dhakafaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, dhakafaar badid. la-mid: dheg-kafaari, dhekafaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakafaari
v. astound, amaze, dumbfound, stupefy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaari
(fal) wareeri oo wax dhakafaarsan ka dhig. Dh: dawikhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakafaari
de: astound, amaze, dumbfound, stupefy
lx: dhakafaari
pd: (dhakafaariyey)
ps: v2a=tr
key: dhakafaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaarid
m.f.dh eeg dhakafaar². la-mid: dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dheg-kafaar¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid oo yaabid oo wax dhakafaarsan ahaan. Dh: dawikhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaarin
m.f.dh eeg dhakafaari. la-mid: dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dawikhin oo madixiisa mijo ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaaris
dhakafaaris¹: m.l la-mid: dhakafaarin.
dhakafaaris²: m.dh la-mid: dhakafaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhakafaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaar
dhakafaar¹: m.l 1. Yaab aad u weyn. 2. la-mid: dhakafaarid.
dhakafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku dh.: yaab weyn la kulmid. la-mid: dheg-kafaar², dhekafaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakafaar
dhakafaar¹: m.l Yaab aad u weyn.
dhakafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku dh.: yaab weyn la kulmid. m.f.dh, dhakafaarid. la-mid: dhekafaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakafaar
m. n., [abstract] astonishment, surprise, marvel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakafaar
-ay I tay: (v) 1. confuse (kanfi-ytius); bewilder (biwildhar); perplex (per-palaksi); puzzle (pa-zal) ~ amakaag, jahawareer 2. dhakafaar -ka: (n) confusion (kan-fiyuu-shin); chaos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaar
-ka: (magac, lab, keli) madaxanuun iyo wareer uu keensay wax kaa yaabiyey. Dh: wareer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakafaar
de: astonishment, surprise, marvel
lx: dhakafaar
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: dhakafaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhakafaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaari
(fal) cid kale, wareer ku rid. Dh: dhakafaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarid
m.dh la-mid: dhakafaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakafaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarin
m.dh la-mid: dhakafaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wareer ku ridid. Dh: dhakafaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaaris
dhekafaaris¹: m.l la-mid: dhekafaarin¹.
dhekafaaris²: m.dh la-mid: dhakafaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaar
dhekafaar¹: m.l la-mid: dhakafaar¹.
dhekafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dhakafaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaar
-ka: (magac, lab, keli) dawakhaad laga qaado arrin ama hawl raagtay ama aan weji lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dumbfound
/damfawndh/ (v) dhakafaarid, amakaagid, yaab la hadli waayid. e.g. He was dumbfounded by the news.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakafaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhakafaaray ahaansho. la-mid: dheg-kafaarsan, dhekafaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakafaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhakafaaray ahaansho. m.f.dh, dhakafaarsanaan. ld, dhekafaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakafaarsan
der. [adjective] dumbfounded, amazed, astounded, stupefied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakafaarsan
-aa: (adj) confused (kan-fiyuusidh); bewildered ~ jahawareesan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakafaarsan
(tilmaame) mid dawakhsan oo wax wareersan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakafaarsan
de: dumbfounded, amazed, astounded, stupefied
lx: dhakafaarsan
pd: (dhakafaarsanaa)
ps: adj-der
key: dhakafaarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhakafaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangaraari
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan waxba maqlin ee dhagaha adag ee is naba marka wax loo dirsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaar
m.l 1. Madaxa. 2. Dhafoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaci
f.mg2 (-iyay, -isay) Qosol ka dh.: aad u qoslid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakaaci
v. smile, grin, show one's teeth while laughing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakaaci
de: smile, grin, show one's teeth while laughing
lx: dhakaaci
pd: (dhakaaciyey)
ps: v2a=intr
key: dhakaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qado siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaari
(fal) wax habeen ama aroor hore la qaban lahaa dib u dhig illaa duhurka ama barqada la gaadhayo. Li: guuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakanaan
(Dhakanaan-ta)
(qof) dhakan ahaan; dhego cuslaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakanaan
m.f.dh eeg dhakan. la-mid: dhakanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakanaan
f. n., [abstract] hardness of hearing, partial deafness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqalla'aan. Dh: dhegacuslaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakanaan
de: hardness of hearing, partial deafness
lx: dhakanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhakanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhawraarin u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawraari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhawraarin u samayn. m.f.dh, dhawraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaarid
m.dh la-mid: dhakafaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaarin
m.dh la-mid: dhakafaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhekafaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: dhakafaarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhekafaarsan
(tilmaame) eeg dhakafaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhakafaar
v. be astonished by, get surprised at
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dhakafaar
de: be astonished by, get surprised at Also with preposition ku
lx: ka dhakafaar
pd: (dhakafaaray)
ps: v1=expr
key: ka_dhakafaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafdhaafi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafdhaafi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid. m.f.dh, dhaafdhaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafdhaafi
(fal) weydweydaari oo kolba dhan ka mari. Dh: weydweydaari.
dhaafdhaafi: (fal) dad badan sii daadaa oo meel laga celinayo weydaari. Dh: sii daadaa. dhaafdhaafin -ta: (magac, dhedig, keli) kolba in sii dhaafin; sii deyndeyn. Dh: dhaadhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhambacaad u jiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhardhaarid
(Dhardhaarid-da)
Dabka wax lagu karsana hayo, dhardhaarro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhaarid
m.f.dh eeg dhardhaar². la-mid: dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhardhaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dheri, dhadhaarro dulsaarid. Dh: dhadhaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheg-kafaar
dheg-kafaar¹: m.l la-mid: dhakafaarid.
dheg-kafaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dhakafaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafiri
m.l baaquli; maddiibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafmar
(fal) dhinac ka mar oo barbar u dhaaf. Daafmar aqalka waddada ku soo jeeda oo bidix u leexo. Dh: agmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaari
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig ka mid ah xidigaha cirka oo daruur u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaari
(fal) maro tol adigoo u adeegsanaya dun iyo makiinad. Dh: tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsi
(Dhaafsi-ga)
Dhaafsad; dhaafsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsi
m.l la-mid: dhaafsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafsi
Cambio
Change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaxaa
fk. la-mid: dhaaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo meel dhacar leh soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafaag
(Dhafaag-ga)
Biyabbiyood layiig ah; dhamoojo; (ama dhafaaq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafaag
m.l Budo hoore lagu qasay oo aan jilicsanayn. la-mid: dhafaaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhafaag
m. n., (mass n.): thick liquid, viscous fluid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhafaag
-ga: (n) mush (maash); something thick, soft, and pulpy ~ qoosh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafaag
-ga: (magac, lab, keli) biyabiyood layiig ah. dhafan: (tilmaame) labo shey iyo in ka badan oo isku wada dhex jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafaag
a: dhafaaq
cf: dhamoojo
de: thick liquid, viscous fluid
lx: dhafaag
pd: (-ga)
ps: n0-m-mass
key: dhafaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafaaq
m.l la-mid: dhafaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakaab
-ka: (magac, lab, keli) dhagaxa lagu garaaco udubka kolka dhulka lagu taagayo. Dhakaab ii keena udubka aan ku adkeeyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaac
m.l Qayb lafdhabarta ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakaac
m.l Qayb lafdhabarta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakaac
-da: (magac, dhedig, keli) riciraha lafdhabarta mid ka mid ah. Dh: ricir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaar
(Dharaar-ta)
Waqtiga u dhexeeya qorrax-soobbaxa iyo qorraxdhaca; labiyotobanka saac oo qorraxdu soo jeeddo; maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharaar
f. n. day, day-time, daylight hours
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dharaar
name-m day light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharaar
-ta / tii: (n) day (dheey) ~ maalin. Ex: dharaartii aan kulanay; the day we met
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dharaar
Di giorno
Day time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaar
magac loo baxsho wiil wiil dhashay milay dharaar ah oo qorraxdu badhtan joogto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaar
-ta: (magac, dhedig, keli) maalinta, inta ay cadceeddu soo jeeddo; inta iftiin qorraxdu jiro. Dh: hadh. Li: habeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaar
de: day, day-time, daylight hours
lx: dharaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-time
xe: and for two days
xv: beri, maalin
key: dharaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef geel ah hawaar u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaari
v. brand (cattle) with a special ~ particular mark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaari
(fal) fadhi ballaadhan oo fool xun fadhiiso; barraarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawaari
de: brand (cattle) with a special ~ particular mark
lx: hawaari
pd: (hawaariyey)
ps: v2a=tr
key: hawaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafaaro
(Kafaara-da)
Wax Ilaah horti loo sameeyo ama loo baxsho (soon, sadaqo, kd.) oo gef ama denbi la falay daboola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafaaro
f. n. duty, obligation, dues