dhalan-geddis-hiddoside
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalan-geddis-hiddoside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baayoloji) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalangeddis-hiddoside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baayoloji) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.