ereyga

dhagaxbaruur

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhagaxbaruur

DHAN

m.l/dh (-rro, m.dh) Dhagax midab cad leh oo jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Dhagaxbuur

DHAFAN

pr. n., loc. Dagahbur [small town in western Somalia.]

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Dhagaxbuur

DHAFAN
1

de: Dagahbur [small town in western Somalia]

2

lx: Dhagaxbuur

3

ps: n0-loc

4

key: Dhagaxbuur

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhagax burbur

DHAFANDHAAF

Weathering

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagabaruur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa yaryar ee dhasha ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagaxtuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qalalaase iska hor'imaad ah oo shiid iyo arbushaad wata.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cagabbaruur

DHAFANDHAAF
1

(Cagabbaruur-ka)

2

Libaax yar oo dhal ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] lion cub; young camel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

-ka: (n) cub (kaab); lion cub

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF
1

de: lion cub; young camel

2

lx: cagabbaruur

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: cagabbaruur

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhafaruur

DHAFANDHAAF

m.l Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhafaruur

DHAFANDHAAF

m.l Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhafaruur

DHAFANDHAAF

m. n. bush species, and its sweet yellow berry fruit

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

DHAFARUUR

DHAFANDHAAF

(DAFARUUR] Grewia tembensis 10, G. tenax 03

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHAFARUUR

DHAFANDHAAF
1

(Dafarur) All Som. Grewia tenex (Forsk) Fiori Tiliaceae.

2

C Grewia tembensis Fres. Tiliaceae.

3

C Grewia penicillata Chiov. Tiliaceae.

4

N, S Grewia bicolor Juss. Tiliaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhafaruur

DHAFANDHAAF

-ta: (n) a tree with edible fruit

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhafaruur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) geed yar oo midho macaan leh. Dhafaruur ayaan midho ka gurtay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhafaruur

DHAFANDHAAF
1

de: bush sp., and its sweet yellow berry fruit

2

lx: dhafaruur

3

pd: (-ka)

4

ps: n-m-enum

5

key: dhafaruur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagaxsaar

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) 'xeer' hal geel ah oo reer qof laga dilay loo keeno oo qabriga dushiisa lagu cuno. Waa hal weyn oo shilis oo ay keenaan dadkii dhagar qabay. Dh: qabriqod.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhanfaruur

DHAFANDHAAF
1

(Dhanfaruur-ta)

2

Geed jaadka miracaska ah, kase weyn oo miro la cuno leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhanfaruur

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhafaruur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhanfaruur

DHAFANDHAAF

f. n. fruit species, small & sweet

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

DHANFARUUR

DHAFANDHAAF

Grewia tenax 01

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhanfaruur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) geed torrayda u eg oo midho cawlcawlan oo afar'afar isku xidhan oo miid macaan leh oo qadhaab ahaan loo cuno. Dhanfaruur nin helaa hadhimo ma tawana. Dh: aashacaddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhanfaruur

DHAFANDHAAF
1

de: fruit sp., small & sweet

2

lx: dhanfaruur

3

pd: (-ta)

4

ps: n2-f

5

key: dhanfaruur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhegaxanuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cudur dhegaha ku dhaca oo dartii dadka ku dhego cuslaadaan ama ku dhego beelaan haddii aan la iska daaweyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhagax burburay

DHAFANDHAAF

Grit

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

dhagax tuurka

DHAFANDHAAF

shot put

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dababbuur

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) waadaan ceelka la soo daray oo aan buuxin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhagaxcas

DHAFANDHAAF

m.l (dhagxan ..., m.dh) (jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagaxmad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhagax laga helo dhulka macdanta ku yaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhagayare

DHAFANDHAAF

-dhagayaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhaga-yare

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagayare

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) midho yaryar oo madow xiga oo cuntada lagu carfiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qambaruur

DHAFANDHAAF

m.l 1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. la-mid: qambaruursasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qambaruur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) oohinta aanu qofku codkiisa kor u qaadin ama aanay qaylo wehelin oo hoos loo quuxo. Dh: yaayuul qambaruursan: (tilmaame) mid hoos u ooyaya ah. Dh: yaayuulsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhaga yare

DHAFANDHAAF

dhaga yaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhagayare

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagagarsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) oodda aan la dhacamayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHAGAX-QOR

DHAFANDHAAF

(Dagah-gor) N Arthraxon prionodes (Steud.) Dandy. Gramineae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagaxyayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagax la dhacid. Dh: dhagxin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhaqanguur

DHAFANDHAAF
1

(Dhaqanguur-ka)

2

Dhaqan dhaqan kale oo ka xoog badani ka kor yimid oo ka adkaaday oo hafiyey oo meeshii ka saaray; dhaqanwareeg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhaqanguur

DHAFANDHAAF
1

dhaqanguur¹: m.l 1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. la-mid: dhaqanguurid.

2

dhaqanguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhaqanguur

DHAFANDHAAF
1

dhaqanguur¹: m.l 1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey.

2

dhaqanguur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid. m.f.dh, dhaqanguurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhaqanguur

DHAFANDHAAF

v., [compound] change one's ways, make a cultural change, adapt, adopt a new culture

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhaqanguur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaqandoorsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhaqanguur

DHAFANDHAAF
1

de: change one's ways, make a cultural change, adapt, adopt a new culture

2

lx: dhaqanguur

3

nt: dhaqanguur (ka) [vn2-m]

4

pd: (dhaqanguuray)

5

ps: v1=cmp

6

key: dhaqanguur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dharaarumo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) soojeedka habeenkii oo foojignaan ku jirto. Dharaarumo habeenaad ayaa xoolo lagu dhaqaa. Li: hurdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhexkatuur

DHAFANDHAAF

m.dh Derin, harrar iyo wixi lamida oo aqal Soomaaliga dusha laga saaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhaacwareer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hal la maalay ama nirigtu jaqday oo inyar ka dib mar labaad godol laga dayey habka ay nirigta u eegayso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagaxyaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob aad u gabaw oo da'a dhibco barafoobay oo sida dhagaxa noqday. Roob dhagaxyaale ah ayaa buurta ka da'ay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waraabatuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhagax gacan buuxis ah oo wax lagu aan'i karo. Wuxu ku dakhray dhagax waraabatuur ah. Dh: gacan buuxsi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhabarxanuun

DHAFANDHAAF

m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhabarxanuun

DHAFANDHAAF

m.l Xanuun dhabarka ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhabarxanuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhabarka oo xanuuna; xanuun dhabarka ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagabarjayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wareerin kolba wax u sheegid iyo qaylo ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhaqanwareer

DHAFANDHAAF
1

dhaqanwareer¹: m.l Dhaqanhabow.

2

dhaqanwareer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dhabar xanuun

DHAFANDHAAF

-ka: (n) backache (baak-eyk); back pain (baakpeeyri)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhagax aboodi

DHAFANDHAAF

m. n. stone with medicinal properties

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagax'aboodi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) dagax ay dadka badhkii aaminsan yihiin inuu dawo leeyahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhagax-aboodi

DHAFANDHAAF
1

(Dhagax-aboodi-ga)

2

(senen) dhagax gaar ah oo la qabo inuu dawo lee yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhagax-aboodi

DHAFANDHAAF

m.l Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhagax_aboodi

DHAFANDHAAF
1

de: stone with medicinal properties

2

lx: dhagax aboodi

3

pd: (-ga)

4

ps: np-m

5

key: dhagax_aboodi

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhagaxmadoobe

DHAFANDHAAF

m.l (-bayaal ..., m.l/dh) (jool.) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhalaamadhuux

DHAFANDHAAF

-a: (magac,lab, keli) geed qodax leh oo ka baxa dooxooyinka yaryar sid dharkaynkana caano leh. Dhalaamadhuuxa boogtaa lagu dhayaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhaqanwareeri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Bulsho dhaqanhabow ku beerid.

waa la naqliyay ✓