dhagaxmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxmad
-ka: (magac, lab, keli) dhagax laga helo dhulka macdanta ku yaal.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHABAXAAD
Grewia mollis[?] 30
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxcas
m.l (dhagxan ..., m.dh) (jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-madow
m.l Nooc ka mid ah dhagaxa adag, laga helo buuraha qaarkood oo markuu isku dhaco dab ka baxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax dab
n. phr. igneous rock
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-cas
m.l (jooloji) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax-cas
Laterite
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax_dab
de: igneous rock
lx: dhagax dab
ps: np
key: dhagax_dab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxsaar
-ta: (magac, dhedig, keli) 'xeer' hal geel ah oo reer qof laga dilay loo keeno oo qabriga dushiisa lagu cuno. Waa hal weyn oo shilis oo ay keenaan dadkii dhagar qabay. Dh: qabriqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagax la dhacid. Dh: dhagxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daamad
m.dh Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daamad
m.dh Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaxa
In badan; badanaa; aalaa; qajeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaxa
fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tusaale: “Dh. buu ku sugay”. la-mid: dhaaxaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaxa
fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tusaale: Dhaaxa buu ku sugay. la-mid: dhaaxaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaxa
[adverb] or [adverbial] [expression] usually, mostly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaxa
(falkaabe) sida badanaa dhacda; inta badan. Dh: qajeela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaxa
de: usually, mostly
lx: dhaaxa
ps: adv
syn: aalaa, badanaa, qajeel
key: dhaaxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagax
(Dhagax-a)
Cad ama gabal yar oo ciid isku dhegtey oo adkaatay ah; shiid; dhadhaab; med; cal; quruurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax
m.l (-xyo/-gxaan, m.dh) Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagax
m.l (-xyo/-gxaan, m.dh) Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax
m. n. stone, rock; granite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagax
-a: (n) stone (istoori); rock (raak) —dhagax leh: (adj) stony (istooni). Ex: meel dhagax leh baan tegnay; we went into stony place
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhagax
Pietra; sasso
Stone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagax
-a: (magac, lab, keli) walax aad u adag oo qaabab kala duwan leh oo dhulka dushiisa laga helo, gaar ahaan buuraha oo siyaabo kala duwan loo adeegsado sida dhismaha guryaha. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isku mid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax
de: stone, rock; granite
lx: dhagax
pd: (-a Pl: dhagxan ~ dhagxaan (ta))
ps: n8-m, n2a-m, n3-m
key: dhagax
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhagax
حجر
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daammad
-da: (magac, dhedig, keli) cadaab iyo kulul. Daammad ayaa ku dhacday reerka oo cidi kama noola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxad
f.g1 (-day, -dday) Naag hurudda farxumayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaxad
f.g1 (-day, -dday) Naag hurudda farxumayn. m.f.dh, dabaxadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaxad
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay hurudda, farxumayn.
dabaxad-ka: (magac, lab, keli) eeg dabamaryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabad
m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iyo wixi lamida dhextaal u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaacad
(fal) hal ilmaheedu jaqayo, deymood iyada oo ursanaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaman
Uskag badan leh; wasakhi ku dhooban tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Dhar iyo wixi lamida wax la dhaamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaman
der. [adjective] dirty, messy, all messed up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaman
(tilmaame) uskag badan leh. Nin dhaaman waa laga dheeraadaa. Dh: dhaboolagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaman
de: dirty, messy, all messed up
lx: dhaaman
pd: (dhaamnaa)
ps: adj-der
key: dhaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaxaa
fk. la-mid: dhaaxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagxan
f. n., pl. stones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagxan
-ta: (n) [plural of dhagax] stones (stoonis) ~ dhagxaan [see also dhagxaan]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagxan
de: stones
lx: dhagxan
pd: (-ta Sg: dhagax)
ps: n8-f-pl
key: dhagxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaad
m.l (daawo) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaad
m.l (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHALAAD
(Dalad) May Euphorbia cuneata Vahl. Euphorbiaceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaad
-ka: (magac, lab, keli) bar cad oo isha ku samaysanta. Dhaalaad ayaa isha igaga yaalla.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhamaad
finish
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxmar
v., [compound] take place, transpire, ensue; happen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaxmar
-ay I tay: (v) go through; pass through ~ dhexmar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxmar
a: dhexmar
de: take place, transpire, ensue; happen
lx: dhaxmar
pd: (dhaxmaray)
ps: v1=cmp
key: dhaxmar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxsad
(Dhaxsad-ka)
Dhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxsad
m.l la-mid: dhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabmid
m.f.dh eeg dhaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah meel ugu qotonsamid. Dh: qotonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsad
(Dhaafsad-ka)
Dhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsad
m.l la-mid: dhaafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafsad
vl. n. exchange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafsad
-ka:: (n) exchange (ikis- janji); trade (tareeydh) ~ is dhaafsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsad
-ka: (magac, lab, keli) meel xad ah iyo wixii la mid ah, weydaarsad.
dhaafsad-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysatay, wax kale ku soo beddelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafsad
a: dhaafsasho (/da) [vn6-f], dhaafsi (-ga) [vn2-m]
de: exchange
lx: dhaafsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhaafsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansad
(Dhaansad-ka)
Dhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansad
m.l la-mid: dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansad
vl. n. fetching of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansad
-ka: (magac, lab, keli) buuxsad oo daf ka siisasho. Dh: dhaansi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansad
a: dhaansasho (/da) [vn6-f], dhaansi (ga) [vn2-m]
de: fetching of water
lx: dhaansad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashad
(Dhaashad-ka)
Dhaashi ismarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashad
m.f.l eeg dhaasho. la-mid: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashad
-ka: (magac, lab, keli) sudag si fiican u marsasho oo barwaaqo in la joogo ka markhaati kicid. Dh: subkad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaxaan
(adv) often (ofan); many times; frequently. Ex: dhaaxaan ku iri ha samayn! I told you often not to do that!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacarad
(Dhacarad-ka)
Dhacarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarad
m.l la-mid: dhacarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarad
-ka: (magac, lab, keli) daaqidda xoolaha ee dhacarta. Xooluhu dhacaradka biyo ayay ka helaan. Dh: dhacarasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhagaadi
Qodob girgirro maroorsan iyo fanax madaxa ku taal leh ee isu haya shay labadiisa xubnood sida garka iyo galka xagalseetada, raandada iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagagac
-da: (magac, dhedig, keli) orod jagac ah. oo mar keliya cagta wax laga dayo. Dh: jagagac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagaxow
Evaporate
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAYAR
[DEGAYAR] Boscia coriacea 01
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagxaan
f. n., pl. stones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagxaan
-ta: (n) [plural of dhagax]. 1. stones (stoonis) ~ dhagxan. 2. (n) battery (baatari) ~ batari
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagxaan
de: stones
lx: dhagxaan
pd: (-ta Sg: dhagax)
ps: n8-f-pl
key: dhagxaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalacad
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir aad u jecel hilibka madaxa sarena gabbal cad oo weyn ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsad
-ka: (magac, lab, keli) socosho, iyadoon si wanaagsan wax loo arkayn. Dh: hagabsasho, handallafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakamad
(Shakamad-da)
Suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakamad
m.dh (-do, m.l) Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shakamad
f. n. decorative halter for a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamad
-da: (magac, dhedig, keli) suun dumaysan oo fardaha luqunta looga lulo; shay fardaha qoorta looga lulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shakamad
de: decorative halter for a horse
initial: s
lx: shakamad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shakamad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalamad
m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shalamad
m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Garbasaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabancad
-da: (magac, dhedig, keli) rasaasta qoryaha laga rido. Dh: dhabancas, xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaamid
m.f.dh eeg dhacaan³. la-mid: dheecamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan keenid. Dh: dheecaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsad
m.l la-mid: dhacarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagaxyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dhagax la dhacid. la-mid: dhagxi.