dhagaxyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dhagax la dhacid. la-mid: dhagxi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dhagax la dhacid. m.f.dh, dhagaxyayn. la-mid: dhagxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagaxyee
v. stone someone, throw stones (at)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagaxyee
-yey I dhagxyeysay: (v) stone (istoon); hurl or throw stones at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyee
(fal) cid kale, dhagax ku tuurtuur; shiid kula kac. Dh: shiid.
dhagaxyee: (fal) cid kale, dhagax la dhac. Dh: dhagxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagaxyee
a: dhagxi
de: stone s.o., throw stones (at)
lx: dhagaxyee
pd: (dhagaxyeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhagaxyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxyeyn
m.f.dh eeg dhagaxyee. la-mid: dhagxin, dhagxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax ku tuurtuurid; shiid ku kicid. Dh: shiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhagaxyee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagxi
-yey / say: (v) stone (stoon); hurl or throw stones at ~ dhagaxyee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiid
-ay I day: (v) 1. grind (gu-raayndh); crush (karaash); pulverize (pul-varaayz). Ex: qamadiga burka shiid; grind the wheat into flour. 2. stone (istoon) ~ dhagaxyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagxi
(fal) eeg dhagaxyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagxi
a: dhagaxyee
de: stone, throw stones (at)
lx: dhagxi
pd: (dhagxiyey)
ps: v2a=tr
key: dhagxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyaale
-ha: (magac, lab, keli) roob aad u gabaw oo da'a dhibco barafoobay oo sida dhagaxa noqday. Roob dhagaxyaale ah ayaa buurta ka da'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Nafley canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyee
(fal) eeg dhabaalee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaga yare
dhaga yaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhagayare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagax la dhacid. Dh: dhagxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid dhakaarka ka garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagax
(Dhagax-a)
Cad ama gabal yar oo ciid isku dhegtey oo adkaatay ah; shiid; dhadhaab; med; cal; quruurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax
m.l (-xyo/-gxaan, m.dh) Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagax
m.l (-xyo/-gxaan, m.dh) Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax
m. n. stone, rock; granite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagax
-a: (n) stone (istoori); rock (raak) —dhagax leh: (adj) stony (istooni). Ex: meel dhagax leh baan tegnay; we went into stony place
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhagax
Pietra; sasso
Stone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagax
-a: (magac, lab, keli) walax aad u adag oo qaabab kala duwan leh oo dhulka dushiisa laga helo, gaar ahaan buuraha oo siyaabo kala duwan loo adeegsado sida dhismaha guryaha. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isku mid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax
de: stone, rock; granite
lx: dhagax
pd: (-a Pl: dhagxan ~ dhagxaan (ta))
ps: n8-m, n2a-m, n3-m
key: dhagax
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhagax
حجر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: dacay³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacayee
v. tie a rope around a camel's lower jaw to lead it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayee
(fal) dacayda ka xidh. Dacayee hadduu ku raaci waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacayee
de: tie a rope around a camel's lower jaw to lead it
lx: dacayee
pd: (dacayeeyey)
ps: v2b=
key: dacayee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayee
(fal) xuurtee oo dhaqdhaqaaq u diid. Dh: surmee, daree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) la-mid: waaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxyee
(fal) cad iyo wax la mid ah, waaxo afar ah u kala jarjar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyee
(fal) xoolo iyo wax la mid ah baylihi oo ha dhaqaalayn. Dh: baylihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaclee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. la-mid: dhaalcee, dhaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaclee
v. ornament, make pretty; put a belt on (a girl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaclee
(fal) dhacle samee; sida dhaaclaha u samee. Xadkaha si fiican u sooh oo dhaaclee. Dh: dhaaclay, dhaclee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaclee
de: ornament, make pretty; put a belt on (a girl)
lx: dhaaclee
pd: (dhaacleeyey)
ps: v2b=
key: dhaaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaalcee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: dhaaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaantee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) Dhaanto cayaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaantee
v. dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaantee
(fal) dhaanto ciyaar. Dh: dhaantay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaantee
de: dance
lx: dhaantee
pd: (dhaanteeyey)
ps: v2b=
key: dhaantee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagarle
m. n. traitor; deceiver, cheater, swindler
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagarle
de: traitor; deceiver, cheater, swindler
lx: dhagarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhagarle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarre
m.l la-mid: dhagarqabe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagarre
-dhagarraha: (n) dishonest or crooked man; .deceiver (zfenver); swindler (swindhalar) ~ dhagar qabe, dhagarlow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagarre
-ha: (magac, lab, keli) qof xun oo uu dilka dadku la fudud yahay ama ku mammay. Dh: dhagarqabe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagaxow
Evaporate
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAYAR
[DEGAYAR] Boscia coriacea 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaysi
-ga: (magac, lab, keli) cod baxaya, dhegta la raacid oo wax la leeyahay in la maqlo isku taxallujin. Dh: dhegadhegayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasayne
-ha: (magac, lab, keli) xilli barwaaqo ku beegan gu'ga badhtankiisa. Awr gaal dhasaynaha haduu golongoloo qooqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Neef geel ah si aad ah u qabbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuxyee
v. tie up (camels, etc.) tightly, bind up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxyee
(fal) awr, si fiican oo uuna fakan karin u dabar. Dh: dabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuxyee
de: tie up (camels, etc.) tightly, bind up
lx: dhuuxyee
pd: (dhuuxyey)
ps: v2b=
key: dhuuxyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaalee
v. fight (of camels ~ cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalee
(fal) awr, mid kale qallaxato ku qabo. Dh: qallacatee.
dhabaalee: (fal) cid guubabi oo dhiirrigelin ku kici. Dh: guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaalee
de: fight (of camels ~ cattle)
lx: dhabaalee
pd: (dhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: dhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarley
m.dh Haweeney dhagar badan. la-mid: dhagarrey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarrey
m.dh la-mid: dhagarley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagarrey
n. phr. you cheater!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagarrey
de: you cheater!
lx: dhagarrey
ps: np-voc
key: dhagarrey
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxcas
m.l (dhagxan ..., m.dh) (jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxmad
-ka: (magac, lab, keli) dhagax laga helo dhulka macdanta ku yaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagayare
-dhagayaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhaga-yare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagayare
-ha: (magac, lab, keli) midho yaryar oo madow xiga oo cuntada lagu carfiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagayste
-dhagaystaha: (n) listener (lisiner) —dhagaystayaasha: (n) audience (oodi-yansi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamaajee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Barar dhacaan dhamaajo marin. la-mid: dhammajee, dhamoojee, dhamooqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid. m.f.dh, dhaqaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaalee
v. manage, look after, tend; save, economize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaalee
-yey / dhaqaaleysay: (v) 1. economize (ikono-maayz); also economise, save (seeyv); avoid extravagance; waste nothing; watch expenses. 2. take care of; look after; foster (foos-ter); cherish (jeerish) ~ xannaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalee
(fal) baylahtir ku samee xoolo aad gacanta ku haysid. Dh: ilaali. Li: qasaaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaalee
de: manage, look after, tend; save, economize
lx: dhaqaalee
pd: (dhaqaaleeyey)
ps: v2b=
key: dhaqaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinacyee
v. turn from side to side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacyee
(fal) dhan walba ka mar oo hareeraha ka soco. Dh: hareeree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhinacyee
de: turn from side to side
lx: dhinacyee
pd: (dhinacyeeyey)
ps: v2b=
key: dhinacyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxdixeed
m.l/dh (-dyo, m.l) Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxdixeed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax aad u adag oo laga helo dhulka biyamareenka, loona isticmaalo in lagu buuxiyo dhulka gotaanka ah marka aqalada la dhisayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabamaryee
(fal) cid aad wax isku ogaydeen, dabafur oo iyaga oo aan ku ogayn heshiiskii ka bax. Dh: dabafur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagarqabe
(Dhagarqaba-ha)
Qof dhagar badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarqabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Qof cid dhagar ka galay. la-mid: dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagarqabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Qof cid dhagar ka galay. la-mid: dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagarqabe
m. n., [compound] cheat, one who deceives; evader of justice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagarqabe
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhagarlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagarqabe
de: cheat, one who deceives; evader of justice
lx: dhagarqabe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhagarqabe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax dab
n. phr. igneous rock
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-cas
m.l (jooloji) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax-cas
Laterite
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAGAX-QOR
(Dagah-gor) N Arthraxon prionodes (Steud.) Dandy. Gramineae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax_dab
de: igneous rock
lx: dhagax dab
ps: np
key: dhagax_dab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dhagaxbuur
pr. n., loc. Dagahbur [small town in western Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dhagaxbuur
de: Dagahbur [small town in western Somalia]
lx: Dhagaxbuur
ps: n0-loc
key: Dhagaxbuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxdhig
-ga: (magac, lab, keli) jaajuur la dhigo meel in wax laga dhiso la doonyo oo astaan u ah billawga mashruuc la dhisayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxlool
m.l (-llo, m.dh) Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.