleexsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Dhinac eegid. 2. Ka dh.: wax ka gaabsasho. la-mid: dhalleecso, jalleecso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexso
(fal) weel iyo wax la mid ah, dhalleecso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleeco
m.dh Daymo dhinac la eego. la-mid: dhalleexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecsad
m.dh la-mid: dhalleexsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexsan
(tilmaame) weel iyo wax la mid ah oo dhalleecsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleec
dhalleec¹: m.l la-mid: dhalleex¹.
dhalleec²: f.g1 (-cay, -cday) la-mid: dhalleex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleec
-da: (magac, dhedig, keli) janjeedhka iyo weecsanaanta wax dhan u qallooca. Dh: janjeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelid
(Haleelid-da)
Wax la kulmid; wax la samayn lahaa kansho u helid; ku abbaarmid; seegid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelid
m.f.dh eeg haleel². la-mid: haleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qabashadeed wakhti u helid; wax la samayn lahaa kansho u helid. Dh: haleelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) seexadka dabka geerkiisa. Dabjeexid ayaanu samaynaa xilliyada dheelka badani soo dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleeco
m.dh la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleeco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhaleeco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxeexid
(Shaxeexid-da)
Wax qof wax ku waayo ku hadlid, ama falankeed qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxeexid
m.f.dh eeg shaxeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qof wax ku waayo ku hadlid ama faltankeeda qabasho; seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecsi
m.l la-mid: dhalleexsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecsi
-ga: (magac, lab, keli) weel, qalloocsi iyo janjeedhsi. Dh: janjeedhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhalleexso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecso
(fal) dhankaaga u qalloociso. Baaldiga dhalleecso oo gacanta la gal. Dh: janjeedhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeelid
m.f.dh eeg dharbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegjeexid
m.f.dh eeg dhegjeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel baaxad-soore ah ku banjarid oo dhan loo baxo garan waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecsan
(tilmaame) wax dhan u janjeedha; dhinac u qallooca. Hal kuris dhalleecsan ayaa geela la socota. Dh: janjeedhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballeexad
m.l Socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. la-mid: labaleexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballeexad
-ka: (magac, lab, keli) socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. Dh: labaleexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallebixid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, sida u fiican u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexsasho
m.f.dh eeg dhalleexso. la-mid: dhalleecsad, dhalleecsasho, dhalleecsi, dhalleexsa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalleen
m.dh Dandarranaan; dhibaataysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalleen
-ka: (magac, lab, keli) meel ooddu ka gaaban tahay ama aysan ka adkayn oo laga dhici karo. Xerada halkaa daleensan ood soo saar. Dh: huddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaclee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: dhaaclee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALEEN
(Dalen) C Cyperus crassipes Vahl. Cyperaceae.
C Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleen
-ka: (magac, lab, keli) reerka dheri iyo dhaleen toona laguma oga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Nin naag u galmoosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallii
-sha: (magac, dhedig, keli) aragti laga masuugo ama ruux aad intaa uga hanwaynayd wax aan u qalmin ku arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhallin
(Dhallin-ta)
Fil; da'; da'aad; fac; facaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallin
m.dh 1. Inta sano, bilo, maalmo iyo wixi lamida ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da' weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallin
m.dh 1. Inta sano, bilo, maalmo iyo wixi lamida ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da' yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhallin
f. n., [abstract] age; youth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhallin
-ta: (n) 1. youth (yuuth); young people; youngster (yan-gister) ~ dhallinyaro. 2. age (eeyj) ~ da'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhallin
de: age; youth
lx: dhallin
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dhallin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si kibir iyo maangaabnimo ku jirto u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxlid
(Dhaxlid-da)
Xoolo dhaxal ah, qaybin, wax ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxlid
m.f.dh eeg dhaxal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylid
(Dhaylid-da)
Qof dhallinyaro ah, hawl ama wax kale ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylid
m.f.dh eeg dhayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhantaalid. Faataxo dhamaantiin umara inan Illaah dhaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheehid
(Dheehid-da)
1. Wax bir ah, kd., dheeh u yeelid.
2. Ku darmid; ku barxamid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheehid
m.f.dh eeg dheeh². la-mid: dheeh¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelid
m.f.dh eeg dheel³. la-mid: dheelis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuleed
Wax dhul lee yahay ama lug ku lee yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuleed
n. phr., genetive: terrestrial, earthly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuleed
de: terrestrial, earthly
lx: dhuleed
ps: np-gen
key: dhuleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheexid
(Sheexid-da)
Sheex iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheexid
m.f.dh eeg sheex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebta iyo wixii qaldan iskaga fogaanshaha iyo ka xishoodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uleexid
m.f.dh eeg uleex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uleexid
-da: (magac, dhedig, keli) si tukube ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugo ku samayn.
dallacid-da: (magac, dhedig, keli) darajada aad joogto mid ka sarraysa gaadhid.
dallacid-da: (magac, dhedig, keli) wax sare u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallalid
m.f.dh eeg dallal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalligid
-da: (magac, dhedig, keli) si basarxumi ah wax farabbadan u cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareemid
(Dareemid-da)
Maanka ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareemid
m.f.dh eeg dareen².