dhaddigeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh yar xalaalayn oo baarada ka jarid. Dh: gudid.
dhaddigeyn -ta: (magac, dhedig. keli) dhedig badan oon lab ku jirin dhalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigayn
vl. n. feminization, making a noun feminine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigayn
de: feminization, making a noun feminine in Somali grammar
lx: dhaddigayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: dhaddigayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddigeyn
(Dheddigeyn-ta)
Dheddig ka dhigid; dheddig keliya dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddigeyn
m.f.dh eeg dheddigee. la-mid: dhaddigeyn, dhiddigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) la-mid: dheddigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigee
v. make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigee
(fal) gabadh yar xalaalee oo baarada ka goo. Inanta dhaddigee oo fircoonina ha ku samayn. Dh: gud.
dhaddigee: (fal) ilmo dhedig dhal. Dh: dhedigee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigee
de: make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
lx: dhaddigee
pd: (dhaddigeeyey)
ps: v2b=tr
see: dheddigee
key: dhaddigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddig
m.l la-mid: dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaddig
m.l la-mid: dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddig
m. n. female; feminine {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaddig
-ga: (n) female (fiimeel); feminine gender, women (woom-en) ~ dheddig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddig
-a: (magac, lab, keli) labada jinsi ee noolaha, ka wax dhala ee hooyada noqda. Dh: dhedig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddig
a: dheddig
de: female; feminine {grammar}
lx: dhaddig
pd: (-ga)
ps: n1-m, n2a-m
key: dhaddig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigeyn
(Dhiigeyn-ta)
Dhiig ka dhigid; dhiig ka keenid; dhiig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigeyn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yeelasho.
dhiigeyn-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yaacin. Dh: dhiiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadimeyn
m.f.dh eeg hadimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (f.g) Dheddig ka dhigid. 2. (f.mg) Dheddig keliya dhalid (nafley). la-mid: dhaddigee, dhiddigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddigee
v.; v: classify as female; feminize; remove a woman's clitoris, circumcise a female; bear female offspring
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheddigee
de: classify as female; feminize; remove a woman's clitoris, circumcise a female; [intr] bear female offspring
lx: dheddigee
pd: (dheddigeeyey)
ps: v2b=tr
key: dheddigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) la-mid: dheddigee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigood
m. n., [collective] feminine gender; the female sex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigood
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaddig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigood
a: dheddigood
de: feminine gender; the female sex
lx: dhaddigood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: dhaddigood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddignimo
m.dh la-mid: dheddignimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaddignimo
-da: (n) femininity (faminiiniti); femaleness (fiimeelnes); womanhood (wumanhuudh) ~ dheddignimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddignimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid dhedig ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraddirayn
(Diraddirayn-ta)
(dad) inay wax isyeelaan ama colloobaan ama is nacaan ka xoojin; iskuddirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddirayn
m.dh eeg diraddiree. la-mid: diraddire, diraddiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caddeyn
Proof
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddeyn
vl. n. proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddeyn
de: proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
lx: caddeyn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: caddeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeyn
m.f.dh eeg dangee. la-mid: dangeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadin
m.f.dh eeg dhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) summad lugu dhigo cududda jeeniga xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhen
dhadhen¹: m.l la-mid: dhadhan¹.
dhadhen²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dhadhan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweyn
m.dh la-mid: dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aa, fogayn keenid. Dh: dhawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaxdin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel kale, hall habeen baryid ka dibna laga sii guuro ama laga sii socotimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddig
(Dheddig-ga)
Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dheddigood; dumar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddig
m.l 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. la-mid: dhaddig, dhiddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheddig
m.l 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. la-mid: dhaddig, dhiddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddig
m. n. female; feminine {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheddig
-ga: (n) female (fii meel); feminine gender, women (woom-eri) ~ dhaddig
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheddig
a: dhaddig
cf: dumar
de: female, feminine Opp: lab ~ labood
lx: dheddig
pd: (-ga)
ps: n1-m, n2a-m
key: dheddig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dheddig
مُؤَنَّتْ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddin
(Dheddin-ka)
Geed-quwaax la ruugo; (ama dhiddin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddin
m.l Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. la-mid: dhiddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheddin
m. n., [collective] rootcrop plant species, chewed for its sugar content
dheddin m. n., [collective] tree species, with aromatic resin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibeyn
m.f.dh eeg dhibee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddig
m.l la-mid: dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiddig
m.l la-mid: dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddin
m.l la-mid: dheddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiddin
-ka: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geednugaylka, oo jirrid jilicsan oo agabka badhkii laga qorto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigayn
(Dhigayn-ta)
Dhigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigayn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri dhigo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aqal Soomaali loo samaynayo fadhiisin gudaha ah. Aqalku dudeyn wanaagsan u samee. Dh: dahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyn
m.f.dh eeg daangee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqgeyn
m.f.dh eeg daaqgee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaddin
m.dh (-imo, m.l) Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaddin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xog'ogaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhiin
m.dh (-nno, m.l) Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel laasas ay ka qodan yihiin oo biyo yar, jiilaalkiina kolkol biyo laga helo. Cali wuxu u arooray dhadhiinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfeyn
m.f.dh eeg dhalfee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammeyn
vl. n. completion, finishing, liquidation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammeyn
de: completion, finishing, liquidation
lx: dhammeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhammeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhen
dhandhen¹: m.l la-mid: dhadhan¹.
dhandhen²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dhadhan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheddigo
-da: (magac, dhedig, keli) magaca loo yaqaan biciidka kiisa yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddig keli ah oo la moodo in ay ceeryaan saaran tahay. Wuxuu jiraa labo bilood oo habeenkiina ay dhalalo kugu dhacdo dharaartiina ceeryaan kugu dul joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadimays, dibindaabyeyn; luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigeyn
(Midigeyn-ta)
1. Docda midig xigid.
2. Wax docda midigia ah ka bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigeyn
m.f.dh eeg midigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaddihin
(Daaddihin-ta)
(dhallaan) socod barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaddihin
m.f.dh eeg daaddihi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddihin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilma yar oo carruur ah socodsiin oo baritaanka tallaaboqaadka. Daaddihin wuu ka weynaaday wiilku hadda ee gacanta ka siidaa.
daaddihin -ta: (magac, dhedig, keli) marka qof uu hayo xidhiidhinta hadalka meel dad badani ka hadlayaan ama idaacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggeyn
m.f.dh eeg dabaggee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore wax dambe ka daba kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxigeen
-ka: (magac, lab, keli) inta dabka ugu xigta ee u dhaw. Aloolku waa haylaan dabxigeen ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeyn
m.f.dh eeg dadaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangeyn
m.f.dh eeg darangee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul daran leh u kaxayn; daran ku soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deedifeyn
(Deedifeyn-ta)
Hadal deedifo ah, jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deedifeyn
m.f.dh eeg deedifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deedifeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal horay loo yidhi dhan iska leexin oo gaashaanka u daruurid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAWEYN
[DHAGOWEY, DAGAWEYN] Cissus ellenbeckii 04
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHARKEEYN
(Darkein) All.Som. Euphorbia robecchii Pax. Euphorbiaceae.
S NFD, Euphorbia candelabrum Kotschy Euphorbiaceae.
N Euphorbia cameronii N.E.Br. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) duhur hadhimo cunid. Markaad safar tahay hadhimaynta haku daahin. Dh: qadayn.