dhakhsaha falgalka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakhsaha falgalka
m.l (kiimika) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakhsaha falgalka
m.l (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joojiye falgal
m.l (-ayaal ..., m.l/dh) Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer fal-cuf
m.l (-rar ..., m.l) (kiimika) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qumman ku yahay cufka firfircoon ee falgalayaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dhakhsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joojiyefalgal
m.l (-ayaal ..., m.l/dh) (kiim.) Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerfalcuf
m.l (-rar ..., m.l) (kiim.) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qumman ku yahay cufka firfircoon ee falgalayaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dhakhsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakhtarka cagaha
(n) podiatrist (padaayatrist) :hiro >dy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakhtarka qalliinka
(n) surgeon (ser-jan); Surgeon General
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakhtarka ilkaha
(n) dentist (dhen-tiist)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakhtarka lafaha
(n) orthopedist (orthepiidiist)