dhacmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmin
m.f.dh eeg dhacmi. la-mid: dhacamin, dhacamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u fogayn. Dhacminta ka daa wuu hallaabiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacamin
m.dh la-mid: dhacmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacamin
-ta: (magac, dhedig, keli) irrid dhacan ku dhababid. Jiitinta soo jiid dhacaminta hadhaw aad samayside. Dh: dhacamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacmin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hiil iyo hooba la garab joogid. Dacmin af ayuu u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ood xaro xoolaad afka ka saarid. 2. Ood weyn, cufan, xero ku adkayn. la-mid: dhacami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmi
(fal) hulo bannaan dhacamo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamin
(Dhaamin-ta)
1. Dhaan kaxayn.
2. Afka ka joojin; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamin
m.f.dh eeg dhaami. la-mid: dhaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) reer biyo u doonid oo aroorid.
dhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) weel, buuxin oo daf ka siin. Dh: buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmid
m.f.dh eeg dhacan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa tegay oo fogaadey. Irmaankiinu maantuu dhacmee idhanka loo qaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacamis
m.l la-mid: dhacmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarin
m.f.dh eeg dhacari. la-mid: dhacaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsiin
(Dhacsiin-ta)
Si qof, waxa la bara hayo ama loo sheega hayo uu u garto, hadal tilmaamo iyo tusaalooyin badan leh, wax ugu sheegid; faro waaweyn wax ugu sheegid; u dhaadhicin; garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsiin
m.f.dh eeg dhacsii. la-mid: dhacsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsiin
vl. n. elucidation; act of making someone understand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhacsiin
Convincimento
Convincement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid hadal ama aragti ka raaridid oo fahamsiin. Dh: dhaadhacsiin.
dhacsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid xoolo laga dhacay u ridid. Dh: ridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsiin
de: elucidation; act of making s.o. understand
lx: dhacsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhacsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacmi
(fal) hiil iyo hooba la garab joog. Xisbigaad taageersan tahay dacmi. Dh: taageer.
dacmi -ga: (magac, lab, keli) dhadhanka cunto ama cabbitaan leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damin
de: extinguishing; turning off (a light)
lx: damin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: damin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacin
m.f.dh eeg daaci².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii uu cunay in ka mid ah ka hunqaacin. Kolka la daacaqudmo ayay daacintu fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwin
m.dh la-mid: dacwiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwin
-ta: (magac, dhedig, keli) garramid oo dacwo jeedsasho. Daayeerad yahay xumi, ma daa dacwini kara. Dh: dacwiyid, garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmin
-ta: (magac, dhedig, keli) mar aanu shay iska beddelin sidii uu midabkiisa ama noociisu ahaa. Xoolahan dalmin kama muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhsiin. Dh: danqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmin
(Darmin-ta)
(geel, kd.) daran siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmin
m.f.dh eeg darmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmin
-ta: (magac, dhedig, keli) geela oo daran la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaami
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin. m.f.dh, dhaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaami
v. turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaami
(fal) reerka biyo u doon oo aroor.
dhaami: (fal) weel buuxi oo daf ka sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaami
de: turn on water, pour water; draw ~ get ~ go for water
lx: dhaami
pd: (dhaamiyey)
ps: v2a=
key: dhaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacan
1. La dhacay; xoolihii laga qaaday.
2. (Dhacan-ta) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacan
dhacan¹: m.dh (-cmo, m.l) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.
dhacan²: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) La dhacay; xoolihii laga qaaday.
dhacan³: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof la dhacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof la dhacay ahaansho. m.f.dh, dhacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacan
der. [adjective] robbed, looted
dhacan [feminine] n. corral closure, gate; cut tree used as a shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacan
-dhacnaa / dhacnay: (adj) robbed (robbidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacan
(tilmaame) qof wixiisii la qaatay oo xoog lagu boobay.
dhacan-ta: (magac, dhedig, keli) oodda lagu guro kadinka ama lagu oodo. Dhacani dhaxan ma celiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo hoobasho oo dhulka ku soo dhicid.
dhacid-da: (magac, dhedig, keli) suuxid oo iskala garanwaayid. Dh: dhicis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacni
v. take place, go on, be conducted
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsi
(Dhacsi-ga)
Dhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsi
m.l la-mid: dhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsi
vl. n. repossession of stolen goods, retaking from a robber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsi
a: dhacsad (ka) [vn-m], dhacsasho (/da) [vn-f]
de: repossession of stolen goods, retaking from a robber
lx: dhacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: dhacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhajin
m.f.dh eeg dhaji. la-mid: dhajis (3), dhejin, dhejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalin
(Dhalin-ta)
1. Ilmo ka ummulin, ka keenid, ka soo bixin.
2. Wax aan hor u jiri jirin keenid ama samayn; curin; abuurid; uumid; alkumid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalin
m.f.dh eeg dhali². la-mid: dhalis¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhalin
score
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalin
vl. n. causing, creating; delivering a baby; scoring a goal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalin
-ta: (n) 1. the act of delivering [for example a baby]; delivery (diliveri); bearing (beering) ~ ummulin, dhalmo. 2. the act of a scoring a goal or point
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) haweenay uur leh ama wax kale ka ummulin oo foosha ku caawin. Dh: ummulin.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar halkii la doonayay gaadhid oo duq ama gool keenid.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) (kal ~) xubnaha faraha laabid oo dhac ka siin. Sareedo ka dhalinta faraha kama oydo.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) fikrad, mashruuc iyo wixii la mid ah keenid oo abuurid. Dh: curin, badcid, abuurid.
dhalin -ta: (magac, dhedig, keli) dad da'yarta ah ee aan weli gaboobin. Dhalintu caawa waxay ku cawaynayaan naadiga. Dh: dhallin, dhallinyaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalin
de: causing, creating; delivering a baby; scoring a goal
lx: dhalin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhalin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaman
m. n. cheek
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaman
a: dhaban
de: cheek
lx: dhaman
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamid
(Dhamid-da)
Cabbidda caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamid
m.f.dh eeg dhan². la-mid: dhamis, dhamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, afka ku shubasho oo ligid. Caano dhamid mooyee calalis ma laha. Li: calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamis
m.dh la-mid: dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamis
-ta: (magac, dhedig, keli)eeg dhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicin
(Dhicin-ta)
1. Xoolo col qaaday ka dabo duulid oo kasoo celin.
2. Ilmo dhicis ah, dhalid.
3. (ka dhicin) Wax ka celin ama ka qabasho; daaficid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicin
dhicin¹: m.f.dh eeg dhici. la-mid: dhicis¹ (2).
dhicin²: m.dh (daawo) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhicin
m.dh (daaw.) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhicin
vl. n. miscarriage, act of losing a baby
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhicin
-ta: (n) miscarriage (misikaa-reeyj); unintentional abortion (a-boor-shin) ~ dillan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo aan shinkiisu gaadhin, isaga oo meyd ah soo dhicitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhicin
de: miscarriage, act of losing a baby
lx: dhicin
pd: (-ta)
ps: vn-f
syn: dhicis
key: dhicin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumin
m.f.dh eeg dhumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hallayn oo wax la waayay ka dhigid. Lacagta waan kuu dhiibi lahaaye dhumin baan ka baqayaa. Dh: hallayn, lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haamin
(Haamin-ta)
Kasha iyo laabta arrin ku hayn, ka dhisid, ka maamulid; hindisid; taawin; saababayn; maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamin
m.f.dh eeg haami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin kashka iyo laabta ku hayn; maanka ka maamulid oo ka dhisid. Dh: hammiyid, maamin, taawin, sababayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammin
m.dh la-mid: hammiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hammin
vl. n. worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammin
-ta: (magac, dhedig, keli) walbahaarid; welwelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hammin
de: worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
lx: hammin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hammin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmin
m.f.dh eeg harmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harmin
vl. n. contamination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harmin
de: contamination
lx: harmin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: harmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadin
m.f.dh eeg dhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) summad lugu dhigo cududda jeeniga xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafin
(Dhaafin-ta)
1. Wax meeshi wax kale geyn; ku beddelid; dhaafsiin.
2. Gudbin; marsiin.
3. Seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafin
m.f.dh eeg dhaafi. la-mid: dhaafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafin
vl. n. act of passing over; substituting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weydaarin; xagga kale u dhaafin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafin
de: act of passing over; substituting
lx: dhaafin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhaafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaahin
-ka: (magac, lab, keli) waxa la siiyo qof gef laga galay. Dh: xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaajin
(Dhaajin-ta)
Wax qof yiri ama sameeyey wax u eg falid, waxkasheeg darti; jilid; canjilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaajin
m.f.dh eeg dhaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaajin
vl. n. mimicking, mocking imitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaajin
-ta: (magac, dhedg, keli) canjilid oo wuxuu yidhaaba ka daba dhihid. Dh: canjilid.