dhagax-nuuradeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-nuuradeed
m.l (jooloji) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagaxnuuradeed
m.l (jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhagax nuuradeed
Limestone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax nuuradeed
n. phr. lime stone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax_nuuradeed
de: lime stone
lx: dhagax nuuradeed
ps: np
key: dhagax_nuuradeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraar
1. (Xaraar-ka) Dhadhan aan macaaneyn (ama kharaar, qaraar).
2. (Xaraar-ta) Dhagax-nuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dolmayt
m.l (-tyo, m.dh) (jooloji) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jooloji) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirfoorara
m.l (jooloji) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraar
m.dh (-ro, m.l) 1. Gebi ku yaal babac qar dheer oo badanaa daayeerku ku hoydo habeenkii. 2. la-mid: tarro. Dhagax-nuuradeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dolmayt
m.l (-tyo, m.dh) (jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaashiir
tabaashiir¹: m.l Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir²: m.l (jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirfoorara
m.l (jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Limestone
Dhagax nuuradeed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lime stone
Dhagax Nuuradeed, xarsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaas
(fal) aad u buuxi oo illaa halka ugu sarraysa gaadhsii. Odayga innoo yimid joonyad u malaas oo sii. Dh: buuxi.
malaas: (fal) dalool ama fur bannaan afka ka dabool oo wax ku xidh. Furta bannaan dhoobo ku malaas. Dh: gufee, awd.
malaas: (fal) duuduub oo wax kuusan ka dhig. Ciid ii malaas aan luxudka dhigee.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) dhagax nuuradeed burbura oo budadiisa reer miyigu madaxa ku nadiifiyaan. Dh: xaraar, nuurad.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) malqaacad af weyn leh oo dheriga lagu walaaqo laguna kala guro. Dh: malqaacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraar
(fal) xadhaadh oo cunto ama caleen ku sumaw. Jaadka ku xaraar. Dh: xadhaadh.
xaraar: (fal) jaad bun, shaah ama wax la mid ah u hamuun oo u baaho; xaraaro ha ku hesho oo cas iyo hamaahsi badan yeelo. Bunka u xaraar.
xaraar-ka: (magac, lab, keli) dhadhan aan macaanayn oo dacarta iyo dawooyinka badhkood ay leeyihiin. Bunka xaraar ayaan fuudi kari waayay Dh: qaraar, kharaar, qadhaadh, xadhaadh.
xaraar-ka: (magac, lab, keli) sumaw ama balalood lagu sumoobo oo lagu xadhaadho cunto ama caleen la cuno. Caano ama sharaab badan oo la cabbaa xaraarka way khafiifiyaan. Dh: xadhaadh.
xaraar -ta: (magac, dhedig, keli) jar aad u dheer oo in la fuulaa adag tahay. Xaraar daayeer xoolo ma daaqaan. Dh: jar, qaw.
xaraar-ta: (magac, dhodig, keli) ciid cad oo dhagax nuuradeed ah oo raggu madaxa marsadaan. Dh: darro, malaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagax ciideed
n. phr. sandstone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagax_ciideed
de: sandstone
lx: dhagax ciideed
ps: np
key: dhagax_ciideed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharab-barafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhagax tuurka
shot put
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharabbarafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacaanganaceed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal kubbadeed
Spherical angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagax-xameetiyeed
m.l (daawo) Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagax-xameetiyeed
m.l (daaw.) Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daawo) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhadhaab barafeed
Rock-glacier
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holac-xuubwadneed
m.l (-cyo .., m.dh) (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.