ereyga

dhadhaab-lakabeed

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhadhaab-lakabeed

DHAN

m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhadhaablakabeed

DHAFAN

m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaablakabeed

DHAFAN

Sedimentary rocks

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaab lakabeed

DHAFAN

Rock sedimentary

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

duud-oogeed

DHAABAN

m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaantay

DHAABAN

m.l (-yo, m.dh) (jooloji) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow (cementation), sida nuuradda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

quruurux-bataax

DHAABAN

m.l.u (jooloji) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

duud-oogeed

DHAABAN

m.l (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gaantay

DHAABAN

m.l (-yo, m.dh) (jool.) Xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantey cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow (cementation), sida nuuradda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

quruurux-bataax

DHAABAN

m.l.u (jool.) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Rock sedimentary

DHAABAN

Dhadhaab lakabeed

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

duud'oogeed

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) oogo dhadhaab Ishiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaantay

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) ciid adag oo isku taalla oo dhulka la qodayo ka soo fuqda. Dh: fudaanfud.

2

gaantay-ga: (magac, lab, keli) xabuub khafiif oo dhadhaab lakabeed oo ka dhashay dhoobo, waxa laga yabaa iney ku sameysantay cadaadis culeyska dhadhabaha kor saaran dartood, ama sibidhow ku dhaca sida nuuradda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhadhaab-saleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaab barafeed

DHAFANDHAAF

Rock-glacier

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhadhaabsaleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaab saleed

DHAFANDHAAF

Bed rock

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhadhaab-shiileed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dharab-barafeed

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhacaan-ganaceed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhadhaabshiileed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaabo shiileed

DHAFANDHAAF

Igneons rock

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dharabbarafeed

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhacaanganaceed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhadhaabo habayaal

DHAFANDHAAF

Pervious rocks, Permeable rocks

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhiigbax-maskaxeed

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhiigbax-maskaxeed

DHAFANDHAAF

m.l (daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhar cayaareed

DHAFANDHAAF

n. phr. track-suit, sports clothes

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhar_cayaareed

DHAFANDHAAF
1

de: track-suit, sports clothes

2

lx: dhar cayaareed

3

ps: np

4

syn: tuute

5

key: dhar_cayaareed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHARQO-GAALEED

DHAFANDHAAF

(Dargo-galed) S Rhynchosia valutina Wight & Arn. Papilionaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

itaal-danabeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhadhaarnaansho

DHAFANDHAAF

m.l/dh la-mid: dhardhaarnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhadhaarnaansho

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg dhadhaarnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

duuddhadhaabeed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhidib birlabeed

DHAFANDHAAF

Magnetic Axes

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhimosharafeed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qado madax ama dad martabo leh loo sameeyo. Wefdigii ayaa hadhimoshareed loo sameeyey. Dh: qadosharafeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shahaadosharafeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg shahaadosharaf.

waa la naqliyay ✓